29/01/2026
XOG:
2 asbuuc gudahood, Muqdisho waxaa laga soo dajiyay qalab iyo hub millatari oo casri ah, kuwaas oo si cad u muujinaya diyaargarow ballaaran iyo isbeddel ku yimid miisaanka awoodda Dowlada Soomaaliya.
1. F-16 Fighter Jets (3 Xabo)
F-16 Waa diyaarado xambaarta ganataalada burburiya bartilmaameed ka taasoo awood u leh weerarro masaafo fog ah, duqeymo sax ah, iyo xakameyn buuxda oo hawada ah. Imaanshahoodu waa farriin cad oo oranaysa “Hawada Soomaaliya cid kale ma maamuli doonto”. F-16 waxay wax badan ka badali doontaa awoooda Ciidanka Xooga dalka iyo natiijooyinka dagaalka.
2. T-129 ATAK
T-129 ATAK waa helikobtar dagaal oo si gaar ah loogu talagalay la dagaallanka kooxaha dhulka ku dhuumaaleysanaya. Waxay si dhow ula shaqeysaa ciidamada lugta, waxayna awood u leedahay inay burburiso bartilmaameedyo si degdeg ah. Waa hubka ugu halista badan ee lagula dagaallamo kooxaha dhulka ku dhuumaalaysta.
3. Bayraktar Akıncı
Akıncı waa drone culus oo awood sare leh waana hubka mustaqbalka. Waxay qaadi kartaa hub iyo gantaalo culus, waxayna hawada ku jiri kartaa saacado badan, iyadoo ururinaysa xog, beegsanaysa bartilmaameedyo, isla markaana fulinaysa weerarro degdeg ah. Drone taan Waa tiknoolajiyadda beddeshay dagaallada casriga ah.
4. Bayraktar TB2
TB2 waa drone la xaqiijiyay awooddiisa, kana soo muuqday dagaallo badan oo caalami ah. Waa mid ku habboon la socodka, beegsiga, iyo burburinta cadowga si aan fursad looga siin baxsi. Soomaaliya gudaheeda dhowr mar ayay howlgalo culus ka fulisay waxaana adeegsada ciidanka XDS.
5. Air-Defense Systems
Nidaamyada difaaca cirka waa gaashaanka hawada. Waxay xaqiijinayaan in diyaaradaha, drones-ka, iyo xarumaha muhiimka ah aan lagu soo weerari karin hawada. Tani waxay siinaysaa dowladda kalsooni buuxda iyo gacan-sareyn istiraatiiji ah.
6. Electronic Warfare Systems
Hubkan waa dagaalka qarsoon ee casriga ah. Waxay curyaamiyaan isgaarsiinta, hagidda, iyo nidaamyada cadowga, iyagoo ka dhigaya kuwo indho la’aan ah oo jahwareersan. Waa hub aan rasaas lahayn, balse natiijadiisu ka culus tahay rasaasta.
7. Warships (Maraakiib Dagaal)
Maraakiibta dagaalku waxay xaqiijinayaan amniga badda, waxay joojinayaan wax yaabaha sharci-darrada ah ee xeebaha dalka kasoo gala, waxay gaaf wareegi doonaan gees ka gees xeebaha dalka Raas casayr ilaa Raas kambooni. isla markaana xoojinaya awoodda difaaca xeebaha. Waxay sidoo kale fariin u diraan cid kasta oo ku howlaneed falal burcad-badeednimo iyo wax qilaafsan qaanuunka badaha caalamka sidoo kale maraakiibta shisheeye ee sida joogtada xeebaha dalka kaluunka uga jilaabta.
Haaruun Mohamud