The Daily Somalia

The Daily Somalia Your trusted source for credible, timely & independent news from Somalia and around the world.

đź“© Contact: [email protected]

DEGDEG: ITOOBIYA waxaa markii u horreysey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dalkaasi loo doortay shakhsi kasoo jeeda qawmiy...
05/10/2026

DEGDEG: ITOOBIYA waxaa markii u horreysey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dalkaasi loo doortay shakhsi kasoo jeeda qawmiyadda Soomaalida

Axmed Shidde oo tan iyo 2018-kii ahaa Wasiirka Maaliyadda dalkaas ayaa Goluhu isku raacay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Itoobiya.

Ra'iisul-Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin katirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ga...
05/10/2026

Ra'iisul-Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin katirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa si wadajir ah uga qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu dhammeystirayo hishiiska Beelaha walaalaha ee Balanballe iyo Guriceel.

Ra'iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabadeynta iyo xasilloonida bulshada, isagoo ugu baaqay dhinacyada heshiiska gaaray in ay ilaashadaan nabadda, hirgeliyaan qodobadii lagu heshiiyay, kana shaqeeyaan xoojinta kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada.

Cilmiga siyaasadda waxaa lagu dhigtaa aragti loo yaqaan (Overton Window). Waxa ay sharraxaysaa heerarka ay maraan fikrad...
05/10/2026

Cilmiga siyaasadda waxaa lagu dhigtaa aragti loo yaqaan (Overton Window). Waxa ay sharraxaysaa heerarka ay maraan fikraduha si ay bulshadu ugu aragto kuwo la aqbali karo in laga hadlo iyo kuwo aanan la aqbali karin. Fikraduhu waxa ay maraan marxlado si ay u noqdaan kuwo bulshadu aqbasho in si furan loo cabbiro.

Fikraddu marka h**e waa wax aan laguba fakari karin, kadib waa fikrad xagjir ah, kadib waxa ay noqotaa wax la aqbali karo, kadib waxa ay noqotaa wax kor looga hadli karo oo macquul ah, kadib waxa ay isku badashaa fikrad bulshada dhexdaada caan ka ah, ugu dambayntiina waxa ay noqotaa siyaasad la dhaqan geliyo. Marxaladda ugu horraysa waa in dadka laga dhaadhiciyo in fikradda si furan ay kor uga hadlaan. Marka fikrad si furan looga doodona, h**ey ayay u dhaqaaqday oo waxa ay qaadday tallaabadii kowaad.

Beryahaan, dood ku saabsan in Puntland ka go'do inta kale ee dalka Soomaaliya, oo markii h**e aan bannaanka lala imaan jirin, ayaa hadda si furan looga doodayaa, anigu waligay ma arag iyada oo sidaan si lamid ah loga hadlayo hadda kahor. Waa isku day lagu furayo daaqadda fikraddaas.

Laakiin waxaa i welwel geliyay ma ahan arrinkaan oo kaliya; u fiirsada mawduucyada qeybta ka ah doodaha la yeelanayo iyo kuwa aan qeybta ka ahayn.

Waxaan si aan dhammaad lahayn uga hadalnaa sidii reer Puntland Soomaaliya u xukumi lahaayeen, aragtideenna ku aaddan cidda hadda xukunta Soomaaliya, xukunka sida loo qeybsado iyada oo inta badan lagu akhriyo siyaasad "zero sum game" ah; si dhinac u guulaysto, dhinaca kale waa in uu khasaaro/guuldarraysto.

Waa ay ku yaryihiin doodahaas in laga hadlo sidii Puntland iyada loo horumarin lahaa.
Puntland waxa ay jirtay ku dhawaad soddon sano. Waa waqti ku filan inaan si daacad ah isu weydiinno su'aalo ay ka mid yihiin:

1. Maxaa dhab ahaan ka shaqeeyay mashruuca Puntland lagu asaasay? Hay'adahee, siyaasadahee iyo adeegyadee ayaa natiijo dhab ah oo noloshooda saamaynaysa dhaxalsiiyay dadka reer Puntland?
2. Maxaa horumar ah oo aan ka gaarnay kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, shaqo abuurka iyo maamul wanaagga, marka loo eego waqtiga aan jirnay?
3. Halkee ayaan ka gaabinnay, maxaase sabab u ah gaabiska?

