Meraay Media

Meraay Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Meraay Media, Media/News Company, Airport Road, Mogadishu.
(1)

Meraay is a media company that dives into social affairs, politics, technology, culture, and the economy—sparking a collective that thinks boldly, evolves continuously, and leads with impact.

28/04/2026

Muxuu Sadaam Hussein u Weeraray Kuwait | 2 Maalin ayu Kuwait Dhan kula waregay | Ka dib Maxa Dhacay?


Meraay

11/04/2026

Jabkii Mareykanka ee Vietnam | Sidee Mareykanka Loogu soo Jebiyay Vietnam

10/04/2026

Gobolka Qowqaaz | Gobol Cajiib ah | Nogorno Karabakh ilaa Shiihsaan iyo Dagestan | Mowduuc Muhiim ah

26/03/2026

Maxay Iran u Weeraraysaa Dalalka Khaliijka | Iran Maxay Rabtaa?

Istiraatiijiyaddii ay Vietnam Adeegsatay intii uu Socday Dagaalkii Vietnam si ay u Daaliso Mareykanka uguna Qasabto in u...
24/03/2026

Istiraatiijiyaddii ay Vietnam Adeegsatay intii uu Socday Dagaalkii Vietnam si ay u Daaliso Mareykanka uguna Qasabto in uu isaga Baxo Vietnam.

Intii lagu jiray dagaalkii Vietnam, Waqooyiga Vietnam ma aysan isku dayin inay si toos ah uga adkaato Maraykanka oo ay la gasho dagaal caadi ah oo natiijo keeni kara, sababtoo ah taasi waxay ahayd wax aan macquul ahayn marka la eego farqiga weyn ee awoodda milatari ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Vietnam. Taas bedelkeeda, waxay dejiyeen istiraatiijiyad muddo dheer ah oo diiradda saaraysay jebinta rabitaanka siyaasadeed ee gudaha Maraykanka ee ku aadanaa in dagaalka lasii wado, gaar ahaan shacabka iyo dadka siyaasadda Mareykanka dejiya.

Istiraatiijiyaddan waxaa saldhig u ahaa waqtiga. Hoggaamiyayaashii Vietnam ee xilligaas sida Ho Chi Minh waxay fahmeen in Maraykanku yahay dal dimuqraadi ah, taasoo ka dhigan in aragtida dadweynuhu ay muhiim tahay, go’aamada siyaasadeedna ay saameynayso, haddii dagaalka uu sii socdo muddo dheer iyadoo aanay jirin guul cad ay dadka Maraykanka ay bilaabayaan in ay su’aal geliyaan sababta ay u dagaallamaayaan. Sidaas darteed, Vietnam halkii ay ka fogaan lahayd khasaaraha, waxay aqbaleen khasaare badan waxayna sii wadeen dagaalka iyagoo adeegsanaya dagaal dhuumaaleysi ah, weerarro kedis ah, iyo xeelado degdeg ah oo ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah, taasoo sababtay in dagaalku uu u muuqdo mid aan dhammaad lahayn laguna guuleysan karin.

Dhacdo muhiim ah waxay ahayd weerar la dhihi jiray Tet Offensive. Weerarkan, milatari ahaan, dhanka Vietnam waxay dhab ahaantii ku ahayd dib u dhac, maadaama Waqooyiga Vietnam ay la kulantay khasaare badan, lakiin siyaasad ahaan waxay ahayd mid aad saameyn u leh. Weerarkan wuxuu muujiyay in Vietnam ay weli xooggan tahay awoodna ay u leedahay in ay weeraro fuliso, taasoo si toos ah uga hor imaanaysay hadallada dowladda Maraykanka ee ahaa in guushu ay dhowdahay. Tani waxay abuurtay farqi u dhexeeya waxaa hoggaamiyeyaashu ay sheegayaan iyo waxay dadku arkaayaan, taasoo dhaawacday kalsoonidii dowladda Maraykanka ay shacabkeeda ku qabeen.

