Nour Adan Gadan

Nour  Adan Gadan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nour Adan Gadan, Mogadisho.

23/04/2024

Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi ayaa yiri: Ma dhicin weligeed in salaada Taraawiixda juzzki aan habeenkaas ku tujin lahaa inaan maalintii iska sii fiiriyo...
Isagoo ka sheekeynaya sida uu heerkaas ku gaaray wuxuu yiri: markii aan dugsiga dhigan jiray, waxaan aheyn walaalo badan, reerkeenna hal jeer kaliya ayaa la wada qadeyn jiray, qofki maqan sidaas ayey ku dhaaftay, haddana waxaa dhici jirtay in jacayl aan Qur'aanka u qabo dartiis in aanba qadada iska ilaawo, oo casiradii soo baraarugo... Waxaan sujuudda Alle uga baryi jiray inuu Qur'aanka i jecleysiiyo, Qur'aanka i baro...
Markii aan Qur'aanka xifdiyay, waxaan go'aansaday inaan loox dib ugu qoro, si uu qalbigeyga u galo. Bogga aan looxa ku qoray waxaan akhrin jiray afartan jeer (40), haddana marka aan tiiriyo oo uu qalalo bogga kale ayaan ku qori jiray, kii h**e inta aan haddana dhaqin waxaan dib u akhrin jiray afartan jeer, ilaa Qur'aanka oo dhami uu sida Faataxada ii noqday.
Sheekha alle ha xifdiyo, inagana Qur'aanka ha ina jeclaysiiyo.
Qoraa See less

QISADII SEYNAB BINTU RASUULILLAAH IYO ABII AL-CAAS BINU RABIICA. Seynab gabadhii Nabiga scw waxay aheyd gabdhihiisa tan ...
07/04/2024

QISADII SEYNAB BINTU RASUULILLAAH IYO ABII AL-CAAS BINU RABIICA.



Seynab gabadhii Nabiga scw waxay aheyd gabdhihiisa tan ugu weyn, sida la wariyay waxay dhalatay 10 sano kahor intaanan Nabiga scw lasoo saarin, ayadoo aad u yar ayaana waxaa guursaday Abiil-Caas Binu Rabiica waxaana ahaayeen ilmo habreed.

Markii lasoo saaray Nabiga scw Seynab horay ayay ka islaamtay waxayna kamid aheyd dadkii ugu h**eeyay ee islaamay, balse Abiil-Caas wuu diiday inuu islaamo waqtigaa asigoo ka cararaayay in dadku ku dhahaan wuxuu u islaamay si uu xaaskiisa ugu raaligaliyo.

Seynab iyo Abiil-Caas waxay isku dhaleen labo Carruur ah wiil iyo gabar oo lakala oran jiray Cali iyo Umaama, Cali asigoo aad u yar ayuu geeriyooday wuxuuna ahaa ilmihii ugu h**eeyay ee uu Nabiga scw awoowe u noqday, Umaama waa gabadhii uu Nabiga scw asigoo xambaarsan tukan jiray weyna noolatay ilaa samankii mucaawiye ayadoona geeriyootay sanadkii 66aad ee hijriyada Allaha ka raali noqdee.

Seynab bintu Rasuulillaah waxay aad u jecleyd Abiil-Caas sidaas oo kale ayuuna asigana u jeclaa, gurigoodana wuxuu ahaa guri farxadeed, balse wax walba waxay cakirmeen markii Nabiga scw lasoo saaray Abiil-Caasna uu diiday inuu islaamo, arintaa ayaana keentay in xiriirkoodii sidii h**e sii ahaanin walow uusan jaceylkii marnaba Meesha ka bixin.

Nabiga scw markii la faray Hijrada ee uu hijrooday sidoo kale waxaa la hijrooday gabdhihiisii kale ee kala ahaa Ruqiya, Umu Kalthuum iyo Faadima balse Seynab waxay lasii joogtay ninkeeda iyo gabadheedii yareyd ilaa laga soo gaaray dhacdadii Beder.

Abiil-Caas dhankiisa wuxuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan balan oofinta iyo amaanadana aad ugu fiican, markii wiilashii Abii Lahab ee Cutba iyo Cuteyba fureen gabdhihii Nabiga scw ee Ruqiya iyo Umu Kalthuum wuxuu Abii Lahab u yimid Abiil-Caas si uu asigana u furo Seynab, waxayna aheyd waqti ay Mushrikiintii Makaad dhibaato ku hayeen Nabiga scw iyo asxaabtiisa, Abii Lahab markii uu arintii usoo bandhigay Abiil-Caas wuu diiday inuu xaaskiisa furo si uu Nabiga scw ugu xumeeyo.

