Ilbax Tuulo

Ilbax Tuulo ilbax Tuulo: diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida ayaa sees u ah

01/11/2024

War weyn

Kooxda Alshabaab oo dhawaan laga xiray cinwaanada iyo bogoga ay ku lahaayeen baraha bulshada, ayaa waxay ugu hanjabeen s...
09/10/2022

Kooxda Alshabaab oo dhawaan laga xiray cinwaanada iyo bogoga ay ku lahaayeen baraha bulshada, ayaa waxay ugu hanjabeen shirkadaha internetka in ay naafeyn doonaan fiilooyinka internetka ee badda gunteeda mara, haddii ay u hogaansamaan amarka dowladda ee ah in kooxda Internetka laga dagaallamo.

Kooxda AS oo hanjabaadeeda si qoraal ah ugu dirtay shirkadaha Internetka bixiyo, ayaa waxay goodigooda ku sheegeen in aanay soomaaliya leheen ciidan ilaaliya badda sidaas darteed aysan jirin cid ka difaaci karta.

Kooxda AS ayaa ku tiri qoraalka "Haddii aan jarno fiilooyinka Internetka ee badda mara, muddo bil iyo ka badan ayay qaadan kartaa hagaajintooda, sidaas darteed khasaaro aad xamili karin baa ka dhalan doonto maqnaanshaha Internetka.

Maxay kula tahay hamjabaada kooxda?

Qoyskayga waligood ma fahmaan niyad-jabkayga!Kaliya waxay aaminsan yihiin in madaxa uu iga xanuun jiyay TV-ga ama Taleef...
28/08/2022

Qoyskayga waligood ma fahmaan niyad-jabkayga!
Kaliya waxay aaminsan yihiin in madaxa uu iga xanuun jiyay TV-ga ama Taleefanka, waxay had iyo jeer dhahaan waxmatare ayaa tahay, ma'oga qaylada ka yeereysa nafteyda gudaheeda! Mana oga Inta uu la'eg yahay xanuunka aan dareemayo.

Wali way neceb yihiin in aan soo daaho, laakiin ma oga in aan kaligay la dagaalamayo waxa gudahayga ku jira, kaliya waxay iigu yeeraan in aan ahay qof aan wali bislaan, mana oga inta biseylka ah ee aan gaaray ka dib markii aan la kulmay niyad jabyo badan.

Qoyskaygu waligood iima sheegaan niyad-jabka!Kaliya waxay aaminsan yihiin in madaxa uu iga xanuun jiyay TV-ga ama Taleef...
16/08/2022

Qoyskaygu waligood iima sheegaan niyad-jabka!
Kaliya waxay aaminsan yihiin in madaxa uu iga xanuun jiyay TV-ga ama Taleefanka, waxay had iyo jeer dhahaan waxma tare ayaa tahay, ma'oga qaylada ka yeereysa nafteyda gudaheeda! Mana oga Inta uu la'eg yahay xanuunka aan dareemayo.

Wali way neceb yihiin in aan soo daaho, laakiin ma oga in aan kaligay la dagaalamayo waxa gudahayga ku jira, kaliya waxay iigu yeeraan in aan ahay qof aan wali bislaan, mana oga inta biseylka ah ee aan gaaray ka dib markii aan la kulmay niyad jabyo badan.

Ninka madaxda ah asxaabtiisa ayaa kaga dhib badan cadawgiisa, Taariikhdu waa macallin.Sheekh Maxamad Idriis Arrintaas ma...
20/07/2022

Ninka madaxda ah asxaabtiisa ayaa kaga dhib badan cadawgiisa, Taariikhdu waa macallin.

Sheekh Maxamad Idriis

Arrintaas maxaa ka jira?

GAALO IYADAA WAALI ISUGU FILAN...Qofkaan aad u jeedid waxaa la dhahaa Demi Minor.Waa nin sheegtay inuu naag noqday.Nin d...
19/07/2022

GAALO IYADAA WAALI ISUGU FILAN...

Qofkaan aad u jeedid waxaa la dhahaa Demi Minor.
Waa nin sheegtay inuu naag noqday.

