24/03/2026
Istiraatiijiyaddii ay Vietnam Adeegsatay intii uu Socday Dagaalkii Vietnam si ay u Daaliso Mareykanka uguna Qasabto in uu isaga Baxo Vietnam.
Intii lagu jiray dagaalkii Vietnam, Waqooyiga Vietnam ma aysan isku dayin inay si toos ah uga adkaato Maraykanka oo ay la gasho dagaal caadi ah oo natiijo keeni kara, sababtoo ah taasi waxay ahayd wax aan macquul ahayn marka la eego farqiga weyn ee awoodda milatari ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Vietnam. Taas bedelkeeda, waxay dejiyeen istiraatiijiyad muddo dheer ah oo diiradda saaraysay jebinta rabitaanka siyaasadeed ee gudaha Maraykanka ee ku aadanaa in dagaalka lasii wado, gaar ahaan shacabka iyo dadka siyaasadda Mareykanka dejiya.
Istiraatiijiyaddan waxaa saldhig u ahaa waqtiga. Hoggaamiyayaashii Vietnam ee xilligaas sida Ho Chi Minh waxay fahmeen in Maraykanku yahay dal dimuqraadi ah, taasoo ka dhigan in aragtida dadweynuhu ay muhiim tahay, go’aamada siyaasadeedna ay saameynayso, haddii dagaalka uu sii socdo muddo dheer iyadoo aanay jirin guul cad ay dadka Maraykanka ay bilaabayaan in ay su’aal geliyaan sababta ay u dagaallamaayaan. Sidaas darteed, Vietnam halkii ay ka fogaan lahayd khasaaraha, waxay aqbaleen khasaare badan waxayna sii wadeen dagaalka iyagoo adeegsanaya dagaal dhuumaaleysi ah, weerarro kedis ah, iyo xeelado degdeg ah oo ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah, taasoo sababtay in dagaalku uu u muuqdo mid aan dhammaad lahayn laguna guuleysan karin.
Dhacdo muhiim ah waxay ahayd weerar la dhihi jiray Tet Offensive. Weerarkan, milatari ahaan, dhanka Vietnam waxay dhab ahaantii ku ahayd dib u dhac, maadaama Waqooyiga Vietnam ay la kulantay khasaare badan, lakiin siyaasad ahaan waxay ahayd mid aad saameyn u leh. Weerarkan wuxuu muujiyay in Vietnam ay weli xooggan tahay awoodna ay u leedahay in ay weeraro fuliso, taasoo si toos ah uga hor imaanaysay hadallada dowladda Maraykanka ee ahaa in guushu ay dhowdahay. Tani waxay abuurtay farqi u dhexeeya waxaa hoggaamiyeyaashu ay sheegayaan iyo waxay dadku arkaayaan, taasoo dhaawacday kalsoonidii dowladda Maraykanka ay shacabkeeda ku qabeen.
Isla waqtigaas, warbaahinta ayaa door weyn ka ciyaartay dagaalka. Markii ugu horreysay, ayaana dagaal si ballaaran loogu baahiyay gudaha guryaha dadka, iyagoo telefishanada kala socday. Sawirrada dagaalka, burburka, iyo dhibaatada rayidka soo gaareysay ayaa si degdeg ah u faafay taas oo kordhisay welwelka shacabka Mareykanka iyagoo is weydiiyey in dagaalku uu yahay mid sax ah. Intii dagaalku uu socday, mudaharaadyo ballaaran ayaa ka bilowday gudaha Maraykanka, gaar ahaan ardayda, aqoonyahannada, iyo xitaa askartii h**e. Intaas ka dib, dagaalku ma sii ahaan arrin siyaasadeed oo dibadda ah, balse wuxuu isu bedelay dhibaato siyaasadeed oo gudaha ah.
Dhaqaale ahaan, dagaalku sidoo kale wuxuu noqday mid culays weyn. Maraykanku waxaa uu dagaalka ku bixinayay kharash aad u badan isagoo isla markaas la tacaalayay dhibaatooyin bulsho oo gudaha ah kuwaas oo u baahnaa kharash badan.Siyaasiyiinta Mareykanka waxay bilaabeen inay dareemaan cadaadis ka imaanaya shacabka iyo sidoo kale khilaafaadka gudaha dowladda oo uu keenay dagaalka. Dhammaadkii 1960-meeyadii iyo bilowgii 1970-meeyadii, sii wadista dagaalka waxay noqotay mid kharashkeedu uu ka badan yahay faa’iidadeeda, ugu dambaynna, cadaadiskan ayaa keenay in istiraatiijiyadda la beddelo waxaana marka h**e la yareeyay ciidamada Vietnam Mareykanka ee ku sugnaa Vietnam, kadibna wadahadal ayaa la bilaabay, ugu dambaynna waxaa la go’aansaday in laga baxo dagaalka. Xisaabtii ugu muhiimsanayd ee ay isku dhufsadeen Waqooyiga Vietnam waxay noqotay mid sax ah sababtoo ah ma aysan u baahnayn inay guul milatari gaaraan ee waxay rabeen oo kaliya in Maraykanku joojiyo rabitaankiisa dagaalka uuna dalkooda isaga baxo. Sababta ugu weyn ee tani ugu shaqeysay Vietnam waxay ahayd in dadaalada Maraykanka ee dagaalka uu si weyn ugu xirnaa taageerada dadweynaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee gudaha Mareykanka, taasoo Waqooyiga Vietnam ay si tartiib ah u wiiqday muddo ka dib.
Meraay