
01/05/2025
Boqor Buurmadaw iyo abtiyadii Harti: Xumaan iyo Samaan
————————
Boqor Cismaan Aw-Maxammuud ( Buurmadaw), waxa uu bilawgii noloshiisa noqday ganacsade. 1994tii ayaan magaciisa maqlay, aniga oo ilmeyar ah oo Fiqifuliye jooga. Adhiga ayuu ka ganacsan jirey oo Sanaag oo dhan caan buu ka ahaa.
Bilawgii Labadakun ayaan markale Ceergaabo ku maqlay in uu Boqor noqday.
2003dii ayuu aad u caan baxay, waa markii uu heshiiskii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse kaalinta weyn ka qaatay. Waagaas ayaa Soomaalida badankeed baratay.
Ma aha madaxdhaqameed caadi ah, waa siyaasi, ganacsade iyo xariif xadhko badan.
2007dii markii Soomaalilaand la wareegtay Laascaanood, waxa uu aad ugu dhawaa madaxweynihii SL ee Daahir Rayaale Kaahin. Waagaas waxa uu si ba‘an u weerari jirey abtiyadii Dhulbahante oo uu xitaa odhan jirey ' dee haddaanay Soomaalilaand rabin dalka haka guuraan‘. BBC da ayaan ka dhegaystay isaga oo hadalkaa ku dhawaaqaya.
Abtigii Aadan Xasan Jibbaar oo Nayroobi nala joogey ayaa wacay oo yidhi ' war maxaad abtiyadaa ka rabtaa wiiloow‘ isna waxa uu ugu jawaabay ' Abti, abtiyaday iyagaa i weeraray e wiilkaagu in uu wax iska dhiciyo maanad jeclayn?. Adeer Aadan Xasan Jibbaar baa ii sheegay arrinkaas.
Muddo kaddib, waxa uu ku xidhay Mucammar Alqaddaafigii Liibya, halkaas oo uu lacag fiican ka helay, sida dad badani qabaan.
Waagii Siilaanyo aad uma hadal badnayn oo Dubai iyo ganacsigiisa ayuu isaga badnaa. Haddaanan illawsanayn!
Muuse Biixi oo uu dhisay ayuu ka waayay waxii uu ka filayey ee soo dhawayn iyo maammuus ahaa, way kala fogaadeen dalkiina dibadda ayuu uga baxay. Doorashadii Xamar ayuu haddana qabiilka Dirta isku dubba ridey. Saamayn muuqatana wuu ku yeeshay oo ilaa maanta jirta.
Kooxda AS ee ka dagaallanta koonfurta ayuu si kaftan ah u yidhi ' annagaa haysanna xukunkeeda' hadalkaas oo eed badan u keenay.
Dagaalkii Laascaanood markii uu bilawday bishii Labaad ee sannadkii 2023, boqorku waxa uu noqday ninka ugu miisaanka culus ee beesha Isaaq si toos ah u yidhaahda ' Ciidanka SL waa in laga soo kaxeeyaa Laascaanood oo Oog la keenaa‘ ' Magaalada waa in laga daayaa duqaynta‘. Waa Isaaqa aan Garxejis kujirin. Qabiilkaasi bayaan Soomaali oo dhammi ogayd ayay ku canbaareeyeen waxii meesha ka dhacayay e.
Mawqifkaas cad ee uu istaagay, waxa uu abtiyadii kaga kasbaday maammuus iyo ammaan badan. Maxaabbiis dhaawac ah ayaa isaga lagu wareejiyay, iyada oo dagaalkii socdo. Garaaddo badan oo uu ugu horreeyo Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa si weyn warbaahinta horteeda uga ammaanay doorkiisii fiicnaa ee waagaas.
25kii August kaddib waxa uu muddo ahaa ninka ugu dhaw maammulka Khaatumo iyo Garaaddada Dhulbahante. Se siyar siyar ayaa loo kala fogaadey.
Dagaalkii Buqdharkayn, arrimihii Sanaag, dagaalladii Hawdka iyo degmo Buuhoodle waxay keeneen in Boqorku isbeddelo, oo uu noqdo afhayeenka colaadda marar badan, in kasta oo uu bilawgii ayaamahaas dhawr jeer nabadda ka shaqeeyay.
Sida la arki karay, waxa boqorku aad afka ugu hayn jirey markasta Garaad Jaamac Garaad Cali. Mar uu Munikh dalka Jarmalka jaaliyad SL ah kula hadlayay ayuuna si ba‘an ugu weeraray Garaadka iyo reerka Bahararsame. Waana bilawgii isa seegga Dhulbahante iyo Boqor Cismaan.
Boqorka waxa laga dheehan karay hadalkiisa, in uu aad u dhibsaday marar badan oo Garaad Jaamac si duuduub ah beesha Isaaq hadallo aad u qadhaadh ugu duurxulay amaba si cad ugu weeraray. Sida ' Ingiriisku miyuu idin qabi jirey‘ iyo ' Nasabaddooda ayaa dhiman‘
Hadalkaas danbe ee ah ' Isaaqa nasabaddooda ayaa dhiman‘ ee Garaadku beeshaas dhan ku aflegaaddeeyey boqorku waxa uu kaga falceliyay cay aan weligeed laba isim oo Soomaali ahi h**e isugu odhan oo waatuu ku hadlay hadalkii afka ka waynaa ee lawada ogaa. Kaas oo sii kala fogeeyey Boqorka iyo shacabkii Dhulbahante.
Garaad Jaamac beel dhan buu caayey, oo waa gef weyn.
Boqorkuna Garaadka ayuu si xun oo aan abidkeed la arag u caayey isaga iyo hooyadiiba!
Labaduba waa khaldanyihiin, midi malaayiin qof ayuu wax aanay geyin ku tilmaamay oo dhankaas isagaa ku denbi badan. Midna cay tii ugu liidatay ee qof lagu sheego ayuu Garaadka hooyadii oo habaryar ugu beegan ku sheegay oo dhankaas isagaa ku liita foolxumada hadalka!
Halkaas ayay ku kala dhaqaaqeen Dhulbahante iyo Boqor Buurmadaw.
Soo koob
Boqorku waa nin faro badan.
Harti abaal buu ku leeyahoo waa tuu heshiisiiyay Cabdullaahi iyo Cadde
Harti denbi buu ka galoo dhulkiinna ka guura buu yidhi.
Harti abaal buu u galoo Muuse Biixi ayuu uga hiiliyay oo 8dii bilood ee dagaalkii Goojacadde socday toos buu ula safnaa abtiyadii.
Isaga iyo Garaad Jaamac labaduba way dhiiqaysteen. Se tiisu waa mid lafo jebis ah oo u baahan in uu xilligeeda xaal iyo garawshiiyo gaar ah ka bixiyo. Garaadka laftarkiisana beeshaas malaayiinta ah ee uu nasabad caayay xilligeeda waa in uu ka garaabaa oo ka noqdaa dulmigaas weyn.
Marka laysku daro isbedelka, dhiirranaanta, badheedhaha iyo isrogrogga badan ee Boqor Buurmadaw ka muuqda waxa la odhan karaa :
Buurmadaw inta uu siyaasi yahay ayaa ka badan inta uu madaxdhaqameed yahay.
Waxa iyana in la qiro ay tahay in shar iyo khayrba uu u yahay nin wax ka keeni kara. Ma aha isim iska caadi ah e waa nin waxa uu u dhaqaaqoba hormuud ka noqon kara. xigasho omar xasan