Smile Tv

Smile Tv warar sugan oo xaqiiq ah

23/04/2023

Noloshyda waxaad iisameeso dhan >♡♤
sadrigee ku qoranyihiin ✨🦋🌸❤️

23/04/2023

Sidee nolosha aheyd korontada kohor😒| yaa hindisay 🤗| sidee loo hal-abuuray?☺️✨️

23/04/2023

Guddomiye madaale waa ku mahadsan yahay,inow sidii dameer ugaraco ciyaal xashiish😂

War Dag Dag: Madaxweynihii h**e ee dalka Mareykanka Donald Trump oo la xiray. Isagoo sugaya maxkamad. Smile Tv
04/04/2023

War Dag Dag: Madaxweynihii h**e ee dalka Mareykanka Donald Trump oo la xiray. Isagoo sugaya maxkamad.

Smile Tv

Dowladda Federalka Somaliya oo goordhow sheegtay in amar la’aan aan wax shidaal ah laga qodi karin Somaliland.
28/12/2022

Dowladda Federalka Somaliya oo goordhow sheegtay in amar la’aan aan wax shidaal ah laga qodi karin Somaliland.

Waa Gabar u dhalatay dalka China Taas oo Samaysatay Boombale Nin ah oo ubax Gudoon Siinaya ama Guur Ka Codsanaya.Gabadha...
15/09/2022

Waa Gabar u dhalatay dalka China Taas oo Samaysatay Boombale Nin ah oo ubax Gudoon Siinaya ama Guur Ka Codsanaya.

Gabadhan ayaa Sheegtey in ay jeceshahay in ubax La gudoonsiiyo Sidaan oo Kalle balse ay Wayday Ninkii ubaxa u Keeni Lahaa oo Sidaan oo Kalena ugu dhiibi laha.

Uwac Wiil ubax U Geeya gabadhan oo Janiskan Ka faaidaysta. 👀👇😆

15/09/2022

Muwaadin Soomaali ah balse heysta dhalashada waddanka Maraykanka oo 20 dollar darteed loogu dilay gudaha dalka Mareykanka!

Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana, waxaana sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD.

Labo nin oo lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyeen ku lug lahaansha kiiskaan dilka ah ayaa gacanta lagu hayaa, waxaana dhawaan lasoo taagi doonaa maxkmad.

Cali Aadan Muumin.

Arooskii Qarniga Fadlan Share garey🎈Aroos wcan 🎈💖Mohamed kadawe &  Xaawa💖 Maxamed oo ah naafo waxuu ahaa Askari ka Tirsa...
15/09/2022

Arooskii Qarniga Fadlan Share garey

🎈Aroos wcan 🎈
💖Mohamed kadawe & Xaawa💖

Maxamed oo ah naafo waxuu ahaa Askari ka Tirsan XDS, Kuna naafoobay asigoo oo Qaranka difaacaya, aqal galkiisa ayaa ka dhacay Muqdisho.

17/05/2022

Wax qabadkii ugu h**eereyey Ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soo degay diyaar Qaad Miirow ka soo qaaday dalka Kenya waxaa soo dejiyey ganacsato Soomaaliyeed.

Tan intii u xilka hayey Madaxwayne Farmaajo waxaa Soomaaliya u ka mamnuucay qaadka dalka Kenya iyadoo ay jirto muran dhanka badda ah taasi oo xumaysay xidhiidhka labada dal.

Madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxaa ay aaminsan yihiin in dalka Kenya daba ka riixayey si u madaxwayne uga noqdo Soomaaliya isagoo ugu danbayn ku guulaysatay.

Maxamed Faarax Coomaade

15/05/2022

Mucjiso aya Ka dhacday :

warega 1ad Ninki u cod badna aya wareegi 2Ad ku haray.

waregi 1ad Ninki kaalinta 3Ad galay aya kaalinta 1Ad galay

waregi 1ad ninki Kalinta 2ad Galay aya ka cod batay ninki Kalinta 1ad galay.

siyasada Somalia waa star war ⭐️ Lama sadalin Karo xaqiiqdi

14/05/2022

Update:- Ciidamada dowlada ayaa weeraray deegaanka sangooye oo ee ku sugnaayeen ciidamadii ahlusuna ee shalay weeraray Dhuusamareeb
Ciidamada Ahlusuna ayaana naftaada ula baxsaday Deegaanada olol iyo huurshe
maadaama Ciidamo kale oo ka yimid Guriceel ee shalay qabsadeen taliskii Ahlusuna ee Bohol.

