Civic News

Civic News Xog sugan oo Degdeg ah.

Xasaasi : Barlamaanka Waqooyi Bari ayaa kulan aan caadi ahayn isugu imaanaya maalinta barito, waxaana kulankaan lagu she...
25/07/2026

Xasaasi : Barlamaanka Waqooyi Bari ayaa kulan aan caadi ahayn isugu imaanaya maalinta barito, waxaana kulankaan lagu sheegay mid xasaasi ah oo go'aano culus laga soo saarayo

Warar aan helayo ayaa ii xaqiijinaya in xilka laga xayuubin doono xildhibaano qaar ah oo tuhun uu soo galay, kahor inta aysan ku kicin ficil kasoo horjeeda maamulka WB.

22/07/2026

Xalay PSF iyo Bosaso.

Shirkii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa goordhow furmay.qodobbo laga wada hadlaayana waxaa kamid ah:1.  Shur...
22/07/2026

Shirkii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa goordhow furmay.

qodobbo laga wada hadlaayana waxaa kamid ah:

1. Shuruucda iyo heshiisyada ay gashay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

2. Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

3. Dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee 2022.

22/07/2026

Agaasimihii H**e ee hayada nabad sugida qaranka "Sanbaloolshe" oo ka hadlay fikirkiisa ku aadan dhisida maamulka cusub ee koonfur bari iyo xaalada cakiran ee kaso cusboonaatay gobalka shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, G/le Sare Yuusuf Maxamuud Cali (Xundubey), oo uu wehlinayay Taliya...
21/07/2026

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, G/le Sare Yuusuf Maxamuud Cali (Xundubey), oo uu wehlinayay Taliyaha Taraafikada Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maanta kormeer shaqo ku maray deegaannada Dhanaane iyo Gendershe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas'uuliyiinta ayaa waxaa deegaanka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Deegaanka Gendershe, Muxandal Abukar Taliyow, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd xaqiijinta xaaladda amniga, u kuurgelidda shaqada ciidamada amniga ee ka howlgalaya deegaannadaas, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada iyo bulshada si loo adkeeyo nabadgelyada.

Taliyaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray bogaadiyay dadaallada ciidamada amniga iyo shacabka deegaanka ay ku bixinayaan sugidda amniga, isagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo iskaashiga si loo ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Zakariye Maxamed Ibraahim (Fante), o...
21/07/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Zakariye Maxamed Ibraahim (Fante), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Ibraahim, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tababar afar maalmood soconaya oo ku saabsan Maaliyadda Beeraha (Agricultural Finance) iyo Naqshadeynta Adeegyada Maaliyadeed (Financial Product Design).

Tababarkan waxaa ka qeybgalaya hay’adaha maaliyadda (MFIs) iyo iskaashatooyinka beeraleyda, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta aqoonta iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed ee taageera horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta nolosha bulshada reer miyiga.

Munaasabadda furitaanka, Waziirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta maalgashiga beeraha, dhisidda awoodda hay’adaha iyo iskaashatooyinka beeraleyda, iyo xoojinta iskaashiga dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta si loo gaaro wax-soo-saar sare iyo horumar dhaqaale oo waara.

 : Madaxwayne Siciid Deni ayaa la hadlay odayaasha beesha Cismaan maxamud ayaa u usheegay in ay xaalada dajiyaan islamar...
21/07/2026

: Madaxwayne Siciid Deni ayaa la hadlay odayaasha beesha Cismaan maxamud ayaa u usheegay in ay xaalada dajiyaan islamarkaana heshiis iyo wada hadal galaan dawlada iyo ciidanka PSF uuna ka shaqayn doono sidi uu hubka Laga qabtay PSF dib ugu celin lahaa!

Sida wararku sheegayaan xiisada ayaa waji qabiil yeelatay iyada oo deegaanka xaafuun ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan Ciidanka PSF oo xalay halkaa dagaal ku dhex maray ciidamo ka tirsan Pmpf.

Ciidanka PSF ayaa gabi ahaan la wareegay gacan ku heynta degmada xaafuun ee gobolka bari.
21/07/2026

Ciidanka PSF ayaa gabi ahaan la wareegay gacan ku heynta degmada xaafuun ee gobolka bari.

21/07/2026

Hub igo gawaari ay sheegeen maamulka puntland in ay kala wareegeen ciidanka PSF ayaa lagu saacado kahor la geeyay magaalada bosaso.

Kadib dagaal in kabadan 30 saacadood qaatay oo ka dhacay magaalada laag.

Weli wax war ah k**a soo bixin dhinaca PSF se maamulka puntland oo sheegay in ay cuskanayaan sharciyo lagu mamnuucay in ay gawaari gaashaaman oo aan hawlgal ku jirin isaga gudbi karin deegaanka ayaa guulo ka sheegtay iska hor imaadki shalay sheegay in aysan ogolaaneyn in qodobkaa sharciga la jebiyo.

War kasoo baxay maamulka puntland ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska puntland ladagaalameen ciidan ka ama qaata madaxweynaha dalka Hassan sheikh mohamuud.

21/07/2026

Taliyaha booliiska mamulka puntland ayaa ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacday koontaroolka magaalada bosaso midka oo u dhaxeyay ciidanka PSF iyo daraawiishta puntland.

Address

14Actober
Mogadishu
0000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Civic News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share