Su'aalahaan ayaa go'aamiya in hooyo ku nool Garoowe, Boosaaso ama Badhan ay ilmaheeda geyn karto xarun caafimaad, in arday ka qalin jabiyay jaamacadaha Puntland uu shaqo heli karo, iyo in beeraleyda ama kalluumaysatada Puntland ay falan karaan beerahooda ama jillaaban karaan si ay u dabbiraan nolol maalmeedkooda.

Xiriir kasta oo Puntland ay la yeelato dalka intiisa kale, k**a saarayso su'aalahaan meesha ee waxa ay ahaanayaan kuwo jira oo mar walba talo iyo jawaab inooga baahan.

Haddii aan Daaqadda Overton furi karno ilaa heer go'itaanka si furan looga hadlo, waxaan shaki igaga jirin in sidoo kale aan riixi karno ama dhaqaajin karnaa fikrado inooga faa'iido badan; sida caadiyaynta ka hadalka mustaqbalka horumarineed ee Puntland, isla xisaabtanka, maamul wanaagga, la dagaalanka saboolnimada iyo musuqa.

Kadib wixii naf, maskax, muruq iyo maal reer Puntland leeyihiin ku baxay yagleelidda iyo xoojinta dowlad Soomaaliyeed oo federal ah, haddii dooddii ka go'idda Puntland ee dalka intiisa kale soo gaartay in madalaha lalasoo fariisto, korna loo dhaho, wax kasta waan caadiyayn karnaa in bulshadu ka hadasho, taas aan kor ku sheegay ee nabarka igu haysa haba ugu horraysee.

Abdirahman Abshir

Hogaamiyeyaasha Masar, Suudaan, Eeritariya iyo Soomaaliya ayaa shirkoodii afar-geesoodka ahaa ee ka dhacay magaalada xee...
04/10/2026

Hogaamiyeyaasha Masar, Suudaan, Eeritariya iyo Soomaaliya ayaa shirkoodii afar-geesoodka ahaa ee ka dhacay magaalada xeebta ah ee New Alamein ee dalka Masar ku kala saxiixday "Bayaanka Alamein"kaas oo diiradda lagu saaray ilaalinta madax-bannaanida dhulalka, badaha, iyo amniga gobolka.

War-murtiyeedka ka soo baxay ayaa lagu muujiyay shanta qodob oo kala ah:

1. Iyadoo laga jawaabayo martiqaadkii uu Mudane Cabdifataax Al-Siisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, u fidiyey Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Dowladda Eritrea; Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, madaxweynayaashu waxay maanta, 4 Oktoobar 2026, shir-madaxeed afargeesood ah ku yeesheen magaalada cusub ee El Alamein. Waxay yeesheen wadatashiyo mug lehoo ku dhisan walaaltinnimo, kuwaas oo ku saabsanaa arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee taagan, iyo sidoo kale siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee afarta dal, laguna adkayn karo wadatashiga iyo isku-duwidda dhexdooda.

2. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay baahida loo qabo dhowrista mabaadi’da iyo tiirarka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, kuwaas oo saldhig u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka; gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka; dhowrista mabaadi’da deris-wanaagga; diidmada faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, marmarsiiyo kasta oo loo cuskadaba; iyo ka shaqaynta taageeridda hay’adaha qaranka iyo dhiirrigelinta xalalka siyaasadeed iyo kuwa nabadeed ee khilaafaadka.

