Warso Media

Warso Media Ugu imow warar sugan oo ka dhaca Geyiga somaalida iyo guud ahaan caalamkaba
Wariye najah yusuf mohamed

Mid kamid ah Sawirada Murugada leh ee ka imaanaya Xaafadaha ee Magaalada Muqdisho, waxaa Sawirka uu Muujinayaa Shacab aq...
03/06/2026

Mid kamid ah Sawirada Murugada leh ee ka imaanaya Xaafadaha ee Magaalada Muqdisho, waxaa Sawirka uu Muujinayaa Shacab aqalkooda kasii qaadanaya guryihii ay deganayeen si ay kaga Fogaadaan dhibaato kasoo gaar isku dhac laga cabsi qabo inuu dhexmaro Ciidamada Dowlada iyo Kuwa ilaalinaya Madaxda Mucaaradka.

03/05/2026

Caasimada Waqooyi-Bari Laascaanood Oo Caawa Roobsatay.
Najah Yusuf Mohamed

03/05/2026

Caasimada Waqooyi-Bari Laascaanood Oo Caawa Roobsatay.
Najah Yusuf Mohamed

03/05/2026

"Siyaasada Xasan oo adhi gadaya baan kusoo jiray" Laftagareen

03/05/2026

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinkaNajah Yusuf Mohamed

Muqdisho, 03 May 2026:— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa'uud...
03/05/2026

Muqdisho, 03 May 2026:— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka – 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ku leedahay dhismaha nabadda, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta qiimaha leh ee saxafiyiintu ka qaataan wacyigelinta bulshada, Nabad dhiska, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha.

Sanadkan, xuska maalintan caalamiga ah waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saameynta casriyaynta warbaahinta iyo la qabsiga garaad-gacmeedka (AI), iyo sida warbaahintu kaalin mug leh uga qaadan karto nabadda, xal u helista colaadaha iyo xasilloonida dunida maanta.

Wasiirka ayaa xusay in saxaafadda Soomaaliyeed, sida warbaahinta caalamka oo kale, ay maanta saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan, u qareemidda nabadda, , xoojinta caddaaladda, iyo taageeridda dowladnimada.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli dalku ku jiro marxalad doorasho, loona baahan yahay in tabinta Warbaahinta u hiiliso doorashasho nabdoon oo kor u qaadaysa wadajirka bulshada..

Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay: xoojinta xorriyadda saxaafadda, ilaalinta badbaadada saxafiyiinta, iyo horumarinta jawi warbaahineed oo u sahlaya shaqo gudasha xirfad iyo mas’uuliyad ku dhisan.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyn sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto, tababarrada xirfadeed ee lagu xoojinayo saxafiyiinta, kor u wada-shaqeynta warbaahinta, iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed isla markaana la doortay.Laf...
03/05/2026

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed isla markaana la doortay.

Laftagareen ayaa intaa ku daray in uu tegi doono deeganadiisa kadibna uu xorayn doono.

29/04/2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) ayaa shir guddoomiyay Fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya. Wariye Najah Yusuf Mohamed

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warso Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share