 
                                                                                                    31/08/2025
                                            Magaaladda Dhuusamareeb Waxaa maanta lagu soo xiray tababar ay ka faa’iideysteen hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, kaasi oo diiradda lagu saaray xeelladaha ururinta dhaqaale iyo maareynta deeqaha.
Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Dayah Organization, Mohamed Abdi, oo sheegay in tababarku uu si gaar ah u xoojiyay fahamka ku aaddan sida loo maareeyo mashaariicda maalgelinta iyo sidii loogu dhiirrigelin lahaa hay’adaha maxalliga ah in ay si firfircoon u sameeyaan dhaqaale ururin gudaha dalka, xilli ay jiraan hoos u dhac ku yimid taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah.
“Waxaan rabnaa in ururradeenu ay yeeshaan awood iyo xirfad ay si madaxbannaan ugu dhisaan santuuq  dhaqaale maxalli ah, si meesha looga saaro ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah oo kaliya,” ayuu yiri Mohamed Abdi, oo xaqiijiyay in Dayah Organization kor u qaaday dalaalkiisa si xal looga helo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay yaraanta deeqaha caalamiga ah.
Tababarku waxa uu qayb ka yahay dadaallada Dayah Organization ee lagu xoojinayo ururrada bulshada rayidka ah, si ay uga jawaabaan baahiyaha bulshadooda si hufan oo waarta.                                        
 
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                         
   
   
   
   
     
   
   
  