28/05/2025
maanta heysta dhalinyarada Soomaaliyeed ma ahan mid muuqda oo lagu arko ciidamo shisheeye, balse waa gumeysi maskaxeed, waxaana uu leeyahay laba waji:
1. Qabiil lagu beero oo maskaxda lagu shubo taas oo dhalinyarada lagu xiro silsilad aan la arki karin, si ay ugu adeegaan siyaasado ku dhisan nacayb iyo kala qoqob.
2. Ka fogeynta masiirka dalka – iyadoo loo sheegayo in aysan wax saamayn ah ku lahayn mustaqbalka Soomaaliya, si loo yareeyo rajadooda iyo ficilkooda wax-ku-oolka ah.
Maanta waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo loo adeegsado sidii xaabo siyaasadeed, loogu adeegto dano gaar ah oo salka ku haya qabiil, colaado la hurinayo, iyo nacayb qaran dumis ah.
Su’aasha muhiimka ah ayaa ah:
Haddii dhalinyarada Soomaaliyeed aysan maanta garan doorkooda iyo mas'uuliyadda ay u leeyihiin dalkooda, yaa u maqan Soomaaliya?
Ma odayaasha siyaasadda burburiyay, kuwaas oo kala qeybiyay ummadda?
Ma dalaaliinta danaha shisheeye, kuwaas oo u adeegaya dano aan Soomaali ahayn?
Ma kuwa shaarka diinta huwan, laakiin diinta u adeegsada burburinta bulshada?
Mise waa dalalka shisheeye ee danahooda dhaqaale ku fushada burburka iyo kala fogaanshaha Soomaaliyeed
Waqtigu ma sugi doono dhalinyarada.
Waa inay garowsadaan in ay yihiin xoogga, maskaxda, iyo mustaqbalka dalka.
Haddii aan maanta la istaagin, berri la ma joogi karo.
Dal aan dhalinyaradiisu feejignayn, wuxuu u dhowyahay in mustaqbalkiisu leexdo.
Yasir Hersi Jama