Shiimaay Yare

Shiimaay Yare Wadada guusha samir iyo dulqaad sidoo kle dadaal niyad leh bay rabtaa.

“Islaamkeennu waa kan Imaam Waliid”. Warbaahinta caalamka ayaa mar qura waxaa qabsaday sida naxariista leh ee uu Imaam W...
06/04/2023

“Islaamkeennu waa kan Imaam Waliid”.

Warbaahinta caalamka ayaa mar qura waxaa qabsaday sida naxariista leh ee uu Imaam Waliid Mihsaas ula macaamilay Mukulaal dushiisa soo fuushay, isagoo Salaadda tukinaya Masjid ku yaala dalka Ajeeriya. Waxay suurad qurxoon ka bixisay wanaaga Islaamka iyo Imaamka oo sanadahan danbe sawir fool xun laga bixinayey, kaasoo in badan oo magac Islaam sheeganaya sabab u ahaayeen.

Waxaad mooddaa in ay isku soo aadeen naxariista uu Mukulaasha u muujiyey iyo Aayadda naxariista ka hadlaysa ee uu aqrinayey, {فقل ربكم ذو رحمة واسعة}.

Bisadu qudheeda Aayadda ayey u khushuucday oo Imaamkii dhunkatay.

Maadaama kooxo magac Islaam sheeganaya ay Diintii suurad xumeeyeen, Islaamkana cadawgiisii u loogeen, gaar ahaana anagana oo ay sanadahii danbe qarax, qaarajis, argagexin, dhac iyo furasho nagu hayeen, waxaan waynay naxariistii, turiddii, kalgacalkii, dhimrintii, damqashadii, daryeelkii, dulqaadkii, ixtiraamkii, xushmayntii iyo xishoodkii Islaamku na farayey.

Hal mar ayey muslimiinta iyagoo is ogayn isla yiraahdeen

“Islaamkeennu waa kan Imaam Waliid”.

W/Q: Siyaasi Abdirahman Abdishakur Warsame.

29/01/2023

indha nuuriyow nabiyow udgoon badanow
aragaaga nin waaayay ma amusnaan karaayo
ila yaaab nimaan wax ka ogayn nabiyow SCW.🥺🥺

18/01/2023

Siday tahay naftaydiyo
lama socotid howlahaa
sanadahan i haystee
sasabiyo wax sheegiyo
Samir waan ka quustee
Waa inaan salgaaree

Hiba nuura 💯😘

Geeri naxdin leh oo culus weye warkan dhiilada lahaa ee markacaday iiga yimi, naxdin iyo argagax aan qiyaas lahayn baan ...
12/01/2023

Geeri naxdin leh oo culus weye warkan dhiilada lahaa ee markacaday iiga yimi, naxdin iyo argagax aan qiyaas lahayn baan ka qaaday, balse waa qadar Eebbe keenay oo cidi diidayn.

Rabbi naxariis janaad hasiiyo shahiid walaalkeey Cumar Maxamed cusmaan Cali yariisoow. Dhabtii shakhsi wanaagsan oo af gaaban, ixtiraam badan, cibaado badan, sharaf iyo karaamo u hayo cid kasta oo ay isbartaan ayuu ahaa, karti iyo geesinimana way u dheerayd.

Wuxuu ahaa shakhsi ay ka go’nayd inuu khawaarij dalkan ka xureeyo, maantana wuxuu shahiiday isagoo khawaarijta la diriraya oo ka difaacaya shacabka masaakiinta ee ay dhibaan goor walba, xaqiiqdii geeri gobanimo leh buu geeriyooday.

Nin roon ma raago, walaalkeey Cumar Yarisow khabrigiisa Allah unuuriyo, janatul fardowsa Eebbe haku marti sooro iyo ahlu shuhadaa. 😥😥😥😥

02/01/2023

Wasiirkii h**e ee gaashaandhiga Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali ayaa si qayaxan oo cad uga hadlay guddi aan loo dhamayn oo uusoo xulay Gdoomiyaha baarlamaanka Sh.Aadan madoobe, kaa oo loo hubiyay magaca ah dib uheshiisiinta KGS balse xaqiiqdii ay tahay mid lagu heshiisinayo beelaha Digil iyo mirifle, laakiin aan dan iyo xaajo laga lahayn sida gudiga ka muuqatay beelaha kale ee wada leh koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan caawa ka qayb galay kulan isxog waraysi ah oo ay isu yimaadeen dhalinyarada beesha direed ee ku sugan Caasimada D...
11/04/2022

Waxaan caawa ka qayb galay kulan isxog waraysi ah oo ay isu yimaadeen dhalinyarada beesha direed ee ku sugan Caasimada Dalka ee muqdisho, kulankan ayaa ahaa kulan muhiim u ah dhalinta, wuxuuna kusoo dhamaaday is afgarad iyo wada shaqayn lagu hormarinayo danta dalka iyo dadka.

Shirkan iyo aragtida gundhiga u ah, waxaa lahaa wasiir Mohamed A. Hayir Maareeye oo ah shakhsi marwaliba ay ku wayn tahay danta dalka iyo dadka, goor kastana u taagan midnimada umadda soomaaliyeed oo idil, geliyayna waqtigiisa, afkaartiisa iyo wax waliba oo uu karay.

Dhinaca Kale gogosha kulankan waxaa dhigay ganacsade Adeer Yacquub Jimcaalle oo ah ganacsade ka shaqeeya hormarada bulshada umada Soomaaliyeed iyo wadajirkooda, si gaar ah waa dunta isku xiriirisa beesha direed oo idil.

Ugu dambayn, kulanka ayaa ahaa kulan aan laga gayoon karin oo xiisihiisa wata.

"في رمضان جاهد نفسك قدر استطاعتك واغسل قلبك قبل جسدك ولسانك قبل يديك وأفسد كل محاولاتهم لإفساد صيامك واحذر أن تكون من أو...
02/04/2022

"في رمضان جاهد نفسك قدر استطاعتك واغسل قلبك قبل جسدك ولسانك قبل يديك وأفسد كل محاولاتهم لإفساد صيامك واحذر أن تكون من أولئك الذين لا ينالهم من صيامهم سوى العطش والجوع"

رمضان مبارك يا احبابي. 😘🙏❤️

Address

Wayeer Street
Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shiimaay Yare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shiimaay Yare:

Share