Guulwade Toos

Guulwade Toos Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guulwade Toos, Digital creator, Mogadisho.

12/03/2025
09/03/2025

Guuleesta geesiyadii dalkoow

π†π”πƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŒπ€πƒπ€π—π€-𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍 𝐄𝐄 πƒπŽπŽπ‘π€π’π‡πŽπŽπ˜πˆππŠπ€ ππ€π‘π€ππŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π’πŽπŽπ‡πƒπˆπŒπ€π‡π€ 𝐎𝐎 𝐋𝐀 πŠπ”π‹πŒπ€π˜ π’π€π…πˆπˆπ‘πŠπ€ π“π”π‘πŠπˆπ†π€8Maarso, 2025, ...
09/03/2025

π†π”πƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŒπ€πƒπ€π—π€-𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍 𝐄𝐄 πƒπŽπŽπ‘π€π’π‡πŽπŽπ˜πˆππŠπ€ ππ€π‘π€ππŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π’πŽπŽπ‡πƒπˆπŒπ€π‡π€ 𝐎𝐎 𝐋𝐀 πŠπ”π‹πŒπ€π˜ π’π€π…πˆπˆπ‘πŠπ€ π“π”π‘πŠπˆπ†π€
8Maarso, 2025, Muqdisho
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Turkiga Turkish Embassy in Mogadishu u fadhiya Soomaaliya, Mudane 𝐀π₯𝐩𝐞𝐫 π€π€π­πšπ¬Μ§ iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo hortabin u leh doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan dalka iyo sidii dawladda walaalaaha nahay ee Turkiye dowr wax-ku-ool ah iyo wada shaqeyn buuxda ula yeelan lahayd GMDQS.
Gudoomiyaha ayaa la wadaagay safiirka intii uu kulanku socday hawlaha u qabsoomay Guddiga intii uu dhisnaa iyo qorshaha u degan ee la xiriira qabasha doorasho qof iyo cod ah xilliga loo asteeyey.
Safiirka ayaa uga mahad celiyey GMDQS sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyeen xarunta guddiga, gaar ahaan xaafiiska guddoomiyaha guddiga, isaga oo balan qaaday in dhinacyo badan oo la xiriira doorashooyinka ay ka caawin doonaan Guddiga Maadaama Guddiga cusub yahay hawlo badanna ay hor yaalaan.
Ugu danbeyntii Guddomiyaha GMDQS iyo Safiirka ayaa isla qaatay in kulamada noocaan oo kale ah ay si joogto ah u dhacaan markii loo baahdo si xog-isweydaasi iyo wada-tashi joogta ah ay u yeeshaan GMDQS iyo Safiirka Safaaradda dalka Turkiya.
Xafiiiska Warbaahinta GMDQS
Email: - [email protected]
Facebook: Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha
Twitter: -
Website: - www.niebc.gov.so

Hay'adda NIRA waxa ay diyaarisay Nidaam aad Shahaadada Aqoonsiga Qaranka qaab Onlayn ah ugala soo degi karto moobeelkaag...
09/03/2025

Hay'adda NIRA waxa ay diyaarisay Nidaam aad Shahaadada Aqoonsiga Qaranka qaab Onlayn ah ugala soo degi karto moobeelkaaga.

Ka dib is-diiwaangelintaada, fadlan adeegso linkigan si aad ula soo degto shahaadadaada: https://cds.nira.gov.so/so.

08/03/2025

Guuleysta ciidanka xooga Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄

Haddii la inaka goostay lacagihii deeqda ahaa ee lagu maarayn jiray qarashaadka dowladda qaarkood, oo sida uu wasiirku s...
06/03/2025

Haddii la inaka goostay lacagihii deeqda ahaa ee lagu maarayn jiray qarashaadka dowladda qaarkood, oo sida uu wasiirku sheegay la waayi doono $1.5B. Su’aashu waxay noqonaysaa ma qaadan doonnaa go’aamadii wadamada qaarkood taariikhdooda badalay ee u horseeday horumarka iyo dhaqaalaha.
Sida go’aankii Singapore markii ay Malaysia iska goysay maadaama ay sabool ahaayeen.
Kala go’itaankaas kadib reer Singapore waxay badaleen fikirkii iski tiirsanaanta waxayna noqdeen dad dalkooda ka shaqeeyey oo ka shaqaystay haddana waa dalka 1aad ee ugu sarreeya dakhliga shaqsiga ah (per capita income), Passportkooduna waa kan 1aad ee dunida.
Ma laga yaabaa inay baraarug inoo noqoto oo aynu eegno beeraha, kalluunka, warshadaha iyo farsamada gacanta maadaama ay kuwaasi yihiin dhaqaalaha runta ah ee dal.
Marka aad isku filnaatid ayaad helaysaa ixtiraam iyo soo dhaweyn.
Reer Puntland marka ay rabaan inay dowladda Federalka eedayaan waxay dhihi jireen β€œdeeqdii Soomaali loogu talogalay ayaa Xamar lagu cunaa”. Boowayaal hadda dhamaatay taasi oo la isma dhaamo maanta.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusii dhowaanaya dagaal toos ah oo dhax-mara, waxaanay labada dalba ciidamo badan geeyeen xudu...
06/03/2025

Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusii dhowaanaya dagaal toos ah oo dhax-mara, waxaanay labada dalba ciidamo badan geeyeen xuduudka dhinaca Bari ee Eritrea, gaar ahaan dhulka ay Canfartu degto.
Eritrea ayaa la sheegay inay xuduudka ku rakibtay difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones.

