Dahir omar farah

Dahir omar farah Saddax eray halkii dooni, soddon yaaney kaa qaadan.

08/08/2022

Laandeyr
• Qeexidda Erayga:
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.

14/07/2022

In a country well governed, poverty is something to be ashamed of. In a country badly governed, wealth is something to be ashamed of."

14/07/2022

When anger rises, think of the consequences.

GUURKII H**E DOONISTII IYO AQAL-GALKIIQAYBTII LABAAD: Galabtaa aroosaddu waxa ay soo xambaarataa wiil yar, gabadh yarna ...
14/07/2022

GUURKII H**E
DOONISTII IYO AQAL-GALKII

QAYBTII LABAAD: Galabtaa aroosaddu waxa ay soo xambaarataa wiil yar, gabadh yarna way soo daadihisaa. Labada carruur waxaa dhalay laba qoys oo ugub ah, wax tamootiyana lahayn, waxaa intaa u dheer oo ay siddaa dhiil caano ka buuxaan. Markay soo gaadhaan aqalka inta aan la gelin saddex goor ayaa lagu soo meeriyaa aroosadda.
Aqalka irriddiisa saddexda maalmood ee h**e cadceed soo baxa ayaa loo jeediyaa, saddexda maalmood ee dambana cadceed-dhaca ayaa loo jeediya oo waa caado jirta. Inanku maalintaa geela ayuu dhex tagaa si uu uga soo caano cabo oo galabnimada ayaa dhallinyaradu halkaa ka soo gelbisaa. Salliga Nebiga (CSW) iyo shallaadka ayay ku soo galbiyaan caruuska. Aqalka kadinkiisa markay soo gaadhaan ayay aroosaddu soo baxdaa. Wankii sadaqada ahaa oo ah sumal ayuu aqalka hortiisa ku gawracaa gabadhuna lugaha ayay u qabataa.Way ka tallaabsadaan oo aqalkay toos u galaan. Aqalka udub dhexaadkiisa waxa maalinta arooska oo dhan ku xidhan sameen iyo ceesaan. Aqalka waxaa la goglaa, gogol ay ku seexdaan iyo mid kale oo ay ku seexdaan dharaartii waa la laabaa, midda kale lama laabo maalintay todoba baxaan ayuun baa la laabaa.Wiilka aroosku habeenka koowaad madag aqalka u taal ayuu dab ka ritaa, dabkaa lama bakhtiiyo todobada maalmood. Waxaa kale oo jirta inta uu todoba baxayo waa in uu aroosku aqalkiisa u soo hoydaa inta ay cadceeddu soo jeeddo, haddii cadceedu ka dhacdo dibadda ayuu u hoyan.Todobada maalmood habeen walba waa loo ciyaaraa arooska iyo aroosadda aqalkana lagama maqnaado.Waa in ay dad joogaan oo Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa," Aroos lagama raago,lagumana raago.”Maalinta toddoba-baxa gelinka h**e arooska iyo aroosaddu aqalka way ka baxaan.Gabadhu aqalka hooyadeed bay tagtaa.wiilkuna xoolihii soofay buu dhex tagaa. Sidii maalintii aqal galka ayaa goor galaba labadaba la soo gelbiyaa. Dumarku galabtaa waxa ay aroosadda ku soo gelbiyaan heestan:
“Hoy Nabi Allow nuur Allow!
Maxamad Nabi samow!
Waa aroos khayr-leh oo ma iisho!
Waa caloola mida oo ma iisho!
Waa ayaan loo dayoo ma iisho !
Allaa adkeeyey oo ma iisho!
Islaan baan nahoo ma iisho !
Aroos khayr-leh aamiin .”
Ragguna waxa ay arooska ku soo gelbiyaan ciyaarta
Wilwilaha:
“Hooy way kaa hidde weeyee, Haddana way kaa hidde weeyee, Walwalleeyoohoow,walwalleehoow, Annagaa reebi ogeynoo, ridda weeyee, Wacays baan soo sidnaa waa wiil, Badhaadhaan daba wadna waa gabadh!”
Dabadeed waa loo soo diiqaa Labada soddohood iyo dumar kale oo qaraabada ka tirsan ayaa soo diiqa. Waxa ay soo diiqaan caano,subag, hadhuudh iyo raashin kale oo maalinta todoba-baxa dadka ka soo qayb gala lagu sooryeeyo. Arooska waxa u gaara muqmad ay ku farayaraysatay soddohdu. Maalinta xigta, aqalkii arooska oo marka h**e ka
dhisnaa goob ka yara baxsan reeraha ayaa reeraha dhexdooda lagu soo furaa.Guud ahaan doonista iyo aqal-galku sidaa quruxda badan bay u dhacaan. Goorta la rari doono wiilkan arooska ah ruux walba waa siduu doono hal sano,laba sannadood iyo in ka badanba.Qaar baa guurin oo inanlayaal noqda.Barnaamijkii war iyo waaya arag oo aan kaga hadlay guurka intaa baan ku soo gabagabaynaynaa qaybtan.Sidoo kale Soomaalidii h**e waxa ay guurarka u qeybin jireen todobo nooc oo kala ah:
1. “Geed fadhiisi"( guur xarago) : Guurkan waa midka gabadha loo soo geed fadhilisto reerkana laga soo doonto is sharaf lahana loo weydiisto waalidkeed. ka dib waalidkeed uu u hibeeyo inanka soo doontay inanta, halkaasna lagu kale qaato wixii yarad iyo gabaati ahaa, gabadhana loogu mehriyo.
2. ” Masaafeysi”: Guurkani waa guurka gabadha iyo wiilku is la cararaan iyaga oo ka baqanaya in laysku diiddo.
3. “Dhabar-garaac:” Guurkani waa kan gabadha xoog lagu kaxeysto, wiilka oo ay weheliyaan rag ay asxaab yihiin ama rag ehelkiisa ah.
4. “Xigsiisan”: Guurkani waa mid loogu talagalay si ay xanaano u helaan u badka rajeyda noqoday,haddii si kale u dhaho waa guurka la siiyo ninka marka ay xaaskiisu ka dhimato walaasheed oo ka yar, waana guur naxariisi ku dheehan tahay.
5. “Dumaal”: Guurkani waa guur ay ood wadaag yihiin kii aynu h**e u xusney ee ahaa xigsiisanka. Guurkani waxa uu yimaada marka uu gabadha saygeedi ka dhinto, waxa isla sidii h**e gabadha guursada wiilka walaalkii, kanina waa guur naxariis muujinaya oo caruurti agoonta noqotay daryeelkooda loogu xushay.
6. “Godobreeb”: Guurkani waa guur haween la is weydaarsado marka ay dagaalo iyo colaado intey qarxaan ka dib dhammaadan markaas ayaa la sameeye guurka noocan ah.
7. “Heerin”: Noocaan waa nooc aan sheegneyn badankana aan la tix galin jirin waa guur iman jirey marka ay habluhu waa weynaadaan ayna filkood dhaafan, iyaga oo wali guursan ayay sameyn jireen iney safraan oo ay reeraha u hoydaan si loo guursado. Intaa kadib, barbaarta reerahaas ayaa ka naqeysan jiray iyaga koox koox u socdo oo heerin ah mana laaban jirin badankooda oo waa la tix gelin jiray.Waana guur imaan jiray marka ay habluhu waa weynaadaan oo ay filkooda dhaafaan iyaga oo aan wali guursan ayay sameyn jireen inay safraan oo ay reeraha u hoydaan si loo guursado ka dib. Barbaarta reerahaas ayaa ka naqeysan jiray, lyaga kook koox u socdo oo heerin ah, mana ayna badnay inay guur soo waayaan oo ay dib ugu soo noqdaan meeshi ay ka kicitimeen, haddeyba sidaasi dhacdo mid mid in ey soo weydo guur waxa ay ku soo laabaan jirtey reerkii iyadoo xaabo soo xanbaartay.

