
23/07/2025
Waxaa cajiib in Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ardaydaan maanta ka qalin jabiday kuliyadda Hogaaminta iyo Shareecadda ee Jaamaacadda Hormuud, Dugsi qur'aan uu asiga aasaasay in ay ka soo baxeen si bilaash ah badankood, qur'aankana ku xifdiyeen.
kadib imtixaan adag u gudbeen Iskuul uu asiga Asaasay, kadibna ay kasoo baxeen, kana qalin jabiyeen, waliba ayaga oo loo ka faalad qaaday waxa ay cuni lahaayeen, halka ay jiifan lahaayeen, iyo meesha ay wax ku baran lahaayeen inta ay wax barashadoodda socoto, marka ay Iskuulka ka baxeena waxa ay u gudbeen Jaamacadiisa waxa ayna wax baranaayeen Afar sano oo lacag la'aan ah oo ay hooy iyo cunaba helaayeen, intaas waxaa laga helaa ruux fahamsan sadaqadda iyo aqoonta ahmiyadeedda, Runtii bulshadeenu hadii ay heli leheed 5 lamid ah waxa ay gaari leheed horumar.