Rasmi News Agency

Rasmi News Agency Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Rasmi News Agency, Social Media Agency, Merca.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marag fur u samaysay siyaasiyiinta diidan nidaamka qof iyo codka Madaxtooyadu qorsha...
20/05/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marag fur u samaysay siyaasiyiinta diidan nidaamka qof iyo codka Madaxtooyadu qorshaynayso, kaddib markii xalay uu ka soo dhex muuqday Madashii Bandhiga Waxqabadka Xukuumadda Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Guddoomiyaha Guddiga oo ay ahayd inuu noqdo dhexdhexaad ayaa qayb ka noqday waxqabadka Xukuumadda oo haatan hal Xisbi ku uruurisay dhammaan hay’adihii dowladda ee la doonayay inay si siman ugu adeegaan bulshada.

Mucaaridka DFS oo ay hormuud u yihiin Puntland, Jubaland , siyaasiyiinta xildoonka ah, kutlooyinka Baarlamaanka iyo madaxdii h**e ee dalka ayaa diidan sharcinnimada lagu dhisay guddigan.

Bulshada Rayidka ah ayaa si wayn uga carootay in Garsoorihii doorashooyinka uu xalay ciyaarta ka mid noqday, waxayna iswaydiin geliyeen in Xukuumaddu aysan xitaa si xirfadeysan u maarayn karin doorashada ay kaligeed qabsanayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsooma...
17/05/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus".

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

DEGDEG “ Taliyaha Gutada 26-aaad ee xooga dalka ayaa Hada lagu dilay Hiiraan .Abdirahman Xujaale Waxaa Toogtay Askar ka ...
17/05/2025

DEGDEG “ Taliyaha Gutada 26-aaad ee xooga dalka ayaa Hada lagu dilay Hiiraan .

Abdirahman Xujaale Waxaa Toogtay Askar ka tirsan ciidanka uu isaga u talinaayay kuwaas oo Hada lawada qabtay si loo mar siiyo Cadaalada .

Maxaa keeni karo Askari in uu dilo Taliyihiisa ?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga...
16/05/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 34-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, iyada oo Madaxwaynuhu uu dhankiisa ka soo bandhigi doono dagaalka dowladda ay kula jirto AS.

Imaaraadka Carabta ayaa billad-sharaf tii u sarraysay ee dalkaasi oo dahab ah ku maamuusay Madaxweyne Trump.
15/05/2025

Imaaraadka Carabta ayaa billad-sharaf tii u sarraysay ee dalkaasi oo dahab ah ku maamuusay Madaxweyne Trump.

Musharax Madaxweyne Liibaan Ahmed Hassan ( Lii Power) ayaa  maanta gaaray hoyga gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Ug...
15/05/2025

Musharax Madaxweyne Liibaan Ahmed Hassan ( Lii Power) ayaa maanta gaaray hoyga gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, kana mid ahaa hoggaanadii lagu majeertay doorkooda nabadeed, iyo dibu-heshisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Ugaas Cabdullaahi wuxuu ahaa halyay ku suntanaa degganaansho, xikmad, iyo hoggaan toosan, wuxuuna si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa iyo dadkiisa. Wuxuu ahaa tiir ay dadku ku nastaan oo mar walba dhexda u xiran xallinta dhibaatooyinka bulshada, isagoo si daacadnimo iyo dulqaad leh uga shaqayn jiray danta guud”

Musharrax Liibaan ayaa Tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Ugaaska , qaraabadiisii, bahda dhaqanka, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu u naxariisto, qabrigana u waasiciyo, janatul firdowsana ka waraabiyo.

Ogeysiis muhiim ah oo ku socdo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ;-Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 9/2/202...
09/02/2024

Ogeysiis muhiim ah oo ku socdo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ;-

Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 9/2/2024 waxaa dhici doono banaan bax weyn oo aan cadaalad ugu raadineyno walaasheyn Marxuumad luul Cabdicasiis Maxamed oo maalintii 8aad meydkeeda filinjeer noogujiro, walina aan cadaalada lahor keenin manaxihii dilkeeda geystay.

Waxaana dhamaan Ummadaa Soomaaliyeed si qadarin leh ugu codsaneyna in ay nagala soo qeybgalaan banaanbaxa maanta oo aan ukala harin.

