15/09/2022
DAGAALKII GODEY (13-25/7/77)
=============✓================
Godey waxa ay aheyd magaalo ciidan culus fadhiyey lehna bakhaaro keyd SAAD, sida HUBKA, SAANADDA, RAASHIINKA … IWM. Waxaana ku yiil AIRBORT CIIDAN, oo muhiim ugu ahaa Itoobiya xag ganacsi iyo Military, halisna ku ahaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidaas awgeed ayaa dagaalka loogu billaaway ka hor DOLOW oo xaduudda saarneyd, sida ii muuqata.
Cududda C.Q.S. ee Goday weeraray.
1. GUTO 12 (3 URUR Ciidamada Lugta. iyo Gaadiidka Gaashaaman)
2. URUR Madaafiicda Goobta ah
3. 2 URUR Bolis ah
4. URUR Jabhad ah
5. Horin Madaafiicda Lidka Diyaaradaha
Ciidankaan waxaa taliye u ahaa Gaashaanle Dhexe : AXMAD TERSO, Geesigii Godey.
Cududda Ciidamadii Itoobiya oo Difaacayey GODEY
1. Guutada 5aad oo xoogeysan
2. Guutada 79 ee maliishiya Kuubaanku tababarey
3. Iyo cutubyo kale oo leh howlo kala duwan.
C.Q.S ee Soomaaliya waxa ay weerarka ku billaabeen magaalada GODEY waabirkii 13/7/77 ayagoo ka duqeynaayey Dhulka iyo Cirkaba, dabadeedna waxaa dhaqaaqay C.Dhulka hase yeeshee C.Itoobiya si daran ayuu isu difaacay, wuxuuna u
gegsaday culeyska ku socday, dhowr jeerna dib ayuu u soo celiyey C.Q.S. ee Soomaaliya, asagoo ka faa'ideysanayey Difaacyo adag oo h**e loo diyaariyey. Laakin C.Soomaaliya ma siin NEFSASHO Ciidanka Itoobiya oo haben iyo maalin dagaal ayuu ku waday, waana la isku riiqday. Subixii AXADDA ee 24/7/77 ayadoo Soomaalidu weerar wado, Taliye AXMAD TEERSO iyo AB/LE XANDULLE oo ku gesinimo gelinaayaan Ciidanka in maanta la qabto GODEY ayaa labadiba waxaa haleelay RASAAS, halkaasna ay ku shahiideen.
Hase yeeshee Dagaalkii ma joogsan, ilaa Duhurtii oo Gurmad cusub, UR. Madaafic ah uu hogaaminayo 2X/LE Liibaan Aftooge soo gaaray, isla markiina Dagaalka ayuu galay ayadoo
lagu shubaayey magaaladii oo dhan iyo kuwii difaacayey DAB xoog badan oo maalin ka dhigay magaaladii, kuna socday habeenkii oo dhan, taasoo suurtagelisay in la shibiyo HUBKII
C.Itoobiya. Salaadda subax dabadeed waa 06:00 ee 25/7/77 GODEY waxay soo gashay GACANTA SOOMAALIYA,
taasoo guul iyo garsiinba u ahayd labadii taliye oo shalay waqtigaan shahiiday ka dib 11 (kow iyo toban) maalmood oy wadeen weerar aan kala go’laheyn.
Taariikhda Dagaalkaan oo dhamestiran waxaan uga boganeysaa KITAABKAAN kan Uu qoray
ADM.GAS PROF FARAH AHMED OMAR (F.QARE).
W/Q Mascuud Carraale