Chelsea Somalia fans

Chelsea Somalia fans waxaan idiin soo gudbin doona warar kusaleysan xaqiiqada

28/05/2025

Caawa waa 3 iyo 0

30/01/2022

Taxanaha Caafimaadka

1. Maxay hooyada uurka leh cuni kartaa si cunuga uurka ku jira u dhasho isagoo caafimaad qaba?

Hadii aad tahay hooyo uur leh waxaa qasab ah inaad cabto caanaha walina caano aad loo karkariyay kadibna la qaboojiyay si jeermiska uga dilmo, sidoo kale waxaa wanaagsan inaad isticmaasho ukunta hadii aadan xasaasiyad ku qabin ukunta sababtoo ah caanaha iyo ukuntu waxay dhisaan maskaxda, lafaha iyo murqaha iiyo jirka cunuga uurka ku jira

2. Maxaa looga hortagaa cudurada indhaha ku dhaca ama aragti yarida ilmuhu ku dhashaan?

Hooyada uurka leh si ay u dhasho cunug aragiisu caafimaad qabo aragtidiisuna ay fiican tahay wa inay inta ay uurka ledahay isticmasho bataatiga sababtoo ah bataatiga waxaa ku jirta maadada vitamin A oo ah maado muhiim u ah indhaha iyo aragtida sidoo kale bataatigu wuxuu caruurta ka ilaaliyaa inay waalidka ka dhaxlaan xasaasiyada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan xasaasiyada indhaha

3. Dadka qaar marka xanuun yar qabto jirkooda ayaa laga dareemaa qaarna xanuun kasta oo haya si sahal ah loogama dareemo. Maxay tahay sababta?

Sababta dadka qaar xanuun yar marka uu qabto looga dareemo wajigooda qaarna aan xanuun kasta oo haaya looga dareemayn ayaa ah kala duwanaashaha waxyaabaha ay cunaan. Inta badan dadka aadka u isticmaala geedaha kulul sida
basbaaska, sanjabiisha, dhagayaraha, toonta, basasha iyo filfisha xanuun kasta oo ku dhaca jirkoodu lagama dareemo sababtoo ah jirkooda waxa uu samaystay xanuun joojiye dabiici ah, dadka aan aadka u isticmaalin waxyabaahan qanhdo yar hadii ay qabato indhahooda ayaad ka garanaysaa

4. Nabaro yaryar oo cadcad ah oo cuncun wata makaa soo baxaan marka aad garka, shaarbaha ama timaha hoose xiirto?

Inta badan dadka xiirta garka, shaarbaha, kilkilaha ama timaha gumaarka qaladka ugu wayn ay galaan waa inaysan biyo badan marin timaha marka ay xiirayaaan. Mari shaambo iyo biyo bada timaha inta aadan xiirin kahor iyo inta aad xiirayso labadaba sababtoo ah shaambada badan iyo biyaha badan waxay kaa ilaalinayaan inay kaa soo baxaan finanka marka timaha aad xiirto kadib

5. Xusuutaadu ma yar tahay?

Ragga xusuus yarida waxyaabaha u keena waxaa ugu h**eeya isticmaalka gacanta ama siigada. Siigadu waa mid ka mid ah aafooyinka haysta dhalinyarada, inta badan dadka siigaysta waxay la kulmaan xanuunadi maskaxda ah sida xusuusta oo yaraata, daal iyo caajis joogta ah lafa xanuun iyo ma shaqayste inuu qofku noqdo iyo cibaado la'aan, in xitaa gabar haduu ka hadlo biyaha iska yimaadaan

Sidoo kale waxyaabaha xusuusta yareeya ragga iyo dumarka waxaa ka mid ah cunista cuntada saliidu ku badan tahay sababtoo ah saliida ameka jirkaaga ku badato waxaa hoos u dhacayaa shaqada maskaxda waxayna taas keenaysa inaad noqoto qof aan qorshe joogta ah lahayn maalinba meel ku booda sidaa darteed jooji siigada sidoo kale yaree cunista cuntada saliidu ku badan tahay

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay?