Duulaankii Beder markii lasoo qafaashay Seynab madax furasho ahaan waxay usoo dhiibtay Katiinadii hooyadeed waana kasoo waranay arintaas iyo siduu Nabiga scw ugu calool jilcay markuu katiinadii arkay asxaabtiisana uga codsaday in Abiil-Caas la iska sii daayo.

Balse sii deyntiisa waxaa qeyb ka aheyd shardi ah in asigana uu soo fasaxo Seynab iyo gabadheeda yarta ah, sidaas owgeed Abiil-Caas markii uu Makka ku laabtay kahor inta aysan Seynab ku farxin sii deyntiisa wuxuu hora yuga sheegay in Nabiga scw uu balan kula soo galay inuu ayada iyo gabadheeda fasaxo balantaasna uu oofin doono sidaas owgeedna isku diyaariso Hijro.

Abiil-Caas binu Rabiica in xaaskiisa iyo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa halmar isku waayo waxay u aheyd xaalad murug iyo walbahaar ku abuurtay xitaa wuxuu awoodi waayay in uu Seynab sii sagootiyo, sidaas owgeed wuxuu walaalkiisa Kinaana Binu Rabiica ka dalbaday in Seynab geeyo bartamaha Ya’juj halkaasoo balantu aheyd in asxaabta Nabiga ku sugaan kuna wareejiyo.

Seynab ayaa bilowday iney is diyaariso waxayna aheyd waqti uu dagaalkii Beder kasoo wareegtay mudo bil camal ah, ayadoo xaalada safar isku diyaarintii ku jirta ayaa waxaa aragtay Hinda bintu Cutba, Hinda iyo Abiil-Caasna waxay isla ahaayeen reer Banii Umayya, Hinda ayaa markaa Seynab ku tiri; “Waxaa isoo gaartay inaad dooneyso in aad aabahaa u safarto ee maxaa ka jira arintaa?”.

Seynab oo taxadar muujineyso ayaa ku jawaabay; “Warkaas waxba k**a jiraan”, balse Hinda ayaa tiri; “ina adeereey sidaa ha yeelin, (yacni wax ha iga qarsan) hadii aad u baahantahay wax aad safarkaaga ku kaalmeysato ama lacag aad aabahaa ku gaarto ogoow aniga ayaad iga heleysaa, hana i deyrinin aniga, waayo labo dumar dhexdooda ragga masoo dhexgali karaan”.

Seynab allaha ka raali noqdee oo qisadaan warineysay ayaa tiri; markii ay sidaa i tiri waxaan ogaaday iney dhab ka aheyd, balse waan ka cabsaday inaan arinteyda u sheego, waxaana inkiray in qorshe safar iwm inaan doonayo, intaa kadibna diyaargarwogeygii ayaan sii watay.

Seynab markii ay diyaar garowday waxaa u yimid dumaashigeed Kinaana Binu Rabiica wuxuuna u keenay Rati ay fuusho, asigana wuxuu soo qaatay mid kale iyo falaartiisii (wuxuu diyaar u yahay inuu difaaco nolosheeda hadii ay la kulmaan cid is hortaagto), maalin cad ayayna magaalada Makka kasoo baxeen.

Arintii waxaa maqlay rag qureysh ka tirsan waxayna bilaabeen iney soo daba galaan ilaa ay ugu dambeyn kasoo gaareen ayagoo maraya toga la yiraahdo Dii-Duwaa, qofkii ugu h**eeyay ee soo gaarana wuxuu ahaa Hibbaar binul-Aswad binu Mudalib binu Asad, kadibna wuxuu Hibaar bilaabay waran uu lahaa inuu ratigii ay saarneyd ku turuqyeeyo, Seynab-na waqtigaas waxay saarneyd howdajka (waa rarka geela la saaro ee loogu talo galay dumarka iyo alaabta in lagu qaado).

Seynab waxay gashay xaalad argagax leh waxayse xaajo kusii xumaatay markii Ratigii ay kasoo dhacday ayadoo howdajkii ku dhexjirta, si daran ayayna dhulka ugu dhacday waxayna aheyd waqtigaas mid uur bilo ah leh, sidaas owgeed markii ay dhulka ku dhacday dhiig bax daran ayaa ku bilowday iyo xanuun aad u xoogan waxaana kasoo dilmeen ilmihii yaraa.

Jugtaas Seynab ku dhacday maalintaa gaar ahaan markii ay Howdajkii ka dhacday sidarana dhulka ugu dhacday waxaa la sheegay ineysan marnaba ka kabsan oo xanuunka jugtaas joogto u heyn jiray ilaa ay aakhirkii u geeriyooto 7 sano kadib.

