
19/10/2024
Bismillah
Waxa ay mahad oo dhan u sugnaatay ALLE weyne oo nagu manaystay nimcooyin farabadan oo aynaan soo koobi karin.
Marka xigta waxa aan u mahad celinayaa xaaskayga qaaliga oo aan nolosha ku midownay 16/10/2024 oo maalin noo gaar ah eheed.
Sido kale waxa aan mahad balaaran u celinaya saaxiibadey qaaliga ah oo har iyo habeen igu garab taagnaa yagleelida guri Muslim ah oo runtii la'aantood aysan waxba hirgaleen abaalkiina alle ha idin gudo ana waxa aan idin leehay abaalkiina " beerka ka oksooni "
Sido kle runtii waxa aan mahad buuxda u celinayaa waalidiintayda iyo walaaladay meelkasta oo aad joogtaan waxa aan idin leehay alle ha idin kaalmeeyo Saad iigu garab noqoteen.
Sido kale waxa aan mahad balaaran u celinayaa bahdii bahdii waxbarashada guud ahaan walaalo qiimo badan, asxaab igu weyn iyo dhamaan qof waliba oo tahniyad iyo duco ila soo wadaagay mahadsanidiin waan idin ka gudoomay.
Sido kale waxa aan ka cudur daaranaya asxaabtayda qaaliga ah oo meelo kala duwan jooga oo jeclaa in ay ka soo qayb galaan maalinteena balse usaamixi waysay fursada raali galin buuxda iga hooya.
Gunaanad
Dhammaan intii ila wadaagty ducada iyo hambalyada alle ha idin ka aqbalo.