05/10/2024
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bilowday olole qaran oo loogu talagalay in lagu taageero shacabka Lubnaan, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha dagaal ee ka taagan waddankaas. Ololahan, oo cinwaankiisu yahay "Imaaraadku wuxuu kula jiraa Lubnaan," ayaa ku saleysan in la caawiyo dadka reer Lubnaan xilligan adag.
Jimcihii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu diray diyaarad gargaar oo ay la socdeen 40 tan oo agab caafimaad ah oo degdeg ah, taasoo loo qaaday magaalada Beirut, waxaana iska kaashaday dowladda Imaaraadka iyo Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka, arrintani waxay timid kadib amar uu bixiyay madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed, kaasoo ku yaboohay $100 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo degdeg ah si loo taageero dadka reer Lubnaan. Imaaraadka ayaa caddeeyay in tani ay qeyb ka tahay dadaalkooda bini’aadanimo ee caalamiga ah, iyo in ay sii wadi doonaan caawinta shacabka Lubnaan, gaar ahaan dadka aadka ugu nugul.
Sidoo kale, wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka, Reem bint Ibrahim Al Hashimi, ayaa sheegtay in taageeradan ay muujinayso sida Imaaraadku uga go'an tahay in ay gacan ka geystaan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee bini’aadanimo ee ka jira dunida.
Imaaraadku wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay kororka xiisadaha dagaal ee ka jira Lubnaan iyo saameynta ay ku yeelan karaan xasiloonida gobolka.
Maxay kula tahay adiga ?