01/07/2022
DHIBAATOYINKA LAGU DUL-ABUUREY DHULKENA
Waxa Jira Dhibaatooyin badan oo dhulka Soomaaliya Lagu Dul abuurey inagoo aan dareemeynin duulaanka maskaxda ah ee lagu carqaladeynayo dowladnimadeena , jiritaankeena dhaqan ahaan , diin ahaan iyo wax-soosaar ahaanba.
Waxa Laga Yaabaa Inbadan oo naga mid ah iney ku baraarugsanyihiin nuxurka warkeyga iyo halka uu taabanaayo , halka bulshada inteeda badanna aan dareen iyo ogaal toona u heyn cayaaraha nalagu dul-cayaaraayo iyo sida loo dhigey siriqda lagu wiiqaayo awoodeena iyo maskaxdeena loona jaheeyo meel aan kasoo noqon karin.
Hadaba aan bayaaniyo e waxan aragnaa Hey'adaha Gargaarka ka shaqeeya oo intooda badan ka shaqeeya goboladii wax-soosaarka Soomaaliya Sida labada shabeele, jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool, waxa nagu yar inta isweydiineysa sababta ay hay'adahaas usoo degeen goboladan oo ay u degi waayeen gobolada qalalan oo aan beero ama dhul barwaaqo ah (fertile land) aan leheen.
Waxa Kaloo isweydiin Mudan Maxa Dhaqdhaqaaqa Al-shabab Ku beerey isla goboladaas ahaa wax-soosaarkii soomaaliya ee aan kor kusoo sheegney oo ay ugu yeryihiin gobolada kale inagoo ka dheregsan in hogaamiyeyaasha Al-shabab ay kayimaaden gobolada kafog Koonfurta sida gobolada dhexe ilaa aad gaarto waaqoyi.
Intaas iyo inkaloo badan waa qorshe loo dejiyey si ka mugweyn sida aan u aragno oo ah in ay jiraan koox jihaadiyiin ah oo soomaali ah oo doonaysa inay Soomaaliya Qabsadaan iyo hay'ado gaargaar oo raba iney na caawiyaan, madaxda Soomaaliduna uma arkaan xureynta iyo sifeynta goboladaas wax muhiim ah sababtoo ah madaxweynaha iyo wasiirkiisa 1aad ee golaha fulintuba k**a yimaadaan goboladan barwaaqada ah wana sabab kaloo cad oo dadka Koonfurta daga loogu diidayo iney hogaanka dalku qabtaan.
Sidoo Kale Istaraatiijiyad ahanna ma aaminsana in ilaalinta goboladan ay tahay badbaadada Soomliya. Sikastaba Qorsheyaashan ka imaanaya maskaxda shisheeyaha danta ka arkey inay dalkena curyaamiyan waxa looga gol-leeyahay in dadnimada naloga dilo, naga joojiyan wax-soo-saarida, beeruhu isubedelan hawd, qabka nalaga dilo , dadkenuna wax caadi ah u arkaan in qoondo yar loogu soo shubo mobeelka, la siiyo raashiin iska yar , kasoo barakacaan guryahooda oo kaamam dhistan islamarkana caado ka dhigtaan dawarsiga Kuwa NGO-yada lehna u arkaan fursad u abuureysa mashaariic .
Hadaba guud ahaan Soomaalida iyo gobolada kale kayimada waxay u arkan arintan dhibaato u gaar ah Soomaalida Konfurta Lkn Waa Dabargoyn iyo liidnimo kusoo hoorsan doonta guud ahaan gayigeena.
Is-ogol media