26/08/2026
XERADII MILITARIGA MANAAS
Xeradan waxay qiyaastii 30km dhinaca waqooyi galbeed uga beegan tahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna ka mid ahayd xeryaha lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka, xilligii Dowladdii Dhexe.
Ka hor xilligii burburka, xeradan ayaa waxaa deganaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona ku taala goob istiraatiiji ah oo Baydhabo ku xirto Degmooyinka Qansaxdheere iyo Diinsoor ee Gobolka Baay, waana goob laga la socon karo gaadiidka ka imanaya gobolada deriska ee ku sii jeeda dhinaca Baydhabo iyo Caasimadda Muqdisho. Xeradu waxay door weyn ka qaadan jirtay sugidda amniga iyo nidaamka xuduudaha gudaha ee gobolka iyo agagaarkiisa.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Hawlgalka Turkiga ee Somaliya ahna Madaxa Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee Magaalada Muqdisho, General Sebahattin Kalkan ayaa maalintii Axadda ee August 2-deedii tegay Baydhabo, waxayna Saraakiisha Qaybta 60aad kala hadleen, sidii dib loogu hawlgelin lahaa Xeradii Militariga Manaas iyo xeryo kale oo ku yaala Gobolka Baay, si loo ballaariyo xeryaha lagu tababaro Ciidamada Qalabka Sida.
Ciidamada taageersan hoggaamiyihii h**e ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis (Laftagareen) ee ku sugan bannaanada Baydhabo ayaa qaarkood lagu arkay aagga Xerada Manaas. Ma cadda in ay doonayaan inay carqaladeeyaan qorshaha dib loogu furayo xeradaasi iyo in kale, laakiin joogitaankooda aagga ayaa caqabad ku noqoneysa in si dhakhsa ah xerada looga bilaabo tababarka ciidamada.
Xerada Manaas waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah xeryaha militari ee ugu muhiimsanaa Gobolada Koonfureed, xilligii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
QARAN TV