W/Q: Daahir Cumar Faarax (Qadaarfi)

14/07/2022

Waxaad godob ka faantaa QAYBTII (1) AAD
Waxad ceeb ka gubataa
Waxaad guul ku hirataa
Waxaad talo gorfaysaa
Waxaad garasho dirirtaa
Waxaad gole ka baantaa
Ruux geya markaad tahay
Hanku meel uu gayn karo.
Dadka ruuxa gacan madhan
In kastuu go’ cawlani
Garabkiisa sudhanyahay
Yaanu waayihii gabay
Kugu odhan gob maahoo
Waxaad galinba aragtiyo
Hadba dhaayo guudkood
Yay garasho kaa noqon.
Gobannimo ha wada bidin
Qof aad galab is aragteen
Ha na moodin gacalkaa
Guushaada ruux neceb.
Adigoo gargaar biday.

27/06/2022

Everything has beauty, but not everyone sees it.

27/06/2022

Wax walba waxay leeyihiin qurux, laakiin qof kastaa ma arko.

20/06/2022

Xarafka (B).
Qof nolosha jecel qaasatan cuntada aad u jece laguna kalsoonaan karo.

03/06/2022

maalinta hidaha iyo dhaqanka.

01/06/2022

QANMUUNYO.
Dumar, Raggu way necebyihiin.

01/06/2022

Arin kasta oo kugu timaada go’aan ka qaado , waligaana iska ilaali ka noqnoqodka.
Aduunka waxaa kaaga filan saaxiib dareemaya xanuunkaaga adiguna kiisa aad la dareentid.

15/02/2022

HALXIRAALE.
waxaad sheegtaa wax u eg sida cagta Aadamiga,oo u adkeysta kulka qabowga iyo qodaxda,waxaasi dadku wuu qaadaa iyaguna way qaadaan ?

12/01/2022

Talo isuma kaa sheegto

09/01/2022

Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidanka amniga Puntland iyo kuwa PFS ee taabacsan agaasimihii h**e General Maxamuud Cismaan Diyaano.
Is-rasaaseynta oo socotay muddo kooban ayaa ka dhacday agagaarka xerada Cowska ee ku taallo Boosaaso, sida uu shaaciyey taliska Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu dhex-maray ciidamo uu watay agaasimaha magacaaban ee PSF Sarreeye Guuto Maxamed Amiin iyo kuwa taabacsan agaasimihii h**e.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo u warramay VOA ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay hal askari, mid kalena uu soo gaaray dhaawac.

09/01/2022

"Garoon aan lahayn birihii goolasha ayeynu ku ciyaaraynaa. Kolkaa lama kala saari karo cid gool dhalisay, ciddii fursadaa gool dhalinta samaysay ee kubada u dhigtay iyo ciddii goolka difaacday, ilayn goolkan la dhalinayo ayaa ciyaaryahanadu derejooyinka ku kala yeeshaane, waa la wada cararayaaye ma orod baa orod ka wanaagsan mise xiiq baa xiiq ka fiican?"

03/01/2022

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay go’aanka is-casilaadda ah ee ay shalay ku dhowaaqeen guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo shaaciyey inay gabi ahaan banneeyeen xafiiska, kadib daruufo soo wajahay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in is-casilaadda madaxdaas aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka qofka iyo codka ah ee haatan ka billowday maamulkaasi, taas oo lagu horreysiiyey Qardhow, Eyl & Ufeyn.

Address

Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dahir omar farah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share