Xili Seynab dhulka taalo aadna u dhiig baxeyso Hibaarna uu warankiisa ku argagax galinayo ayaa waxaa soo kala fireeyay Kinaana Binu Rabiica dumaashigeed oo ratigii ka h**eeyay saarnaa, wuxuu fagtii h**e isku dayay in nimanka gabadha ka celiyo balse markii ay ka tiro bateen ayuu inta Ratigii kasoo dagtay dhulka jilbo jabsaday wuxuuna soo baxsaday qowskiisii iyo falaarihii sumeysnaa.

Kinaana ayaa markii uu boos qaatay falaartii soo aadiyay dhankii nimankii qureysheed ee doonayay iney Seynab celiyaan, markaa ayuu ku yiri; Ilaah baan ku dhaartee qofkastoo idinka mid ah ee u dhawaada waxaan dhuunta kaga dhufan doonaa falaartaan sumeysan.

Kinaana wuxuu ahaa liishyahan, qureyshna waa ogeyd inuusan bartilmaameedkiisa marnaba gafin sidaas owgeed qof ku dhaco una dhawaado waa la waayay, qof walbana naftiisa ayuu u cabsaday, ayadoo xaalki sidaas yahay walina la is horfadhiyo ayaa goobtii waxaa yimid Abuu Sufyaan Binu Xarbi oo ay la socdaan qaar kamid ah madaxdii qureysheed.

Abii Sufyaan ayaa markaa Kinaana ku yiri; “Niyahow bal naga leexi gamuunka aan wada hadalnee”, gamuunkii ayuu ka leexiyay Abuu Sufyaan ayaana usoo dhawaaday dhankii Kinaana si ay u wada hadlaan, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay; “Kinaanow arinta kuuma toosna waayo waxaad rabtaa gabadhaan in maalin cad oo lawada arkaayo Magaalada Makka ka saartid, waadna ogtahay musiibadii nagu qabsatay Beder iyo xanuunka ay nagu reebtay, sidoo kale waad ogtahay Muxamed tan uu nagu dhigay, hadii aad adigana gabadhiisa maalin cad oo lawada arkaayo horteena ku kaxeysid waxay dadka moodi doonaan in midaasi tahay duli iyo fuleynimo aan ka qaadnay musiibadii nagu dhacday, iyo in midaasi tahay daciifnimo iyo tabardari naheysato, dhabtii anagana gabadhaan inaan aabaheed ka celino wax dan ah oo aan ka leenahay ma jiraan midaasna wax ciil oo aan ka qabnaa ma jirto, sidaas owgeed gabadha haatan celi oo Makka dib ugu celi inta xaalada ka dageyso si ay dadkana markaa ugu maleeyaan inaan anaga soo celinay gabadha, markey xaalad dagtana qaab sir ah aabaheed ugu geey”.

Kinaana sidii ayuu yeelay oo Seynab dib ayuu Makka ugu celiyay xili ay dhiigbaxday ilmihii yaraana kasoo ridmeen, mudo maalmo ah ayayna Seynab joogtay gurigii Hinda Bintu Cutba, habeenkii dambe waxaa u yimid Kinaana oo safarkeedii soo qorsheeyay wuxuuna usoo kaxeeyay dhanka Ya’juuj.

Dhanka kale Nabiga scw wuxuu horay usoo diray Zeyd Binu Al-Xaarith iyo saxaabi kale oo Ansaari ahaa wuxuuna amar kusoo siiyay in ay Seynab ku sugaan Badnu Ya’juuj markey soo martana soo kaxeeyaan, mudo ayay halkaa joogeen maalintii dambe waxay la kulmeen nin ari jir ahaa oo Abiil-Caas ariga u raaci jiray, markaa ayay waxay u dhiibeen faraanti uu Nabiga scw lahaa kaasoo uu Zeyd Binu Xaarith watay, waxayna ka codsadeen in qaab sir ah ugu geeyo Seynab.

Seynab markii ay faraantigii aragtay ayay aqoonsatay halkii ayayna ayada iyo Kinaana iska soo raaceen kadibna waxay Ya’juuj ugu yimaadeen Zeyd Binu Xaarith oo meeshii kasoo waday magaalada Madiinana geeyay.

Seynab Allaha ka raali noqdee Abiil-Caas wuu ka fasakhmay waqtigaa maadaama uu Mushrik ahaa xalaalna u aheyn inuu guursado gabar muslimad ah, sidaas owgeed waxaa dhacday in rag badan oo saxaabada kamid ah isku dayaan iney guursadaan balse Seynab ma aysan yeelin midaas.

Seynab waxaa niyadeeda ku jiray Abiil-Caas oo ay rajo ka laheyd inuu soo islaamo dibna isugu laabtaan, mudo 5 sano ah ayayna Madiina ku sugneyd ilaa ugu dambeyn ay timid maalintii ay sugeysay.

