Dal iyo Dad

Dal iyo Dad Arimaha Bulshada, Ciyaaraha iyo Dhacdooyinka kale ee Dunidaba kala soco halkaan | Kusoo biir | .

Badweyn media waa shirkad madaxbannaan oo soo gudbisa arimaha bulshada iyo ciyaaraha.

06/09/2025

Madaxweynihi h**e ee Soomaaliand Muuse Biixi Cabdi oo si cad u qiray in Soomaaliya ay Itoobiya kaga adkaatay dhinaca diplomaasiyada, hashiiskii Addis Ababa.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Midowga Africa, Jaamacada Carabta iyo Ururka iskaashiga islaamka ay la safteen Soomaaliya, taas oo culeys ku noqotay itoobiya, oo ugu dambeyn Abiy Axmed ku qasabtay inuu fulin waayo MoUga Addis iyo Hargeysa

Idiris Alteeso

Dr.Aadan C/Laahi Awxasan ayaa ku guulaystay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlada Waqooyi Bari Soomaaliya 2025-2030.Wuxuu...
23/08/2025

Dr.Aadan C/Laahi Awxasan ayaa ku guulaystay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlada Waqooyi Bari Soomaaliya 2025-2030.

Wuxuu kasoo jeedaa beesha Fiqishini ee HG, waana ninka lagu tirinayay garabka Dowladda Federalka.

Idiris Alteeso

Geerida Caydiid sidee loo xaqiijiyay? Yaase tebiyay?Habeen Agoosto ah 1996, aniga oo saaxiibbo ajnabi ah oo aan wadashaq...
10/08/2025

Geerida Caydiid sidee loo xaqiijiyay? Yaase tebiyay?

Habeen Agoosto ah 1996, aniga oo saaxiibbo ajnabi ah oo aan wadashaqeyno la soo casheeyay shaqada ka dib, ayaan boorsadeyda garabka ka doontay Xafiiska Laanta Soomaaliga oo ay ahayd in saacado ka hor laga wada rawaxo.

Waxaan yaab igu noqotay in xafiiska ay weli joogaan, Maxamed Cabdullaahi oo ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, iyo Cabdullaahi Xaaji oo ahaa soo saare sare oo aalaaba aan xilli h**e ka rawaxi jiray shaqada.

Midba telefoon ayuu ku hadlayaa.

Waan naxay oo in masiibo dhacday ayaan u qaatay. Nabadi ma jirtaa markii aan weydiiyay ayay ii sheegeen in ay heleen xog ah in uu geeriyooday General Caydiid, si loo hubiyana ay la’ yihiin.

Dhankeyga ayaan shaqada ka galay.

Maaddaama ay xilli dambe u ahayd Muqdisho, waxaan wacay nin jooga London oo xiriirro badan ku lahaa kooxda uu hoggaaminayay General Caydiid.

Wuxuu ii ballanqaaday in uu raadin doono xaqiiqada, haddii uu war sugan helana uu ila wadaagi doono.

Ka dib waxaan wacay dhowr number oo Xamar ah oo uu ka mid yahay weriye Haaruun Macruuf.

Waxaan wacay shakhsiyaad kala jooga Mareykanka, Italy iyo Kenya.

Aniga oo telefoonnadii weli ku guda jira war suganna la’, ayaa telefoonka aan ku hadlayay mid aan ahayn oo isla xafiiska ahi uu soo dhacay.

Cabdullaahi Xaaji ayaa qabtay, in yar ka dibna waxaa uu igu yiri waxaa khadka ku jira nin ku doonaya, markii aan u sheegay in aad telefoon ku hadleysana igu yiri, u sheeg in uu dhigo telefoonka uu ka hadlayo ee uu aniga ila hadlo.

Waa ninkii London oo igu soo laabtay. Wuxuu igu yiri, Caydiid waa dhintay waana hubaal. Ka dib markii uu ii sheegay ninka u xaqiijiyay oo Xamar joogay, waxaan ka qaatay numberkiisa.

Ninkii Xamar joogay wuxuu ii sheegay intii oo kale. Waxaan weydiiyay in uu isagu indhiisa saaray meydka Caydiid oo aan wejigiisa maro ku dadneyn. Wuxuu ku jawaabay maya, laakiin, ayuu yiri Xuseen Caydiid ayaa telefoonkeyga hadda aan kaala hadlayo ka wacay hooyadiis iyo walaashiis oo u sheegay geerida General Caydiid.