23/01/2022

Cayilku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha sababta u ah ama fududeeya in la kala qaado cudurada galmada ku faafa. Cudurada galmada lagu kala qaado sida infakshanada ku dhaca xubnaha taranka, isfiilitada iyo cagaarshowga waxay inta badan ku dhacaan dadka cayilan. Sidoo kale cayilku wuxuu hoos u dhigaa dareenka ragga iyo dumarka labadaba,. Gabadha cayilan darenkeedu wuxuu hoos u dhacaa 22% sidoo kale ragga cayilan waxaa awooda galmadoodu hoos u dhacdaa 37% Sidaa darteed la soco miisaankaaga iyo miisaanka lamaanahaaga labadaba si dareenkiinu awood u yeesho ugana badbaadaan cudurada galmada lagu kala qaado

Dadka dareenkoodu yaraaday meelaha laga ogaado waxaa ugu h**eysa dhexda qofka. Hadii la cabiro dhexda qofka kana badato tirada normalka ah waxay u badan tahay qofkaas inuu dareenkiisa hoos u dhaca. Ragga inta badan dareenkoodu yaraado ama biya baxa degdega ah qaba waxay u badan yihiin rag dhexdoodu ka wayn tahay sida caadiga ahayd sidoo kale dumarka dareenkoodu hooseeyo waxay u badan yihiin dumar dhexdoodu ka wayn tahay sida normalka ahayd. Dhexda ragga marka la cabiro waxaa laga rabaa inaysan ka badan 18cm halka dhexda dumarka marka la cabiro laga rabo inaysan la badan 20cm. Ogow meelna ku qoro mar kasta oo dhexdaadu ka wayn tahay cabirka caadiga ah waa mar kasta oo dareenkaaga iyo awooda kacsigaagu yaraado

21/01/2022

Jimco wanaagsan dhamaan aqyaarta ku xiran pagekaan

Marka aad iskaabulo tahay waxaad arkaysaa dad is qaba oo faraxsan, marka aad aroostana waxaad arkaysaa iskaabulo farxad ...
13/01/2022

Marka aad iskaabulo tahay waxaad arkaysaa dad is qaba oo faraxsan, marka aad aroostana waxaad arkaysaa iskaabulo farxad isaga nool - inta badan ragga waxay hadal macaan yihiin guurka kahor, guurka kadib ninku ninkii h**e ma ahan, dumarkuna waxay hadal macaan yihiin guurka kadib

2. Misphonia waa cudur qofka ku dhaco marka uu ku jiro xaaladaha dhaqaala xumada, cudurkani qofka qaba waxaa lagu gartaa xanaaqa afka h**e ayuu ka saaran yahay, qof kastana wuxuu u haystaa inuu cadow ku yahay sidaa darteed xalka ugu ficn qofka qaba cudurkaan waa inuu shaqo ama lacag helo

3. Ragga 90% marka ay sariirta tagaan inta aysan seexan kahor waxay ka fakaraan galmo iyo waxyaabaha la xiriira - raggan inta badan waxay u badan yihiin shiid dhaqaale ahaan ma kacaan sidoo kale ragga ka fakara ganacsiga inta aysan seecan kahor waa 10% waxayna noqdaan kuwa dhaqaale ahaan kaca ama ganacsato waawayn

4. Dadka jecel text message jecel way ka shukaansi badan yihiin dadka kale sababtoo ah text message waxaa lagu lagula sheekaysan karaa in ka badan 5 qof balse balse ama voice ama video call gal qof ka badan looguma sheekayn karo

5. Hadii aad tahay nin isku wada dhowe gabar ama aad tahay ganar isku wada dhowr nin, ha isticmaalin magacyada

ragga ama gabdhaha aad shukaansaato taas bedelkeeda isticmaal erey guud sida qali, xabiibi, macaanto, sharaf sababtoo ah qalbi qof kasta waa dhihi kartaa lkn qof kasta xaliimo iyo faarax ma dhohi kartid

6. Marka qof aad tel kula hadlayso, qofka aad la hadlaysayna aad is macaslaaamaysaan adigu ha noqon qofla damiya telka marka h**e, isku say iinaad sugto qofka kale ilaa telka uu ka damiyo tani waxay qofka kale ka dhigaysaa mid dareema qadarin iyo xushmad inaad u hayso, marka aad adiga hor damiso waxaa macquul ah inuu qofku dareemo inaad warkiisa ku caajistay

7. Inta badan ragga waxay gabdhaha waydiiyaan inay yihiin sunnogud ama Fircooni taas sax ma ahan sababtoo ah darenka waa alle ku sii, sidoo kale rag waxaa jira ku liita gogosha, dhakhaatiirta cilmi nafsiga waxay leeyihiin qofka carabkiisu dheer yahay wuu ka dareen badan yahay dadka kale haduu rag yahay iyo haday dumar tahay labadaba

Qodobkee Dareenkaaga Aad U Soo Jiitay?

