Zakariye saahid

Website Contact the business

Zakariye saahid Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Zakariye saahid, Digital creator, Mogadishu.

Asc walaahayga qaaliga ah bogani waa page aan kusoo gudbin doono muuqaalo faaiido kuu leh islamarkaana bulshada wax utaraya Marka walaalayaal follow iyo like iisaara waad ma

01/10/2026

Cr7 Ronaldo bye bye 👋 😢
#😢😢

Xasan Sheekh oo Qaramada Midoobay ka hadlay arrimo muhiim ahNew York — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya...
24/09/2026

Xasan Sheekh oo Qaramada Midoobay ka hadlay arrimo muhiim ah

New York — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo diiradda saaray dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, xaaladda Falastiin, isbeddelka cimilada iyo ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Afrika ay mudan tahay in ay hesho xubin joogto ah oo Golaha Ammaanka ah, isagoo xusay in qaaraddu ka kooban tahay 54 dal balse aysan lahayn kursi joogto ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taageeray xal laba-dowladood ah oo Israel iyo Falastiin ah, kuna salaysan xuduudihii ka horreeyey dagaalkii 1967.

Dhanka Soomaaliya, wuxuu si adag uga hadlay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa xuduudaha Soomaaliya ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada isku haya khilaafaadka inay adeegsadaan wada-hadal iyo sharciga caalamiga ah, halka uu bulshada caalamka ka dalbaday taageero ku aaddan wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddii Xasan Sheekh ee Golaha Guud ee Qaramada MidoobayMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan S...
24/09/2026

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddii Xasan Sheekh ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, xaaladda Falastiin iyo Israel, isbeddelka cimilada iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

1. Dib-u-habaynta Qaramada Midoobay

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay uu u baahan yahay dib-u-habayn, si ururku ula jaanqaado isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa caalamiga ah ee maanta jira.

Wuxuu si gaar ah u xusay in Afrika, oo ka kooban 54 dal, ay mudan tahay in ay hesho matalaad joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maadaama qaaraddu aysan hadda lahayn kursi joogto ah.

2. Israel iyo Falastiin

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu taageeray in la helo xal ku salaysan laba dowladood oo kala ah Israel iyo Falastiin, iyadoo la raacayo xuduudihii ka horreeyey dagaalkii 1967.

Arrintan waxay ku xiran tahay doodda caalamiga ah ee ku saabsan xuduudaha iyo xaaladda Qudus. Hase yeeshee, hadalka Madaxweynaha sida uu u dhigay lama fasiri karo si toos ah inuu si gaar ah u aqoonsaday Qudusta Galbeed inay tahay dhul Israel leedahay; arrintaas waxay u baahan tahay in lagu saleeyo hadal cad oo uu ka sheegay Qudus iyo xuduudaheeda.

3. Isbeddelka cimilada

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta isbeddelka cimilada, isagoo sheegay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado la xiriira cimilada.

Wuxuu bulshada caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga taageero la-dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana loo sameeyo qorshe caalami ah oo wax looga qabanayo xaaladda cimilada sii xumaanaysa.

4. Midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Qodob muhiim ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh carrabka ku adkeeyey wuxuu ahaa ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in arrimahaas aysan Soomaaliya u ahayn oo keliya mabda' siyaasadeed, balse ay yihiin saldhig muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale si adag uga soo horjeestay tallaabooyinka hal dhinac ah ee wax u dhimaya madax-bannaanida iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

5. Khilaafaadka iyo sharciga caalamiga ah

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in khilaafaadka u dhexeeya dowladaha lagu xalliyo wada-hadal iyo diblomaasiyad, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu ka digay tallaabooyin hal dhinac ah oo abuuri kara xiisado cusub, kuwaas oo khatar gelin kara xasilloonida gobolka.

Gunaanad

Guud ahaan, khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay xoogga saartay dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, matalaadda Afrika ee Golaha Ammaanka, xal laba-dowladood ah oo Israel iyo Falastiin ah, la-dagaallanka isbeddelka cimilada iyo difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka Somaliland iyo xiriirrada ay la leedahay Israel iyo dhinacyada kale, qoraalku wuxuu si gaar ah u muujinayaa in Madaxweynaha uu xoogga saaray mabda'a guud ee ah ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya iyo ka-hortagga tallaabooyinka hal dhinac ah, halkii uu si faahfaahsan uga hadli lahaa qodob kasta oo gaar ah.

Muwaadin Suuriyaan ah ayaa 14 sano ku dhuumanayay gudaha gidaar gurigiisa, isaga oo ka cararaya nidaamkii Bashaar Al-Asa...
23/09/2026

Muwaadin Suuriyaan ah ayaa 14 sano ku dhuumanayay gudaha gidaar gurigiisa, isaga oo ka cararaya nidaamkii Bashaar Al-Asad!

Wuxuu yiri:

“Waxaan gidaarka gurigayga ka sameystay dalool yar oo u eg qabri, waxaana gudaha ku noolaa 14 sano; sababtoo ah sirdoonku magacayga ayuu raadinayay.