Ninkii waxaan ka codsaday in uu telefoonka iigu dhiibo Xuseen Caydiid. Markii uu ii sheegay in uu ka soo tegey, waxaan ka codsaday in uu ku laabto. Wuu ka meermeeray oo wuxuu ii sheegay in uu hadda gurgiisa yimid, xilli dambena ay tahay oo uu berri ku laaban doonay.

Maaddaama aan ninkan isku wanaagsanayn, aakhirkii waan ka dhaadhiciyay qaddar ka dibna wuxuu ila soo hadashiiyay Xuseen Caydiid oo igu yiri, Yusuf, Aabbe Allah ha u naxriisto. Xaqiijin ka dib wuxuu ii sheegay in marka uu waagu baryo Idaacadda laga sheegi doono geerida.

Qiyaastii markii ay tahay habeen barkii xilliga London oo daqiiqado ay wehliyaan ayaan u sheegnay BBC World Service Newsroom, Ka dibna waxaan wargelinnay teamka Network Africa.

Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in ay ahayd 1-da habeennimo waqtiga London ee kuleylaha oo ku beegan labada habeennimo oo Soomaaliya ah markii la sii daayay warka ugu horreeyay ee sugan ee geerida Caydiid.

Sidaas ayay BBC ku noqotay Idaacaddii ugu horreysay caalamka ee xaqiijisa, siina deysa geerida General Caydiid, iyada oo xataa uga horreysay Idaacadda Radio Muqdisho oo ay kooxdiisu maamuleysay.

Warka BBC waxaa ka mid ahaa in Raadiyaha Caydiid saacado ka dib (Waaberiga Muqdisho) uu ku dhawaaqi doono geeridiisa.

Maaddaama uu magaca Caydiid ahaa mid adduunka oo dhan gaaray, isla markiiba hey’adaha wararka ee adduunka ayaa sii faafiyay, Xamar oo hurudda.

Waxay ahayd habeenka keliya ee Newshour Presenterkiisa iyo Editorkiisa habeenkaasi oo wata farsamayaqaankoodu ay iigu yimaadeen Xafiiska Laanta Soomaaliga ee ay Istuudiyaha Laanta iiga duubeen wareysi. Waayo Cabdullaahi Xaaji iso aniga waxaa noo taagnaa Taksi guryaheenna na geeya maaddaama la iga sugayay in aan shaqada soo galo ka hor lixda subaxnimo.

Wareysiga Newshour wuxuu noqday wareysigii koowaad ee ugu yaraan 14 wareysi oo habeenkaas iyo maalintii xigtay la iga qaaday oo ay ku jireen wareysiyo aan siiyay Scotland, Mareykan iyo Koofur Afrika.

Taksigii na qaaday aniga iyo Cabdullaahi Xaaji, raadiyo degaanka London aan dhaafsiisneyn oo ka shidnaa wuxuu sheegay in Caydiid uu dhintay asaga oo tilmaan uga dhigaya dagaalkii uu la galay ciidanka Mareykanka.

F. G.
Sawirku waa Djibouti, 1994. Su'aashaas aan weydiiyay iigama uu jawaabin.

Yusuf Garaad

ACUUDI BILAAH waxaan ka qabaa in daafac dheexaa uu xanuun been ah sheegto marka bahaladan ka hor imaanayaan.Ugu yaraan 6...
06/08/2025

ACUUDI BILAAH waxaan ka qabaa in daafac dheexaa uu xanuun been ah sheegto marka bahaladan ka hor imaanayaan.

Ugu yaraan 60-gool halkaasi usii dhig waxa kale suubiska ah kusii darso,tartan yurub ah ma dheelayaan horyaalkee cadaabayaan!

Waxa kaliya aan hubo waxay tahay waa tayada sadexdan xiddig!!

Abdalla Hassan Baliil

Gabadh Baa Gandhi Ku Tiri:: Waa ku Jeclahay.. Gandhi Wuxuu Ku Jawaabay:: Walalkay Ayaa Iga Mudan Inaad Jeclaato Sababto ...
04/08/2025

Gabadh Baa Gandhi Ku Tiri:: Waa ku Jeclahay..

Gandhi Wuxuu Ku Jawaabay:: Walalkay Ayaa Iga Mudan Inaad Jeclaato Sababto Ah Wuu Iga Qurux Badan Yahay, Bal Gadaal Eeg Waa Kaas Gadaasheena Soo Socdee..

Gabadhi Gadaal Bay Eegtay Si Ay u Aragto Gandhi Walalkiis Balse Qofna Maysan Arkin Markaas Bay ku Tiri Gadaasheena Qofna Ma Soo Socdo Gandiyow..