Isla waqtigaas, warbaahinta ayaa door weyn ka ciyaartay dagaalka. Markii ugu horreysay, ayaana dagaal si ballaaran loogu baahiyay gudaha guryaha dadka, iyagoo telefishanada kala socday. Sawirrada dagaalka, burburka, iyo dhibaatada rayidka soo gaareysay ayaa si degdeg ah u faafay taas oo kordhisay welwelka shacabka Mareykanka iyagoo is weydiiyey in dagaalku uu yahay mid sax ah. Intii dagaalku uu socday, mudaharaadyo ballaaran ayaa ka bilowday gudaha Maraykanka, gaar ahaan ardayda, aqoonyahannada, iyo xitaa askartii h**e. Intaas ka dib, dagaalku ma sii ahaan arrin siyaasadeed oo dibadda ah, balse wuxuu isu bedelay dhibaato siyaasadeed oo gudaha ah.

Dhaqaale ahaan, dagaalku sidoo kale wuxuu noqday mid culays weyn. Maraykanku waxaa uu dagaalka ku bixinayay kharash aad u badan isagoo isla markaas la tacaalayay dhibaatooyin bulsho oo gudaha ah kuwaas oo u baahnaa kharash badan.Siyaasiyiinta Mareykanka waxay bilaabeen inay dareemaan cadaadis ka imaanaya shacabka iyo sidoo kale khilaafaadka gudaha dowladda oo uu keenay dagaalka. Dhammaadkii 1960-meeyadii iyo bilowgii 1970-meeyadii, sii wadista dagaalka waxay noqotay mid kharashkeedu uu ka badan yahay faa’iidadeeda, ugu dambaynna, cadaadiskan ayaa keenay in istiraatiijiyadda la beddelo waxaana marka h**e la yareeyay ciidamada Vietnam Mareykanka ee ku sugnaa Vietnam, kadibna wadahadal ayaa la bilaabay, ugu dambaynna waxaa la go’aansaday in laga baxo dagaalka. Xisaabtii ugu muhiimsanayd ee ay isku dhufsadeen Waqooyiga Vietnam waxay noqotay mid sax ah sababtoo ah ma aysan u baahnayn inay guul milatari gaaraan ee waxay rabeen oo kaliya in Maraykanku joojiyo rabitaankiisa dagaalka uuna dalkooda isaga baxo. Sababta ugu weyn ee tani ugu shaqeysay Vietnam waxay ahayd in dadaalada Maraykanka ee dagaalka uu si weyn ugu xirnaa taageerada dadweynaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee gudaha Mareykanka, taasoo Waqooyiga Vietnam ay si tartiib ah u wiiqday muddo ka dib.

Meraay

21/03/2026

Xarunta Duqeymaha Mareykanka & Wadnaha Istaraatiijiadda Dagaaladiisa | Jasiirad Dadkedi Laga Masaafuriyay

Meraay

21/03/2026

Sida the Wall Street Journal uu kasoo xigtay mas'uuliyiin Mareykanka ah, dowladda Iran ayaa labo gantaal oo ridada dhexe ah ku weerartay Jasiirada Diego Garcia oo uu ku yaalo saldhig Milateri oo Mareykanku adeegsado oo aad muhiim u ah kuna yaala bartamaha Badweynta Hindiya. Hal gantaal ayaa dhexda si iskiisa ah ugu burburay halka midka kale uu qabtay difaaca markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay, basle lama sheegin in lagu guuleystay burburintiisa.
Xalay, Ingiriiska oo Jasiiradan maamula ayaa Mareykanka u ogolaaday in uu adeegsado si uu Iran uga weeraro.

Galabta 4:10 PM kala soco Meraay YouTube & boggeena Meraay warbixin ku saabsan Jasiiraddan muhiimka ah ee Diego Garcia.

19/03/2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha: "Dilka Isra-il ay u geysanayso madaxda Iran ma ahan mid la aqbali karo".

18/03/2026

Xarunta Tamarta Iran ee la beegsaday ee Bushehr ayaa maamushaa 40% gaaska Iran.

18/03/2026

Degdeg | Channel 12 oo ka soo xigtay ciidanka Israa’iil: Weerarka lagu qaaday xarumaha gaaska ee Bushehr, Iran, waxaa lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay Mareykanka.

18/03/2026

Madaxweynaha Ukraine ayaa shalay isagoo ka hadlaayay Baarlamaanka Ingiriiska sheegay in Ukraine ay 201 oo khubarro ah ay u dirtay dalalka Khaliijka si dalalkas ay uga caaawiyaan ka hortagga diyaaradda Shahiid ee Iran.

Address

Airport Road
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Meraay Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share