Banaanbaxa wuxuu kadhici doona KM4 haduu Eebe weyne raali ka noqdo, saacada: 3:00 PM/galabnimo.



Bashiir Maxamed Yusuf oo oo ku magacaaban Gudoomiye kuxigeenka Qorsheynta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu isku dayay...
08/01/2024

Bashiir Maxamed Yusuf oo oo ku magacaaban Gudoomiye kuxigeenka Qorsheynta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu isku dayayaa in uu magac shirkad ku boobo dhul dad leeyahay oo gaaraya 7700 oo boos oo kuyaala degmada Baraawe.

Bashiir Maxamed Yusuf wuxuu udhashay beesha Abgaal Jufada Maxamed Muuse, waxaana abti u ah beesha Tuni.

Ninkaan ayaa warqado kasoo samaystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta oo qaatay lacag dhan 100.000 dollar ka mareykanka ah sida wararka aan kuhelayno sheegayaan, warqada hoosane usoo saxiixay, kadib Bashiir gaab ayaa Baraawe yimid isaga iyo wafdi hogaaminaya, waxaa taariikhdu markey aheyd 6da bisha Janaayo 2024 uu
Bashiir gaab sameeyay ficilada hoos kuqoran oo keeni kara iska hor imaad isaga iyo dadii dhulka lahaa dhex mara wuxuu adeegsaday Ciidanka dowlada militariga ee beeshiisa iyo hal cabdi bile wuxuuna geeyay dhulkii uu rabay in uu ka xoogo dadkii lahaa, qoryo ayaa la isla hor fadhiistay waxaana lagu sigtay in Baraawe dagaal kadhaco.

Hadii Baraawe dagaal kadhaco oo qasaaro naf iyo maal ah yimaado waxaa masuul ka ah Bashiir gaab oo dagaalkii h**e ee baraawana lug kulahaa.

Wasiisrka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Koonfur Galbeed Ali Sheikh Abdullahi (Ali Afgooye) ayaa Daahir...
24/12/2023

Wasiisrka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Koonfur Galbeed Ali Sheikh Abdullahi (Ali Afgooye) ayaa Daahir Maxamuud Xasan u Magacaabay Iskuduwaha Deegaanka Jasiira ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA  Oy wehelinayso Wasaarada Gargaarka Dowlada Kgs o u matalah...
01/12/2023

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Oy wehelinayso Wasaarada Gargaarka Dowlada Kgs o u matalahayo Iskuduwaha Wasarada Mudane Mohamed Yusuf Ayaa maanta deegaanka Lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay gargaar ugu qaybisay 4,350 Qoys oo kamid ah dadka deeganadodii uga soo barakacay Daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Qoysaskaan ayaa dhawaan waxa ay ka soo barakaceen deeganada kala ah Sabiid, Caanoole,Mubaraak, Awdhigle iyo tuuloyin kale oo hostaga degmada Afgooye, waxaana maalmihii danbe ay wajahayeen xaalad adag oo dhanka nolasha ah

Wasaarada gargaarka iyo Maareeynta Musiibada KGS (Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS)  ayaa wa...
29/10/2023

Wasaarada gargaarka iyo Maareeynta Musiibada KGS (Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management SWS) ayaa waxay bilowday kulamo wacyi galineed oo bulshada lagu wacyi galinayo sidii loo wajihi lahaa khataraha ka dhalan karta dabeelaha Elnino oo lasaadaalinayo inay kudhufato deegaano kamida Soomaaliya.

Isuduwaha Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musoobooyinka ee G.shabelle Hoose Mudane Mohamed Yusuf iyo Hey'adaha ka shaqeeyo Arimaha bani'aadantimida ayaa Siminaar arimahaas looga hadlayo ku qabtay dagmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Xalfad soodhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsatada, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta Beelweynta Sheekhaal oo ay hormu...
24/10/2023

Xalfad soodhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsatada, Dhalinyarada, Siyaasiyiinta Beelweynta Sheekhaal oo ay hormuud u aheyd Maamo Caasho ayaa
Lagu soodhaweeyay Gudoomiyaha Deegaanka Jaziira ee Gobalka Sh.Hose Abdalla Asad, ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin Kala duwan o u kamid yahay Gudoomiye Mohamed Yusuf

Address

Merca
XARUNTADHALINYARADAGOBOLKASHABEELAHAHOOSE

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rasmi News Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share