26/12/2024
๐ง๐ฎ๐น๐ผ๐ผ๐๐ถ๐ป๐ธ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐
๐ฎ๐ ๐ธ๐ฎ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ป๐ผ๐พ๐ผ๐๐ผ ๐พ๐ผ๐ณ ๐บ๐ฎ๐'๐๐๐น ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ณ๐๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฏ๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ.
Sanad ka cusub waa fursad weyn oo lagu bilaabi karo isbeddel wanaagsan iyo horumar. Waxaa muhiim ah in aan is-xisaabtanno oo aan ka shaqeyno sidii aan u noqon lahayn dadka ugu wanaagsan ee nafteena, qoysaska, iyo bulshada dhexdeeda ka faa'iideysto.
Ilaalinta waqtiga, balamaha, xushmadda, iyo danaha guud waa arrimo muhiim ah oo ka caawin kara qof kasta inuu yeesho nolol wanaagsan oo waxtar leh.
Ilaalinta Wakhtiga
Waqtiga waa kheyraad qiimo leh oo aan dib loo heli karin. Si aad u noqoto qof wax ku ool ah, waa muhiim inaad wakhtigaaga si wanaagsan u maareyso.
*Sameynta Jadwal
U samee jadwal maalinle ah oo aad ku kala socdo hawlaha muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn. Jadwalkaaga waxaa ku jiri kara waqti loogu talagalay shaqada, waxbarashada, nasashada, iyo dadka kale kala dhaxeeya.
Isticmaal teknoolajiyada Qalabka sida
(calendars), apps-ka hawlaha (task management apps), iyo agabyo kale ayaa kaa caawin kara inaad si fiican u maareyso waqtigaaga.
teknoolajiyadsi waxaad u adeegsan kartaa in wax kasto ku soo xasuusiyaan.
Xaddid waqtiga aan waxtarka lahayn Waqtigaaga ka ilaali hawlaha aan waxba kuu tarayn, sida ku mashquulida baraha bulshada ama ciyaaraha video-ga xad dhaafka ah. Samee xeerar ku saabsan waqtiga aad ku qaadaneyso hawlaha aan muhiimka ahayn.
*Ka faa'iidaysiga subaxa
Subaxdu waa waqtiga ugu wanaagsan ee lagu fulin karo hawlaha muhiimka ah. Isku day inaad subax kasta ku bilowdo hawlaha ugu adag.
*Balamaha
Balamaheenna waa habka aan ugu xiranahay dadka kale, waxaana muhiim ah in aan si dhab ah uga Fulinno balamaha aan qaadno. Balamaheenna waxay muujinayaan mas'uuliyadda iyo daacadnimada qofka.
U go'aan qaado balamaha Marka aad ballan qaaddo, u go'aan qaado inaad fuliso Haddii aanad awoodin inaad fuliso ballan, waa inaad si hufan ugu wargelisaa qofka aad ballanka la leedahay.
*Xushmadda
Xushmadda waxay qayb weyn ka tahay xiriirka wanaagsan ee aan la yeelanno dadka kale. Waa muhiim in aan si joogto ah u muujinno xushmad iyo ixtiraam, gaar ahaan marka aan la macaamilayno dadka kale.
Dhageyso si fiican Marka aad la hadleyso qof, si dhab ah u dhageyso, Tani waxay muujinaysaa inaad ixtiraamayso fikradaha iyo dareenka qofka kale.
Dhageesigu waxa u ku noqon karaa cashar nolaleed oo laga yabo wax cusub in aad ku barato.
Noqon dhageyste intii aad ka fikiri laheyd hadal celinta qofka kale .
Mar walba xushmee dadka kale, xitaa haddii aad kala duwan tihiin ama aad ku jirto xaalad adag. Ka fogow aflagaadada, xanaaqa, iyo hadalka xun.
Kala duwanhasha wa caadi kaliya adeegso aniga waxaay ila tahay ,waxaan dareemayaa in sidaa ku wanaagsanaan laheyd iyo erayo kale oo badan oo aad ku cabiri karto fikirkaada.
*Danaha Guud:
Danaha guud waa in aan si joogto ah uga shaqeyno danta guud ee bulshada, oo aan ku dhaqano mas'uuliyad bulsheed In kasta oo qof kastaa leeyahay dano gaar ah, haddana waa muhiim in aan sidoo kale tixgelinno danaha guud ee bulshada oo aan ka shaqeyno horumar guud.
ka qaybqaado hawlaha bulshada ee muhiimka ah sida nadiifinta deegaanka, taageeridda dadka dhibaateysan iyo horumarinta deegaanka.
Ka waran hadii subax kasto xanjada aad cunto aad hal goob ku tuurto sanad kadib waxaad dareemi doontaa in qashin badan ayeey noqtay .
Dhibaatooyinka bulshada waxay ku yimaadaan marka qof walba uu raadsado danihiisa oo kaliya. Haddii aan si wadajir ah uga shaqeyno danaha guud, waxaan dhisi karnaa bulsho wanaagsan.
Iska ilaali in aad ka qaybqaadato falal waxyeello u geysta bulshada, sida faafinta been abuurka ama ku xadgudubka xuquuqda dadka kale.
Ka fikir saamaynta bulshada ee go'aamadaada Marka aad go'aan qaadaneyso, ka fikir sida ay go'aankaaga u saameyn doonto dadka kale.
Kawaran hal qof adi dartaa shaqo ku wayay ayaa sameeynayo toban qof oo kale adiga oo dareensaneyn .
*Horumarinta Nafta iyo Maareynta Xilliga
Xusuusnow in horumarka nafta uu yimaado marka aan si joogto ah uga shaqeyno kobcinta xirfadaha iyo aqoonta.
Iska ilaali caajiska ku dadaal in aad si joogto ah u raadsato fursado cusub oo kobcinaayo naftaada.
Ka faa'iidayso fursadaha waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha si aad ugu guulaysato shaqooyinka ama himilooyinkaaga.
๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐ ๐๐ซ๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ฅ๐ข ๐ง๐๐๐ญ๐๐๐๐ ๐๐๐ข๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ง๐๐ง ๐ค๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐ง๐๐ฒ๐ง ๐ค๐ก๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ค๐๐๐ค๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ.
Aamir Mansuur Caamir Mansuur