His Excellency, President   has arrived in Baku for an official visit, marking a new chapter in Somalia-Azerbaijan relat...
11/02/2025

His Excellency, President has arrived in Baku for an official visit, marking a new chapter in Somalia-Azerbaijan relations. The visit follows a series of high-level exchanges between officials from both nations and aims to enhance diplomatic, economic, and security cooperation.

During the visit, Somalia and Azerbaijan will sign key agreements to reinforce the two nations’ commitment to mutual growth and strategic collaboration. These agreements will pave the way for stronger ties and deeper cooperation in critical sectors.

President Hassan’s visit underscores Somalia’s dedication to expanding global partnerships and fostering economic and security advancements.

- Villa Somalia

10/02/2025
President of the federal government of Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄ ~ Hassan S Mohamud Dalxoreeye πŸ‡ΈπŸ‡΄
10/02/2025

President of the federal government of Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄

~ Hassan S Mohamud

Dalxoreeye πŸ‡ΈπŸ‡΄

20/12/2024

Duqa Caasimadda iyo Xaaladda Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ee cusub, Maxamed Axmed Amiir, waa aqoonyahan iyo oday xilliyo kala duwan soo shaqeeyay. Wuxuu ka mid yahay dadka aamminsan in xaajada la rogrogo oo la isku dayo in dhan walba laga eego si xalkeeda loo helo.

Waxaan ku kalsoonahay haddii uu taageerada mudan yahay uu ka helo shacabka Muqdisho iyo Dowladda Federaalka in uu caasimadda horumarin kari doono.

Xataa asaga oo aan wax baarbaarin qofka Xamar dhex mara, waxaa uu arkayaa in barakacaayshu ay xal u baahan yihiin, in loo baahan yahay in saboolnimada lala tacaalo, in magaaladu aanay lahayn beero nasasho, in aan dhallinyaradu haysan garoommo loo asteeyay oo ay ku cayaaraan, in aan xeebaha yar ee lagu dabaalan karo aan nadaafaddoodu wanaagsaneyn iyo in dhismayaasha Dowladda ee burbursan ay u baahan yihiin in dib loo dhiso haddii kale qummaati loo dumiyo ama ugu yaraan deyr qariya lagu wareejiyo.

Daadka iyo biyo degeenka sida balliga noqda iyaguna waa dhibka xilliga roobka.

Si loo sahlo isu socodka magaalada waxaa u baahan in su’aal la geliyo qiilka amni ee ku jira in waddo muhiim ah laga dhex dhisto Ganjeello sidii in ay tahay guri qof leeyahay.

Horumarka iyo isu socodka Muqdisho hey’adaha ogaal la’aan cuuryaamiyay ee waddooyin muhiim ah ka dhex dhistay gidaar ay ganjeello saaran tahay waxaa ka mid ah Xarunta Gobolka Banaadir, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, He’adda Nabad Sugidda oo dhowr degmo midba cad ka goosatay iyo qaar kale.

Saddexdaas hey’adood aagga ay magaalada ka goosteen marka la isu geeyo bedkiisu k**a yara Degmooyinka Gobolka banaadir qaarkood, waana ka mid sababta ay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis iyo Shibis qeybo ka mid ah ay kor ugu kici la’ yihiin marka la barbardhigo degmooyinka haysta isu socodka xorta ah.

Waxaa intaa dheer dhulkaas weyn ee he’ydahaasi ay qiil amni dartiis u goosteen in gudahiisa aanay ka muuqan bilic caasimadeed.

Intaasi waa af billowga howlaha ku hor yaalla, ayada oo aan loo gelin xuquuqda matalaadda siyaasadeed ee dadweynaha Gobolka Banaadir iyo in ay doortaan, sidii aad adiguba u tiri, Duqii adiga ku beddeli lahaa ama aan kuugu daree ay adiga kaaga dhigaan mid codkooda iyo rabitaankooda ku fadhiya xafiiska.

Guddoomiye Amiir soo dhowow. Allah ha kugu guuleeyo xilgudashada.

πŸ–ŠοΈ Yusuf Garaad

03/12/2024

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ceyriday oo warqada PNG u jartay Kusimaha Safiirka Itoobiya u fadhiyay Soomaa...
29/10/2024

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ceyriday oo warqada PNG u jartay Kusimaha Safiirka Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, gaar ahaana wakiilkii Muqdisho, waxaana lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida Soomaaliya.

Cali Maxamed Aaden oo ahaa U qeybsanaha Itoobiya ee arrimaha Milateriga, kana soo jeeday Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa kusime ka ahaa safaarada Muqdisho ee Itoobiya oo kudhextaala Villa Soomaaliya, meel talaabooyin u jirta rugta deegaanka ee Madaxweyne Xassan Sh oo horey ugu dhawaaqay in ay Itoobiya tahay cadow ka daran Argagixisada caalamiga ah.

Itoobiya ayaa saxiixday bilowgii sannadkan is afgarad madax banaanida Soomaaliya dhaawacayay, hayeeshee xiligaas lama ceyrin safiirka Itoobiya lamana xirin safaarada Soomaaliya ee Addis Ababa.

;.- Somalinimo

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guulwade Toos posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share