Gandhi Ayaa Ku Yiri Gabadhi:: Hadduu Jaceylka Aad ii Sheegatay Dhab Kaa Ahaan Lahaa Gadaal Maadan Fiirin Laheyn

🇨🇳 🇸🇴 Waa xildhibaano katirsan dowladda federaalka Soomaliya oo ay kujiraan xildhibaano aqalka sare ah. Shiinaha ayaa di...
04/08/2025

🇨🇳 🇸🇴 Waa xildhibaano katirsan dowladda federaalka Soomaliya oo ay kujiraan xildhibaano aqalka sare ah. Shiinaha ayaa diyaarad oga qaaday Muqdisho waxaa la geeyay Beijing oo ah magaalo si casri ah loo dhisay. Xildhibaanadii waxaa la saaray tareen xowli ah—masaafo la eg Muqdisho ilaa Hageysa ku soconaya 4 saac kaliya.

Waa kuwaa xildhibaanadii Soomayeed meesha soo yuurara una eg in aysan waligoodba tareen casri ah raacin. Waa aduun lakala tagay.

Abdi Nor Iftin

War Dag Dag ; Puntland ayaa sii deysay markiibkii Sea World ee dhowaan ay gacanta ku dhigeen.Sii deynta ayaa timid kadib...
04/08/2025

War Dag Dag ; Puntland ayaa sii deysay markiibkii Sea World ee dhowaan ay gacanta ku dhigeen.

Sii deynta ayaa timid kadib markii uu maanta Boosaaso ka dagay Safiirka Turkiga ee Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Deni.

Sea World ayaa hadda kusoo socda dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Saddex qof oo ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa laga helay caabuqa bakteeriyada ah ee loo yaqaan Brucellosis, kaasoo ka g...
04/08/2025

Saddex qof oo ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa laga helay caabuqa bakteeriyada ah ee loo yaqaan Brucellosis, kaasoo ka gudba xoolaha una gudba dadka, kadib markii ay cuneen mandheerta idaha.

Saddexdan qof oo Qoys ah ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaala dalkaasi,iyago sheegay sababta ay u cuneen Mandheerta Idaha in ay ahayd si ay uga helaan "Nafaqo".

Dadka Indho yarta ah ee Shiinaha ayaa aaminsan in haddii la cuno Mandheerta Xoolaha laga helo xoojiyo difaaca jirka, laguna daweeyo daal, taran la’aan iyo tamar yari.

KF Media TV

Guurku waa raaxoCilmi baaris la sameeyay ayaa waxeey leedahay.Sanadka ugu h**eeyo ee arooska miska sidaan ayuu u sharaxa...
03/08/2025

Guurku waa raaxo

Cilmi baaris la sameeyay ayaa waxeey leedahay.

Sanadka ugu h**eeyo ee arooska miska sidaan ayuu u sharaxan yahay, sida dukaan cosmetics lagu iibiyo. Waxaa saaran barafuun, catar, kareemada korka la marsado, alaabta kilkilaha la marsado IWM

Sanadka labaad iyo sanadahanka dambeeyo waa sidii Farmashiye, waxaa saaran sharoobada hergabka, kaniiniga madax xanuunka, kaniiniga gaaska, kaniiniga cuntada furo, kaniiniga stress-ka, sharoobada cunta furto, xabadusowdo,
Malab, masaajo IWM.

Soo dhawaada iskaabulo 😂

ruubeeti

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh Qofka DAL XUREEYE ugu yaara uu Aduunka ugu Necebyahay?Abdullaahi Daacad
31/07/2025

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh Qofka DAL XUREEYE ugu yaara uu Aduunka ugu Necebyahay?

Abdullaahi Daacad

Dhulka shidaalka iyo dahabka Waqooyi Bari Somalia.Khaalid Mahad
31/07/2025

Dhulka shidaalka iyo dahabka Waqooyi Bari Somalia.

Khaalid Mahad

Calankii Dhowr iyo Toban sanno kahor loo heesayey. Calankii Astaanta u ahaa halganka reer SSC Khaatumo. Calankii Saado C...
31/07/2025

Calankii Dhowr iyo Toban sanno kahor loo heesayey. Calankii Astaanta u ahaa halganka reer SSC Khaatumo. Calankii Saado Cali uheesi jirtay.
Calankii Halgamayaasha SSC dartii udhinteen
Calankii quruxda badnaa ee dhinaca Faraska kulahaa. Waa la beddelay. Haa waa la beddelay
Sorry 🥲

Address

Industrial Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dal iyo Dad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dal iyo Dad:

Share