Nin danbiile ah oo fal dil geystay oo 30 sano lagu xukumay ayaa marka uu muddo yar ku xirnaa xabsiga ragga loogu talagalay ku dooday in uu dumar yahay. Dood dheer kadib waxa loo wareejiyay xabsi 800 oo dumar ah qaado oo gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ku yaalla.

Bilooyin kadib laba naag oo maxaabiista ka mid ahaa ayuu ninkii ahaa ku uureeyay. War maa yaalla hee waa laga gaaray si uusan gabdho kale oo maxaabiis ah u uureyn.

Ninkii hadda xabsi kale oo rag kaliya ku jiraan ayaa la geeyay. Ninka ma quusto wali waxa uu ku doodayaa in la geeyay xabsi fowdo badan oo ay ku jiraan dhalinyaro dhaqan celin loogu talo galay, wuxuuna wali aaminsan yahay inuu bilcaan yahay.

Dawrada cilmiga ah ee Sh Cabdinaasir Xaaji Axmad  (1)Waa dawro cilmiyeed sannadle noqon doonta oo loogu magac daray Shee...
19/07/2022

Dawrada cilmiga ah ee Sh Cabdinaasir Xaaji Axmad (1)

Waa dawro cilmiyeed sannadle noqon doonta oo loogu magac daray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed AHUN.

Dawrada waxaa lagu qabanayaa magaalada Laascaanood, kalkeedan koowaadna waxa ay soconaysaa muddo toddobaad ah oo ka bilaabmaya 23/7/2022.

Dowradan waxa qabaneysa π™ˆπ™ͺ'𝙖𝙨𝙖𝙨𝙖𝙙𝙖 π˜Όπ™‘π™ π™–π™§π™–π™’ oo ka howlgasha Soomaaliland kana mid ah mu'asasaadka hoostaga urur weynaha π™…π™–π™’π™–π™–π™˜π™–π™™π™– π™„π™˜π™©π™žπ™¨π™–π™–π™’.

Dawradu waxa ay gaar la tahay:
1. Waa dawro sannadle noqonaysa idamka Alle, ardaydana si sannadle ah ugu xisaabtamayaan.
2. Manhaj tayaysan iyo culimo waaweyn.
3. Abaalmarinno qiimo badan iyo shahaadooyin ka qaybgal.
4. Rag iyo dumarba way ka faa'idaysan karaan.

F.G: Dawradu waxa ay yeelan doontaa xaadiris joogto ah iyo imtixaan, si laguu diiwaan geliyo buuxi foomkan hooseπŸ‘‡πŸ‘‡

Wixii farsamo ah ama faahfaahin kala xidhiidh whatsappka:
+252634900866
+252634498802

Shuuruda ka qeyb galka tartanKa is reebreebka QuraanKa KareemKa ee degmooyinka gobolka Gado oo sanadkii labaad la qabana...
18/07/2022

Shuuruda ka qeyb galka tartanKa is reebreebka QuraanKa KareemKa ee degmooyinka gobolka Gado oo sanadkii labaad la qabanayo

kadib markii la xiray boga Facebook-ga ee loogaga hortagayey ficilada xun-xun ee khaniisiinta ee " "  فطرة Waxa ka dhash...
18/07/2022

kadib markii la xiray boga Facebook-ga ee loogaga hortagayey ficilada xun-xun ee khaniisiinta ee " " فطرة
Waxa ka dhashay jawaabo caro leh oo ku baahsan dhammaan baraha bulshada ee dunida islaamka.

iyadoo akoonka ololaha ee Twitter ka uu ku dhawaaqay in uu Facebook xiray bogooda ka dib markii taageerayaashiisa ay gaareen laba milyan oo qof iyo siyaado, oo ay ka horjoogsadeen xitaa inay furtaan bog cusub.

Ololahan ayaa waxaa bilaabay dadka u ololeeya in lagu baraarugo khatarta khaniisnimada iyo in laga hortago ololayaasha kor u qaadaya jinsi jinsi wax ka daya.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ilbax Tuulo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share