Waxaa dhacday in dooyo kamid ah dooyooyinkii uu Nabiga scw diri jiray ay soo qafaashaan safar uu lahaa Abiil-Caas, hantida safarkaas lagu soo furtayna Abiil-Caas kaliya ma laheyn waxaa qeyb ka aheyd hanti badan oo ay Qureysh lahaayeen, waayo Abiil-Caas wuxuu ahaa qof amaano badan sidaas owgeed ayay hantidooda ugu aamineen asigoona u socday safar ganacsi dhanka shaam ah, balse mujaahidiintii saxaabada ayaa soo qafaasheen guud ahaan hantidii.

Abiil-Caas markii hantidiisa la dhacay wuxuu si dhuumaaleysi ku yimid Madiina kadibna wuxuu u galay Seynab asigoona ka dalbaday iney magan galiso, Seynab ayaa xili salaada subax lagu jiro safafka dumarka ka dhex istaagtay waxayna cod lawada maqlaayo ku tiri; Dadow waxaan magan galiyay Abiil Caas.

Nabiga scw waqtigaas wuxuu ku jiray salaada sidaa owgeed markii uu salaadii ka baxay ayuu dadkii ku yiri; “Ma maqasheen waxaan maqlay?” markaasey dhaheen; haa waan maqalnay, kadibna Nabiga scw ayaa yiri; “Allaah baan ku dhaartaye wax aydnaan ogeyn oon arinta ka ogahay ma jiraan waana magan galinay Abiil-Caas waayo muslimiinta kooda ugu soke ayaa wax magangalin karo”.

Intaa kadib Nabiga scw ayaa ka dalbaday Seynab in ay wanaajiso Abiil-Caas balse wuxuu ku baraarujiyay inuusan usoo dhawaanin waayo xalaal uma uusan aheyn.

Nabiga scw ayaa markaa dadkii isku kulmiyay wuxuuna ku yiri; “Waad ogtihiin ninkaan martabada uu naga taaganyahay, waxaadna soo haleesheen hanti uu watay, hadaad wanaajisaan una celisaan wixii aad kasoo furateen waa sidaan jecelnahay midaas, hadaadse diidaan waa xoolo Allaah idiin siiyay adinka ayaana uga xaq badan”.

Markaa ayay saxaabadii dhaheen; Rasuul Allow waan celineynaa, intaa kadibna waxay soo celiyeen dhammaan wixii xoolo ahaa ee safarkii lagu soo furtay xitaa hal xabo shanlo ama wax ka hoose k**a ceshan guud ahaan wey soo celiyeen.

Abiil Caas markii dhammaan hantidiisa loosoo celiyay wuxuu aaday dhanka Makka wuxuuna qof walba dib ugu celiyay amaanadiisii intaa kadib wuxuu weydiiyay; dadoow wax xoolo idinka maqan oo aad igu tabeysaan miyaa jira? Markaasey dhaheen; Maya, waadna ku mahadsantahay midaas. Abiil-Caas ayaa markaa yiri; Hadaba aniga waxaan qirayaa in Allaah mooyee ilaah kale uusan jirin Muxamedna Rasuulkiisa yahay scw.

Halkii ayuuna kusoo islaamay wuxuuna usoo hijrooday Madiina kadibna Nabiga scw ayaa dib ugu celiyay xaaskiisii waxaana sidaas ku midoobay qoyskii faraxsanaa.

Dhanka kale ninkii Hibbaar Binu-Aswad ahaa ee dhibaatada daran u geystay Seynab Nabiga scw aad ayuu uga murugooday midaas, maalintii Fatxu Makka dhacdayna wuxuu Hibbaar kamid ahaa 15tii qof ee dhiigooda la baneeyay xitaa hadii la arko ayagoo daaha kacbada heysta.

Balse Allaah qofkii uu hanuun u qoro wuu hanuuniyaa Hibaar fagtii h**e wuxuu isku dayay inuu Jasiiradii Carbeed ka cararo oo uu Ruumta u galo balse sidaas ma uusan yeelin wuxuuna u yimid Nabiga scw oo Jicraana joogo, Asxaabtii markii ay arkeen ayayna dhaheen Rasuul ahow kani waa hibbaar waxayna isku dayeen iney dilaan balse Nabiga scw ayaa ka celiyay, intaa kadibna Hibbaar ayaa halkii ku islaamay wuxuuna Nabiga scw weydiistay cafis, Nabigana scw wuxuu ugu jawaabay in islaamka uu tirtiro wixii kah**eeyay oo dhan asigana uu cafiyay.

Sidaas owgeed Hibbaar Binul-Aswad wuxuu kamid yahay saxaabadii Nabiga scw wuxuuna lamid yahay Waxshi Binu Xarbi ee dilay Xamza Binu Cabdulmudalib iyo Hinda Bintu Cutba ee isku dayday iney cunto beerkii Xamza balse gadaal kasoo islaamay.

Dhammaad.

Xigasho

31/05/2023

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nour Adan Gadan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share