11/01/2022

Taxanaha Caafimaadka

1. Gaas hadii aad qabto ha isku wareerin cunista kaniinyada gaaska ah sababtoo ah kaniinigu wuxuu kaliya kuu noqon karaa kaalmaati. Inta badan dadka gaaska qaba waxaa jirkooda ku yar vitamin la dhaho Vitamin U oo ah vitamin muhiim u ah dheefshiidka.
Hadii daawo gaas si kasta aad u qaadato waxba kuuma tari doonto hadii aadan isticmaalin cuntooyinka laga helo Vitamin U waxaana ka mid ah bagalka, ansalaatada iyo barakooli oo ah nooc ka mid ah khudaarta cagaaran. Isticmaalidda sadexdan ama midkood waxay ka takhulusaan cudurada ku dhaca dheefshiidka sida gaaska, infakshanka iyo dhagaxa xametida iyo cagarshowga beerka

2. Dhaxan joogto ah ama in mar kasta malaarita kugu soo laalabto waxaa sabab u ah jirkaaga inay kunyar tahay maadada potaasium oo mihiim u ah xidida dhiiga qaada ee madaxa sidaa darteed ku dadaal cunista waxyaabaha potassium laga helo si aad uga nabad gasho malaariya soo noqnoqoto, hadii aad isku aragto cagaha iyo gacmaha oo amr kasta ku qabow iyo dhaxan joogta ah waxaa sidoo kale jirkaaga ku yar maadada potassium. Cun cuntooyinka laga help potassium sida koostada oo laga helo 840mg oo potassium ah iyo avokaadhada oo laga helo 708mg oo potassium ah. Dadka lavadan sida joogtada ah u isticmaala intooda badan malariyadu si sahal ah uguma dhacdo

Taxanaha Awooda Taranka/ragga iyo dumarka Qaybta 94 1. Dareenkaaga ma ku aragtay hoos u dhac? Hadii aad dareento hoos u ...
09/01/2022

Taxanaha Awooda Taranka/ragga iyo dumarka

Qaybta 94

1. Dareenkaaga ma ku aragtay hoos u dhac?

Hadii aad dareento hoos u dhac dareenka ah sidii h**e inaadan ahayn waxaa jira cuduro hoos u dhigi kara dareenkaaga sida Roomatisimada sidaa darteed hadii aad dareento lafa xanuun, daal joogto ah, dareenkaaguna sidii h**e ka hooseeyo iska baar Reumatoid Arthritis oo ah nooc ka mid ah roomatisimada hadii lagaa helo qaado dawooyinka sidoo kale isticmaal basasha waxay daawo u tahay cudurada ku dhaca lafaha

2. Ma dareentaa kacsi la'aan gaar ahaan inaadan ku raaxaysan jamaaca?

Dareenka inuu yaraado, inaadan ku macaansan jamaaca iyo inaadanba kacsan wax dareen ahna ku galin marka jamaaca socdo waa saddex xaalad oo kala duwan. Inaadan dareemin macaansi jamaaca marka uu socdo iyo inaadanba kacsan waxaa keeni kara sidan h**e usoo sheegnay qaliimada noocyadooda kala duwan sida haweenka ilmaha lagu qalo ama ragga qaliimada guud lagu sameyo.

Balse sababna ugu wayn areen la'aanta sababta u ah waa hoos u dhac ku yimaaada shaqada qanjirka Thyroid oo ah qanjir muhiim u ah shaqada guud ahaan jirka gaar ahaan hormonada dareenka sidaa darteed hadii aad h**e uso martay qaliin iyo hadii kalaba hubi qanjirka thyroid shaqadiisa si aad isaga daweyso kacsi

la'aanta. Xanuunada Qanjirka thyroid astaamaha lagu karto waxaa ugu h**eeya daal joogto ah gaar ahaan subaxdii

3. Maxay tahay sababta ragga lagula taliyo inay jamaaca sameeyaan hurdada kadib?

Qaladka ugu wayn ragga iyo dumarku galaan waa inay sameeyaan jamaac hurdada kahor kadibna seexdaan - Dareenka waxaa u muhiim ah nasiino inuu helo jirka qaybihiisa kala duwan sababtoo ah xubno nastay ayaa shaqo wanaagsan qaban kara.

Waxaa jira arrin taas ka muhiimsan- hormoonada dareenka sida testosterone oo ah hormone muhim u ah biyaha ragga waxaa la soo saaraa inta qofku hurdaayo waana sababta ragga jamaaca sameeya subaxdii uga dareen kulul yihiin ugana raaxo badan yihiin ragga sameeya habeenkii - jooji ama yaree jamaaca aad samaynayso hurdada kahor taas bedelkeeda shaqada sariirta u bedel hurdada kadib, adiga iyo gabadhaba sidan ayaa idin wanaagsan

4. H**e ma u maqashay Priapism?

Priapism waa cudur halis ah inta badanna ku dhaca dadka isticmaala gacanta ama siigaysta - cudurkan xubinta ragga gaar ahaan neerfyaasha soo gala xubinta taranka ayuu dhaawacaa. Neerfyaashu waxay maraan laba xaalad, mar inay kacaan marna inay dagaan.

