Kabxanleey hospital

Kabxanleey hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kabxanleey hospital, Mogadishu.

24/02/2025

Bulshada ku dhaqan degmada kabxanleey ayaa Mahadcelin iyo bogaadin udiray xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka.

13/02/2025
Maxamed Bare Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga HOP 008 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la ...
20/02/2022

Maxamed Bare Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga HOP 008 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay waxana uu helay 89 cod halka laba qofna ka aamusen waxana ay ahaayen ergada soo xaadirtay 91 ergo.

Waxaa heshiis Xabad-joojin Goordhaw Magaalada baladweyne ku kala Saxiixaday laba beelood  Walalaha kuwaaso dhawaan ku Da...
28/12/2021

Waxaa heshiis Xabad-joojin Goordhaw Magaalada baladweyne ku kala Saxiixaday laba beelood Walalaha kuwaaso dhawaan ku Dagaalmay degaanka Kabxaleey Duleedka Waaqooyi ee Magaalada baladweyne,

Heshiiskan Xabad-joojin Waxaa in Muda ah Magaalada baladweyne kawaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle oo kaashaneyso Urur Gobolkeedka IGAD.

Goobta heshiiska beelahan Waxaa kaqeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, Taliyaha Booliska Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Co, Xasan dhicisiow iyo Masuliyiin kale,

Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Mudane Cabdi daahir Guure karoore ayaa Sheegay in heshiiskan oo in Mudaha Wasaarada Soo waday Maanta aay ku Guuleeysten inay beelaha Xabad-joojin hordhac ah ka Saxiixaan dhaqanka labada reerood,

Qoys Soomaaliyeed oo iska celiyey dhalashada dal Yurub ah, go'aanna ku gaadhay in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo."Bis...
14/11/2021

Qoys Soomaaliyeed oo iska celiyey dhalashada dal Yurub ah, go'aanna ku gaadhay in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.

"Bismillaah:
Waxa aannu go’aan rasmi ah ku qaadannay aniga iyo reerkaygu in aanu kasoo guuro Denmark oo aanu degganayn, una soo guurro dhulkii hooyo ee Alle naga beeray.

Sidoo kale waxa aanu go’aan ku qaadannay gabi ahaan sharciyadii aanu haysannay ee waddankan Denmark inaan u celinno oo cancel garayno - waa go’aan adag laakiin waa go’aan sax ah oo aanu u aragno in uu yahay mid khayr badan noo leh qoys ahaan.

Waxa la joogaa xilligii aynu aamini lahayn oo ku noolaan lahayn dhulkeenna - Alle ha inoo barakeeyo." -Maxamed Cabdi, odayga qoyska.

Boqor Buurmadow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uxaliyo khilaaf ka taagan doorashada gobalada Waqooyi oo siyaasiin...
14/11/2021

Boqor Buurmadow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uxaliyo khilaaf ka taagan doorashada gobalada Waqooyi oo siyaasiinta iyo beelaha dhaxdooda ah.

Waxyaabaha cajiibka ah waxaa kamid ah, waa masuulkii xaliyay khilaafkii adkaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed maalin gudaheed, iyadoo ay xalin waayeen masuuliyiinta kale ee Soomaalida, waa mas'uul warkiisa aysan ka hor imaan karin dhamaan siyaasiinta iyo shacabkiisa, waxaa lagu sheegaa in heli og cadaalada iyo ukala gar-qaadida siyaasiinta markii ay isqabtaan.

Dhaqanka Koofur malaga heli karaa hal oday dhaqameed oo sidaas ah?

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulist...
14/11/2021

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulista ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Boqor Buurmadow oo dib uga mid noqday Odayaasha ee 135-ta ayaa bishii September door weyn ka qaatay xalintii khilaafkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana heshiis ka gaareen hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland

04/11/2021

Dib u xasuuso wariyhii
uga so warrami jiray muqdisho
Maxamed maxamuud (dhoore)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta loo doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Go...
01/11/2021

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta loo doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha shacabka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qe...
10/10/2021

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

  -  ayaa ka baxday ka mid ahaanshaha maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee loo yaqaan ICJ waxana ay sheegtay in aanay ...
08/10/2021

- ayaa ka baxday ka mid ahaanshaha maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee loo yaqaan ICJ waxana ay sheegtay in aanay aqoonsan doonin xukunka maxkamadda ee ku aaddan muranka xadka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya oo loo madlan yahay 12/10/21.

Kenya ayaa sidoo kale heegan gelisay ciidankeeda badda ee ku sugan saldhiga badda ee Manda si horay loogu diro xadka lagu muransan yahay.
Kenya waxay sheegtay in aanay dheg-jalaq u siin doonin go'aanka maxkamadda oo ay difaaci doonto dhulkeeda

Haddaba maxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed iyo dawladooda?

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kabxanleey hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share