Maamuus Media Inc

Maamuus Media Inc Madasha Gudbinta Iyo Tabinta Wararka Somalia Ee Arimaha Geeska Afrika iyo Caalamka

14/07/2025

Cumar-Maxamuud Galmudug ayey horrey iska dhiibeen oo Puntland gacanta Saciid-Deni ayey ku burbureysaa oo waxaan leeyahay hadaba ha burburto:Wiiil Dhulbahante ah oo ooyi-jiray xiligii Goojacade isagoo diifka ka socda kuna calaacali-jiray Cumar-Maxamuudow noo soo gurmada oo na badbaadiya balse kolkii laga xoreeyay Ciidankii Muuse-Biixi 25-tii Agoosto 2023 ayuu maanta hadaladan jeesjeeska ah ka jeediyay Laascaanood xilli uu ag-taagnaa boorar magaalada ay ku dhajisteen 3 ka mid ah sawirada Xerta Dhiiga-cusub iyo Xerta Aaran-Sheydaan

13/07/2025

Deg deg abwaan oo is casilay

Kylian Mbappé ayaa ku sumoobay cunto uu cunay ka hor inta aysan kooxdiisu u duulin dalka Mareykanka, waxaana sababay bak...
09/07/2025

Kylian Mbappé ayaa ku sumoobay cunto uu cunay ka hor inta aysan kooxdiisu u duulin dalka Mareykanka, waxaana sababay bakteeriya ka dhalatay Digaag uu cunay, isagoo 6 KG ay ka dhacday sida uu ku warramayo Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska. 🇫🇷.

09/07/2025

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho, Shiinaha oo Somalia ka taageeraya dhinaca amniga iyo xiisada Masar iyo Sacuudiga.

Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Bari ayaa dorashad gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Bosaaso kad...
09/07/2025

Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Bari ayaa dorashad gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Bosaaso kadib ku qaabilay Gurigiisa Bosaaso Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Bosaaso

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc isug...
09/07/2025

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc isugu jira dib-u-dhiska laami iyo buunddo laga hirgelinayo waddada 26-ka Juun oo isku xirta Isgooyska Shaqaalaha illaa Masaajidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in waddadan halbowlaha ah oo muddo dheer burbursanayd lagu dhisayo lacagta canshuurta ah ee ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed taas oo uu maamulka gobalku ku dadaalay in si daahfuran loo maamulo oo looga faa’ideysto adeegyada danta guud.

Tan iyo markii uu Guddoomiye Muungaab la wareegay hoggaanka Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaa shaqo weyn laga qabtay dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda iyo xoojinta hufnaanta, arrintaas oo uu maamulku sheegay in ay suurtogelisay in la beeqaamiyo dakhligii soo xaroonayay lana joojiyo kharashaad badan oo ku bixi jiray siyaabo aanan sax ahayn, waxaana jidadka la dhagax dhigo ay hadda noqdeen kuwo durba laga howlgeliyo oo fulinteeda ay bilaabato subaxa la dhagax dhigo wixii ka dambeeyo, halka markii h**e aheyd marki jid la dhagax dhigo in shaqadeeda la bilaabi jiray todobaad ama ku dhowaad muddo bil kaddib.

Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, haddana ahaa xildhibaan, ayaa ka tegey xubintii...
08/07/2025

Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, haddana ahaa xildhibaan, ayaa ka tegey xubintii Baarlamaanka Puntland. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaana la filayaa inuu fadhigan, inta uusan xirmin, soo gudbiyo xubinta beddelaysa Cabdirashiid Cawl.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u H...
07/07/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga Dambiyada Haweenka laga galo .

Puntland :::''Villa Soomaaliya rabaan in ay laasacaano ka dhigtaan sal dhig ay uga soo duulaan Puntland.''kooxda maanta ...
07/07/2025

Puntland :::

''Villa Soomaaliya rabaan in ay laasacaano ka dhigtaan sal dhig ay uga soo duulaan Puntland.

''kooxda maanta joogta Vila Somalia ee Xassan Shiikh hogaamiyaha u yahey marna daacad k**a ahan dhismaha iyo xassiloonida maamulka SSC-Khatumo, waxey rabaan in ay kala dilaan, iskuna dilaan dadka SSC-khaatumo dhexdooda, sidoo kalana ay kala dilaan Puntland iyo SSC-khaatumo, waxey rabaan in ay laasacaano ka dhigtaan sal dhig ay uga soo duulaan Puntland.

Aragtida Villa Somalia ee ku aadan SSC waa in goboladaas ay noqdaan Magdhow ama Maher siyaasadeed lagu maslaxo Hargeysa hadba kii ay ku qanacdo''.Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Puntland Maxamed Abdiwahaab Axmed.

Magaalooyinka Gobolka Sanaag oo laga mabnuucay shirar aysan Puntland ka warqabin
07/07/2025

Magaalooyinka Gobolka Sanaag oo laga mabnuucay shirar aysan Puntland ka warqabin

degmada moqokori ee gobolka hiraan waxaa ka socda degaal xoogan oo udhaxeeya kooxda AS iyo ciidanka dowlada iyo kuwa mac...
07/07/2025

degmada moqokori ee gobolka hiraan waxaa ka socda degaal xoogan oo udhaxeeya kooxda AS iyo ciidanka dowlada iyo kuwa macawiisleyda ee hiraan oo isku dhinac ah

Inkastoo lagu soo waramaayo Ina degmada haatan labada dhinacba aan cidna gacanta ku haynin oo ay geesaha magalada ka joogan

Wararka ugu badan waxay shegayaan in kooxda AS usuurta gashay inay gudaha ugasho magalaada oo laga xoreeyey mudo 3 sano kahor ah kooxda AS

War Degdeg ah – Ceelbuh, SanaagGuddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Cawl...
06/07/2025

War Degdeg ah – Ceelbuh, Sanaag

Guddoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Cawl), ayaa caawa si lama filaan ah uga baxay deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag. Cawl ayaa halkaas ka waday shirar iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah qorshaha Dowladda Federaalka ee lagu doonayo in maamulka Khaatumo lagu dhammeystiro, loona sameeyo maamul goboleed cusub oo ka kooban gobollada Sool, Cayn, Sanaag iyo Haylaan.

Bixitaankiisa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Puntland ay ciidamo hor leh geysay deegaannadaas si ay uga hortagto tallaabooyinka ay wado Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, maanta ayay ahayd markii wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga DFS uu kasoo dagay magaalada Laascaanood, iyagoo u sii gudbayay dhanka Ceelbuh – arrintaas oo sii kicisay xiisadda gobolka.

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamuus Media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maamuus Media Inc:

Share