Priapism waxa uu neerfaha xubinta ka baabi'iyaa qaybta daganaanta waxaana la arkaa ragga qaba cudurkan in xubintooda marka ay kacdo aysan dagin muddo afar saac ah taas oo halis ku ah taranka qofka - ragga siigada isticmaala ayuu cudurkan ku badan yahay wuxuuna ugu dambayn ka dhigaa madhalays

5. Ma ku aragtay naasaha, xiniinyaha iyo xubnaha taranka dhibco madow oo h**e aadan u lahaan jirin?

Inta badan dhibcahan madow waxay lamaanayasha kasoo baxaan marka ay isku dayaan inay xakeemeeyaan dareenkooda. Ragga dhibcahan madow xubintooda taranka iyo xiniinyaha kasoo baxdo waa ragga isku dayo inuu isku celiyaan biyaha. Haweenka qaar naasaha iyo xubinta taranka ayay dhibcahan madow uga soo baxaan waana haweenka inta badan qarsada dareenka ay u qabaan saygooda.

Barahan madow waxay sidoo kale ka turjumayaan xinjirowga dhiiga inuu kugu badan yahay sidaa darteed cab shaah sanjabiilku ku badan yahay sababtoo ah sanjabiilku wuxuu kala furfuraa xinjirowga dhiiga midda labaad hadii aad rag tahay biyaha ha isku celin hadii aad dumar tahayna dareenkaaga u muuji saygaaga si adiga iyo isagaba uga nabad gashaan halista ka dhalata xakamaynta dareenka

Qodobkee Aad Kuu Soo Jiitay?

03/01/2022

. Marka aad tel ku hadlayso, dhagta midig ka saarin telka sababtoo ah dhagta midig waxaa ka dhow maskaxda. Saar telka dhagta bidix marka aad ku hadlayso sababtoo ah dhagta midig dadka saara telka intooda badan waxaa ku dhaca xusuus yari

2. Marka daawo aad qaadanayso ha ku qaadan daawada biyo qabow, biyaha qabow waxay hoos u dhigaan tayada daawada sidoo kale marka aad daawo qaadato kadib ha cabin wax qabow ama sokor leh, waxyaabaha qabow iyo cabista wax macaan daawada kadib waxay yaraysaa tayada daawada

3. Ha qaban telkaaga marka uu maraayo wax ka yar 15%. Ma is waydiisay sababta telkaaga battery low kuugu sheego marka uu soo gaaro 15%. Telka wuxuu sii daayaa shucaac halis ah taas oo dhaawici karta maskaxda, maqalka iyo aragaagaba waxaana dhakhaatiirtu ku qasbeen shirkadaha taleefanada in digniintaas loo sameeyo telka si aanan shirkadaha loo soo raacan marka dacwad lagu furo

4. Ha cunin xanjada marka cuntayso kadib. Cunista xanjada cuntada kadib waxay hoos u dhigtaa shaqada qanjirada sidoo kale waxay joojisaa dheecanada dheefshiidka. Dadka xanjada cuna cuntada kadib waxaa barara xiidmaha ama mindhicirada caloosha taasoo keenta in qofku saxarada adkaato kadibna qabsin ku dhaco. Maanta laga bilaabo ha cunin xanjo islamarka cuntada cunto

25/10/2021

Guriceel maalintii sadexaad ayuu dagaal ka socdaa Hadaba maxaa talo ah oo la gudboon dhinacyada ismari la

03/10/2021

Asc Asxaabta dhamaantiin meel walbood aad joogtaan

09/08/2021

Si walbo loo bood boodo tigreeto madaxweynaha howsha ku gudban🤔

Saacadaha sosocda Waxaa lafilayaa in lasoo saro listiga Musharaxiinta Aqalka sare ee Dowlad Goboledka Galmudug. Hadaba m...
04/08/2021

Saacadaha sosocda Waxaa lafilayaa in lasoo saro listiga Musharaxiinta Aqalka sare ee Dowlad Goboledka Galmudug.

Hadaba musharaxee is ledahay waa kasoo dhex muqanayaa?

Mahad bashiir xilif

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Chelsea Somalia fans posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Chelsea Somalia fans:

Share