Xaaskaygu carruurta waxay u sheegtay inaan dhintay, iyada oo ahayd qofka keliya ee ogaa inaan weli noolahay oo aan ku dhuumanayo gidaarka guriga. Waxay sugi jirtay ilaa carruurtu seexdaan, dabadeed waxay ii soo marin jirtay cuntada iyo cabitaanka daloolka, waxayna ii dhaqi jirtay dharka… sidaas ayaana ku noolaynay 14 sano oo dhan.

Waxay sidoo kale guriga ka qaban jirtay shaqooyin ay lacag ka hesho, si ay carruurteenna u masruufto oo ay cunto u siiso.”

Bal qiyaasa sida ay haweeneydan u ahayd qof cajiib ah… 14 sano ayay kaligeed guriga u maamushay, carruurteedana korisay, isla markaana ninkeeda qarisay oo ka ilaalisay cadaadiskii iyo dulmigii nidaamkii Bashaar Al-Asad!

14 sano oo cabsi, samir iyo naf-hurnimo ah… Waxay garab istaagtay ninkeeda xilligii ugu adkaa ee qof bini’aadam ahi la kulmi karo, waxayna ilaalisay isaga iyo carruurteeda iyadoo ka fogeynaysa nidaam aan naxariis iyo bini’aadannimo lahayn.

Haweeneydani waxay tusaale utahay dhanaan xaasaska dunida. ❤️❤️

7billood intaan ku bartay, 5sano oo Jamacada Somalia dhiganayay Kuma baran…Hdiii Somalia waxbarasho taaal, Habfakarka Da...
22/09/2026

7billood intaan ku bartay, 5sano oo Jamacada Somalia dhiganayay Kuma baran…Hdiii Somalia waxbarasho taaal, Habfakarka Dadkaasa Laga arki lahaaa …………..

Maxaa ka faaiiday waxbarashadii jaamacadda umadda? Marka h**e maanta ardayda qalin jebisay horta wa idin hambalyeena guusha aad gaarteen. Sheekadan waxbarashadeyda ku saabsan waxa kuso xasuustay sida jaamacadda umadada u tahay jaamacaddii qaranka balse sida laga filaayo ama tayada laga rabay eesan u laheyn. Ragga dalka ugu sareeyo madaxweynaha iyo wasiirkiisa waxbarashada u qaabilsan ma u diyaarsano in tayada waxbarasho ee dalka kor loo qaado. Nidaamka waxbarasho ee yurub aad ayu u adagyahay gaar ahaan Netherlands. 01/09/2023 waxa bilaabay master keyga jaamacadda Maastricht, Netherlands. Anigo ku faraxsanahay hormarka sameeyay aya bilaabay courses-ka. Labadii maado u h**eesay waxa ahaayeen International law iyo Global Law. Inkasto bishii August aan qaatay pre-academics training course, taaso xafiiska scholarship-ka nagu qasbay si aan u fahano systemka jaamacadda balse arinta waxe aad u kululaatay marka waxbarashada bilaabay.

Maalinta koobaad lecture aye iska aheyd caadiyan. Maalinta labaad waxa lahaa Tutorial class. Tutorial-ka waa dad yar ilaa 12 qof ah, aya classka ku joognay si wareeg ah ayana Loo fariista . Aniga kaliya African ka ah inta kale waxe ka kala yimaadeen, UK, USA, Sweden, Finland iyo Canada. Case study horay loo diray aya ka doodeenay maalintas. Anigu maadama horay tutorial uso arkin wax la dhaho oo aan fahamsaneen dooda anigo yaaban classka dhax fadhiyay. Dooda side u socota qofkasta qofka ku xiga ayu ku wareejina. Aniga marka la isoo gaaro waxa oranayaay (I don’t have Idea). 4 saacadood waxa ee kuso dhameestay mar aan dadka afkooda fiiriyo, marna aan dhaho I don’t have Idea.

Anigo wareersan oo yaaban aya gurigeyga imaaday. Wallow luuqadeyda ee wanagsaneed, hadana dhibka I haysta waxa uu ahaa (Legal argumentation) sida loo sameeyo ma garaneen waayo in articles la xifdiyo wax kuso bartay. Muddo isbuuc ah indho uun baa iga soo haray waayo dooda maahan iska dood, waxaa laga rabaa (Thinking critically about legal concepts).

Maastricht University waxee isticmaasha Problem-Based Learning (PBL method). Arday yar 12 qof ah aya tutorial kasta joogta, qof Tutor ah aya lead gareenaayo sessions kasta. Aad ayee uga duwantahay jaamacaddaha kale. 98% waa adiga wax isbaraayo (Self-directed learning), kaliya jaamacadda waxee ku siina materials u baahantahay sida magacyada books-ka ama articles oo aad library-ga ka haleeso. Case study adag aya qoorta la isku galiya tutorial-kasta, sida adiga kula tahay aya u xaline balse wa ina articles-ka soo aqrisay ee ka dhax muuqdaan waxa soo qortay (Applications of rule). Sido kale book reading aya la sameeya chapters-ka marke dhamaadaan qoraaga dhan ee bookga qoray aya lagu dhaha disagree miya tahay mise agree waxa uu qoray Haa ama Maya midka dhahdo sababta ayaa raacinesaa.

