Warbaahinta xog-oge

Warbaahinta xog-oge halkan Waxad Ka Helaysaa Warar & Warbixino Ku Salaysan Xaqiiqda.

05/05/2023

"Soomaali mid ah, Gadabuursi mid ah.." ayuu ku dhawaaqay Ugaaska Guud ee Gobolada Awdal & Selel ee Beelaha [Samaroon.]

04/05/2023

DEGDEG: Booliska Somaliland oo qabtay nin dilay aabbihii oo baxsad ahaa.

Shir kulmin doona Dhalinyarada beelweynta Cidagale Mid Mucaaridka  Iyo Mid muxafida Wadjirbey Laba gacmood wax ku qaban ...
30/04/2023

Shir kulmin doona Dhalinyarada beelweynta Cidagale Mid Mucaaridka Iyo Mid muxafida Wadjirbey Laba gacmood wax ku qaban karaan 🙏🙏🙏

Coldoon "Taliska jabay fashilmay doonaya in uu Gar-Xajis kala qaybiyo uu hoogay.....Sidee U Argtaa...
27/04/2023

Coldoon "Taliska jabay fashilmay doonaya in uu Gar-Xajis kala qaybiyo uu hoogay.....

Sidee U Argtaa...

Ciyaareed qamaareedka   ayaa ka mid noqday afooyinka naafeeyay dhaqaalaha qoysaska reer Puntland, wuxuu curyaamiyay mask...
22/04/2023

Ciyaareed qamaareedka ayaa ka mid noqday afooyinka naafeeyay dhaqaalaha qoysaska reer Puntland, wuxuu curyaamiyay maskaxda dhalinyarada iyagoo ku qasaariya boqolaal doollar maalin walba.

Qamaarkan ayaa laga joojiyay waqooyiga dalka markii uu saamayn ku yeeshay nolosha qoysas danyar ah iyo nolosha qaybaha kala duwan ee bulshada, inta badan dhalinyarada ayaa lacagaha mushaarka loo siiyo ku ciyaara ciyaarahan iyagoo isticmaalaya khadadka internetka shirkadaha dalka, waxaana joojinta qamaarkaas si weyn looga dareemay dhamaan gobolada Somaliland.

Bulshada ku nool deeganaada Puntland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay khatarta uu leeyahay qamaarkan iyagoo ka codsaday shirkaddaha isgaarsiinta in ay joojiyaa si loo badbaadiyo dhaqanka iyo dhaqaalaha dhalinyarada Puntland.

Culumada Puntland ayaan marna ka hadlin khatarta qamaarka 1xBet waxayna u muuqata in bulshadu aysan ku baraarugsanyn saamaynta uu ku leeyahay dhaqanka, diinta iyo dhaqaalaha bulshada.

“Axmed Muuse Biixi baan dacwo uga gudbiyay beesha caalamka”  aaar Germanyaaa
20/04/2023

“Axmed Muuse Biixi baan dacwo uga gudbiyay beesha caalamka” aaar Germanyaaa

19/04/2023

Guddiga farsamada ee Beelaha Garxajis ayaa wiilashooda jooga furimaha dagaalka ee Laascanood ugu baaqay inay guryahooda dib ugu soo laabtaan iyagoo markale ku celiyay go'aankii guddiga guud G36 [Garxajis] ee ahaa in Ciidamada Somaliland laga dulqaado shacabka Gobolka Sool.

Xigasho Bakayle Media

14/04/2023

Warbixin: Korneyl Biixi oo weerar ku ah Laascanood, Garxajis & Samaroon oo ciidan beeleed laga waayey & Habarjeclo dhalinyaro keentay.

Xigasho Bakayle Media

Axmed Muuse Biixi, wiilka uu dhalay madaxwayne Biixi oo katirsan ciidamada Somaliland, ayaa gaadhay furimaha h**e ee dag...
13/04/2023

Axmed Muuse Biixi, wiilka uu dhalay madaxwayne Biixi oo katirsan ciidamada Somaliland, ayaa gaadhay furimaha h**e ee dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Gudoomiye Daa’uud Maxamed Faarax ayaa gabi ahaan ba diiday xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Wasiir Toorno.Gudoomiye Da...
11/04/2023

Gudoomiye Daa’uud Maxamed Faarax ayaa gabi ahaan ba diiday xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Wasiir Toorno.