3. Shir-madaxeedku wuxuu ka wada hadlay isku-duwidda dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka, lagu abuurayo jawi ku habboon horumar la wadaago oo waara, laguna horumarinayo xiriirka dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka. Dadaalladan waxaa loo wajahaya hab gacan ka geysanaya isdhexgalka dhaqaale iyo isku-xirnaanta, dhiirrigelinaya horumarka waara, isla markaana xoojinaya xiriirka ka dhexeeya shucuubta dhammaan dalalka ka qaybgalaya, iyadoo la tixgelinayo ujeeddooyinkooda guud iyo aayaha ay wadaagaan.

4. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay arrimaha soo socda, kuwaas oo ay madaxda ka qaybgashay isku raaceen:

a. Taageeridda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan iyo hay’adaheeda qaranka; diidmada dhismaha hay’ado barbar socda hay’adaha qaranka; dhiirrigelinta dib-u-bilaabidda hannaan siyaasadeed oo ay dadka Suudaan leeyihiin, hoggaankiisana iyagu hayaan; taageeridda hay’adaha qaranka; iyo si buuxda u diididda taageero kasta oo la siiyo calooshood u shaqeystayaasha.

b. Taageeridda midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo diidmada faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanidaas, gaar ahaan aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland”.

c. Taageeridda dadaallada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo u suurtagelinta hay’adaha dowladda inay awooddooda ku fidiyaan dalka oo dhan; iyo ugu baaqidda saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka inay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) siiyaan maalgelin ku filan, waarta, lana saadaalin karo, si uu u guto waajibaadka loo igmaday.

d. Adkaynta mabda’a xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo in maamulka Badda Cas uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dalalka xeebaha ku leh baddaas.

e. Adkaynta muhiimadda ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada xuduudaha ka gudba, oo uu ku jiro webiga Niil, gaar ahaan mabda’a ah inaan waxyeello la geysan, iyo waajibka iskaashiga ee loo marayo wargelin horudhac ah, wadatashi iyo isku-raac; iyadoo si buuxda loo diidayo tallaabo kasta oo hal dhinac uu qaado, taas oo si taban u saamaynaysa isticmaalka biyaha ee hadda ka jira labada dal ee ku yaalla qaybta hoose ee webiga Niil.

f. Sii wadidda xoojinta wadatashiga iyo isku-duwidda ka dhexeeya afarta dal.

DHAMMAAD

04/10/2026

“Dastuurka cusub waxaa dabada ka riixayey Xasan Sheekh “ — xil.kooshin

04/10/2026

Xil. Kooshin: “Drones-ka Turkiga ayaa ka dambeeyey weerarkii Laftagareen iyo Taliye Shub.”

04/10/2026

Horudhac: The Daily Somalia Talks

YAA MIDNIMADA DIIDDAN? Puntland: Ma goonni-isutaag mise midnimo soomaaliyeed? Midkee xalku ku jiraa?

04/10/2026

“Turkigu faragelin weyn ayuu ku hayaa dowladda Soomaaliya.” — Xil. Kooshin

Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyay Aljazeera ayaa sheegay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya inuu yahay mi...
03/10/2026

Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyay Aljazeera ayaa sheegay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya inuu yahay mid wanaagsan, ka dib booqasho uu dabayaaqadii toddobaadkii h**e ku tagay Addis Ababa, ka hor inta uusan tagin Jabuuti iyo Masar, lana filayo inuu ka qeybgalo kulan afar geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa yiri "Xiriirkayaga Itoobiya waa wanaagsan yahay, mana diidaynl in Itoobiya ay badda ku gaarto dhulka Soomaaliya.”

"Xuutiyiintu waxay khalkhal gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka, waxayna dhibaato ku hayaan maraakiibta isticmaas...
03/10/2026

"Xuutiyiintu waxay khalkhal gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka, waxayna dhibaato ku hayaan maraakiibta isticmaasha marinka Bab al-Mandab.”
Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi siiyay Al Jazeera ayaa yiri.

Address

KM4
Mogadishu

Telephone

+252907777839

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Daily Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to The Daily Somalia:

Shortcuts

Share