Dhimashada Ahlusuna ee dagaalkii shalay ayaa ah labo iyo taban Dhimashao ah oo dhamaatood deegaanka ah iyo Dhaawac intaas ka badan
Waxaana iskugu darsamay Gurmad la,aan , istaraatiijiyad dagaal oo fashilantay iyo Ciidamada dowlada oo 3 jeer ka badnaa kuwa Ahlusuna

Ciidamada u dagaalamayey Ahlusuna oo u badnaa maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa qaarkood dib ugu laabteen Guryahooda xalay
waxeyna u egtahay in waayihii labada shiikh iyo Qaarankii badnaa ee ku galeen Dagaalkii shalay uusan aheyn mid sahal looga kaban doono.

14/05/2022

DegDeg: Ciidamada GorGor ayaa goordhaw dagaal kula wareegay Deegaanka Sangooye oo ay isku aruursanayeen firxadka kooxda la baxday Ahlusunna ee shalay laga saarey Dhuusamareeb, Ciidamada ayaa dagaalkan ku qabsadey gaari Cabdille ah iyo sanaad kale.

13/05/2022

: Dagaalka ka socdo Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Ahlusunah iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayo Federaalka ayaa aad usii xoogaystay.

Dagaalka ayaa ku fiday dhammaan magaalada, waxaana xooggiisu uu ka socdaa Xerada Inji, Saldhigga Booliiska, Madaxtooyada iyo xaafada waaberi.

halkaan kala soco faahfaahinta.

13/05/2022

Afhayeenka Maamulka Dhusomarreeb Bashiir Sanka oo la hadlay Radio Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda ay dib ula wareegeen Goobo ay saaka qabsadeen Ciidanka Ahlusunna sida Xero Gaadiid, Isbitaalka weyn ee Dhusomarreeb, Isbitaalka Xanaano, Masjidka Jaamacu raqay iyo Suuqa weyn ee Dhusomarreeb.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ay Maxaabiis badan ay ka qabteen dhanka Ahlusunna oo ay soo bandhigayaan.

Dhanka kale Saragaal ka tirsan Ahlusunna oo la hadlay Radio Galgaduud ayaa sheegay in wali Ciidamadooda ay ku jiraan gudaha Magaaladda oo ay dagaalamayaan.

Dagaaladda kusoo noqnoqday Magaalooyinka Dhusomarreeb iyo Guriceel ayaa lagu tilmaamaa mid ku saleysan Siyaasad oo dhinacyadda ishaya ay ku hardamayaan Xukun.

Allaha unaxariiso cabdalle jaamac indho maleh oo ahaa Sargaal ka Tirsan Ciidamada alsuno waxa uu maanta kudhintay dhuusa...
13/05/2022

Allaha unaxariiso cabdalle jaamac indho maleh oo ahaa Sargaal ka Tirsan Ciidamada alsuno waxa uu maanta kudhintay dhuusamareeb.

13/05/2022

DegDeg: Xarunta Taliska Ciidamada GorGor ee Dhuusamareeb ayaa haatan la isugu keenay 28-maxabiis ah oo Ciidamada Dowladu ku qabteen dagaalka socda ee ay kula jiraan Kooxda la baxdey Ahlusunna.

Maxaabiistan ayay todobo kamid ah yihiin rag dhaawacyo qaba oo looga tagey goobihii lagu dagaalamey.

Lasoco sawiradooda 📸

13/05/2022

Dagaal Culus ayaa hadda ka socda halka loo yaqaano Xero Gaadiid ee magaaladda Dhusomarreeb, waxayna labadda dhinac ee Dowladda iyo Ahlusunna isku adesgsanayaan hub kala duwan.

Sidoo kale Hoobiyaal ayaa ku dhacay qaybo kamid Magaaladda, waxaana jira qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu geystay Dagaalka hadda socda.

Isbitaalka weyn ee Dhusomareeb ayaa la geeyay dhaawacyo, waxaana isbitaalka saameyn ku yeeshay dagaalka madaama halka uu ku yaalo uu ka socdo dagaalka ugu xooggan ee dhinacyadda dhexmaraya.

Dhanka kale Saraakiil kala duwan ayaa Warbaahinta Galgaduud u xaqiijiyay in Ciidamadda ATMIS ex AMISOM aysan ka qayb gallin dagaalka socda ilaa hadda ayna ku suganyihiin Aagga Madaxtooyadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Halkan kala soco Wararka rasmiga ah ee dagaalka Dhusomarreeb ka socda.

04/05/2022

DEGDEG:-Gudoomiyaha Gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in 32-da xildhibaan ee gedo aysan ku jirin Kooram uu ku furmayo Gollaha shacabka.

Waxaa uu Tilmaamay in Kulanka maanta aan laga saari doonin balse ay tahay arin u baahan xalis, maanta waxii ka dambeeyenna aan la ogolaan doonin in Gollaha shacabka uu Buuqaas oo kale ka dhasho.

Waxaa uu sheegay in Go’aan Rasmi ah uu soo bixi doonno Maalmaha soo aadan.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Smile Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Smile Tv:

Share