Gudoomiye Daauud waxa uu ii sheegay in xafiiska imtixaanaadku uu ka madax banaan yahay wasaarada waxbarashada sidaa awgeedna aanuu aqbalaynin talaabada uu qaaday wasiir Toorno.

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale ii xaqiijiyay in cida kaliya ee uu ka war sugayaa uu yahay Madaxwayne Biixi.

Ciidamada Kumaandooska Gorgor Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Wax Ka Yar 40Km U Jira Dagamada Ceelbuur Ee Gobolka Galgadu...
10/04/2023

Ciidamada Kumaandooska Gorgor Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Wax Ka Yar 40Km U Jira Dagamada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Ururka 9-Aad Guutada 18-Aad Ee Ciidanka Gor Gor Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) Oo Wareysi Siiyay Radio Mogadishu Ayaa Sheegay In Ciidamada Gorgor Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Kaabiga Ku Hayaan Ceel-Buur

Taliye Cabdi madoobe ayaa Dufacadii 11 aad maanta Tobabar ugu soo xidhay xerada Guuto 1aad ee Buuhoodle yagoo qayb ka no...
10/04/2023

Taliye Cabdi madoobe ayaa Dufacadii 11 aad maanta Tobabar ugu soo xidhay xerada Guuto 1aad ee Buuhoodle yagoo qayb ka noqon doona Ciidamada difaaca & xoraynta gobolka sool.!

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha...
10/04/2023

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxaha khawaariijta ah ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweynaha oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo, loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan, isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda, si neecoowda dowladnimada loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

TALISKA BOLIISKA QEYBTA GUUD EE GOBOLKA BANAADIR OO GACANTA KU SOO DHIGAY EEDEYSANE ISAGA OO DHAC GEYSANAYA MUUQAALKIISU...
09/04/2023

TALISKA BOLIISKA QEYBTA GUUD EE GOBOLKA BANAADIR OO GACANTA KU SOO DHIGAY EEDEYSANE ISAGA OO DHAC GEYSANAYA MUUQAALKIISU BARAHA BULSHADA KU BAAHAY.

Shalay 08/Apr/2023 abaare 14:14 duhurnimo, ayaa Degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Octobar lagu dhacay dukaan lagu magacaabo Gaashaan 2, sida Baraha Bulshada ku baahay waxaa dhaca geystay edeysaneyaal ku la bisan dhar Ciidan.

Muqaalka falka dhaca ahaa oo ku baahay baraha Bulshada, ayaa u suurta gashay Saldhiga Boliiska Degmada Hodon inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha 1-aad oo hubka lagalay dukaanka dhacayna muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wallow, Kuwii kale lagu raadjoogo.

Cadadka teleefoonada ah ee lagu eedeyay ayaa ahaa ilaa 3 mobail oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.

Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo.

Cidii aragtaa fal amniga lid ku ah hala soo xariiraan numberka gaaban ee 991 ee adeega Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin.

09/04/2023

"Harti iyo Dhulbahante haiga raali noqdaan
waxaan ka codsanayaa cafis" Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Xudun ee Somalind.

09/04/2023

Mar haddaan bar-khayrliba u gelin buuga noloshiisa
Hadba baqal ha noosoo koriyo baha-dameeraade
Waddankii burburi dawdarkii buunka loo tumay”

Bisaddii oo abwaan Maxamed Shilke u warrantay in xataa sambabkay ku quraacan jirtay rag shiilanayo hh

08/04/2023

: Somaliland waxay isku diyaarinaysaa weerar 4 jiho ah, iyadoo hadda Jiidaha barri looga jeedo dhaqdhaqaaqa ciidanka, kaas oo yoolkiisu yahay in ay qabsato magaalada Laascaanood,

Laga Bilaabo Maanta Waxaan Diyaar u ahay Halganka Xoraynta deegaanada SSC looga saarayo Cadowga maleeshiyaadka SNM.Gaash...
06/04/2023

Laga Bilaabo Maanta Waxaan Diyaar u ahay Halganka Xoraynta deegaanada SSC looga saarayo Cadowga maleeshiyaadka SNM.

Gaashaanle Dhexe Mohamed Deeq Muxumud Abdi ayaana iska Casilay Xilkii uu ka Haye Maamulka somaliland.

Address

Mogadisho

Telephone

+252618894194

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbaahinta xog-oge posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share