Aniga shaqsiyan waxaa lahaa introversion personality. Marka intaas laga soo tago wax kuma soo baran Euro-zone. Waxyaabaha ku fashilmay waxa ka mid ah qeybta Application-ka, masuuliyaadaasna anigu malahi, waayo qodobo la xifdinaayo oo aan la isticmaaleyn aya shan sano waqti la iiga lumiyay meeshaasna waxaa ka baxay legal argumentative skill inaa yeesho, waayo macallinka 98% wax sharxo ardayga waa dhageesto uun. Sido kale dhaqan wax aqris oo wanagsan malaheyn (Reading Culture), maalmaha exams soo dhawyihiin lee wax aqrin jiray, guriga marka imaado books-ka meesha aan dhigo subaxi kale ka qaadi marka laga reebo marmar uun assignment la diro. Intaas kaliya maahan challenges-ka I qabsaday haddii ee ahaan laheyd Easy writing, exams oo aad u adag mararka qaar open book exams ina galno waliba adigo books iyo notes-ka haysto ina waxba ka shaqeen karin waxe ka mid yahiin caqabadaha I qabsaday. Muddo 3 bil halgan aya galay wallow mar aan niyad jabay, balse wa adkeestay waxaana aad ii caawiyay oo ee Scholarship office-ka lacag ku siinaayeen Study advisor oo isiinayay mar waliba Academic Advising, sido kale waxa aad ii caawiyay Psychology Advisor maadama aan ka cabsanaayo markasto (lower levels of educational achievement) in ee arintaas qatar ku tahay maskaxdeyda in ee saameyso aya dhici karto. Alx hada waa la qabsaday legal argumentations-ka sido kale waxaa bartay xirfado kale oo tiro badan sida academic writing skills, essay writing-ka iyo critical thinking skill. Shan sano oo jaamacadda umadda dhax fadhiyay intaas kuma baran, 7 bilood kaliya jaamacadda Maastricht aan jooga waxa aan ku bartay marka laga so tago hard skills-kaas waxa kale oo helay soft skills. Halka sheey inta Somalia joogay nafteyda aan u qabtay oo ku amaanayo waa ina English-ka 80% aan isbaray waana sababta kaliya ee Allah igu badbaadiyay, imagine haddi aan aqoon laheyn luuqadda wax ku aqrisan laha ama Advisors dhibkeyga igu sheegi lahaa si caadi ah aya u jabi lahaa.

In aan Somalia wax kuso baran aya qirayaa, arday kastana marka uu yimaado jaamacaddaha banaanka ayu arki doona capacity-giisa. Taladeyda ugu dambeeso dadka rabo ine banaanka waxbarasho usoo aadaan, koow luuqada iska dhis, labo xirfadaha kala duwan sida essay writing-ka baro, saddex dhaqan wax aqris ina yeelato isku day. Qof jaamacadda umadda ku jisaaraayo maahi balse runta waa ina wax aan soo baran.

Waxaa qor Tay Ardayad Soomaaliyeed.

MAXAY TAHAY SABABTA AY XUUTIYIINTU U BEEGSANAYAAN WADANKA SUCUUDIGA 🇸🇦 ?Sida aynu wada ognahay sucuudiga 🇸🇦 waxa ku socd...
20/09/2026

MAXAY TAHAY SABABTA AY XUUTIYIINTU U BEEGSANAYAAN WADANKA SUCUUDIGA 🇸🇦 ?

Sida aynu wada ognahay sucuudiga 🇸🇦 waxa ku socda duqayn aan kala sooc lahayn oo ay wadaan xuutiyiinta yamen waxa laga duqeeyay sucuudiga warshadihii shidaalka ,warshadihii wax soo saarka dalka ,magaalooyinkii waawaynaa iyo xitaa magaalooyinkii barakaysnaa ee makka iyo madiina waa ka badbaadi waayeen.
Maxaa loogu gurman waaya sacuudiga 🇸🇦
Sida aynu wada ognahay xuutiyiintu waa shiico ,halka sucuudiyaanku ay yihiim muslimiin suni ah.

15/09/2026

Daawo adaa qosli doona e 😂🤣😆 Haara,abaaja,wadna qabadkii 2aad waa Line appkii abid ugu qatarsanaa 12 qof 🤣

15/09/2026

“MUSLIMIIN MA NIHIN!” | Maxaa Diinteena Islaamka Inaga Fogeysiiyay? — Sh. Maxamed Rashaad رحمه الله

29/08/2026

Daawada dhagaxa iyo fiixda ku samaysma xameetida

28/08/2026

Waa aabe Duruufaysan
251 908392285 :Daahir mahamed xaaji
waxaad awoodan oogu dira wakaa nambarkisa io tefankisi cusbaa 😭🙏🫡

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zakariye saahid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Zakariye saahid:

Shortcuts

Share