Adde show

Adde show 🎙️ Welcome to Adde Show! Bringing you insightful discussions, contemporary stories, and deep dives into culture, history, and current events.
(1)

Stay informed, stay inspired.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan arda...
19/08/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan ardaydii uu ka baaqday Imtixaanka Qaranka, kuwaas oo soo gudbiyey cudur-daarkooda isla markaana la aqbalay, in ay geli doonaan Imtixaanka Dib-u-galka toddobaadka soo socda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ardayda ay khusayso ay imtixaanka u geli doonaan sida ku cad jadwalka la shaaciyey, iyadoo ardayda lagu boorrinayo inay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan imtixaanka.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ardayda xusuusisay muhiimadda ay leedahay in ay u hoggaansamaan jadwalka iyo dhammaan tilmaamaha Wasaaradda inta uu imtixaanku socdo.

13/08/2026

Warbixin khaas ah: Maxaa Ka Socda Itoobiya? Fahamka Shirweynaha Wada-tashiga Qaranka iyo Muranka Ka Dhashay

​Dalka Itoobiya waxaa xilligan ka socda Shirweynaha Wada-tashiga Qaranka (Ethiopian National Dialogue Conference), oo ah geeddi-socod siyaasadeed oo baaxad weyn oo loogu talagalay in xal waara loogu raadiyo khilaafaadka taariikhiga ah, dagaallada sokeeye, iyo kala-qaybsanaanta qotada dheer ee ka jirta dalkan. Shirkan oo uu hoggaaminayo Guddiga Wada-tashiga Qaranka (ENDC) oo la aasaasay dhamaadkii sannadkii 2021, ayaa lagu daah-furay wajigiisa rasmiga ahaa bartamihii sannadkan 2026 magaalada Addis Ababa, iyada oo ay ka qaybgalayaan ku dhawaad 4,000 oo xubnood oo isugu jira xisbiyada siyaasadda, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada, iyo wakiillo ka socda dhammaan gobollada dalka.

​Ujeeddada ugu muhiimsan ee shirka loo qabtay ayaa ah in lagu dhiso isfahan qaran iyo dib-u-heshiisiin, iyada oo ergooyinka loo qeybiyay 8 ajande oo waaweyn. Ajandayaashan oo diiradda lagu saarayo arrimo xasaasi ah sida dhismaha qaranka, dib-u-eegista dastuurka, iyo nidaamka maamulka federaalka. mid ka mid ah kuwa ugu adag waa ajandaha "Magaalooyinka Federaalka" iyo mustaqbalka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

​Dooda ka socota xarunta shirka ayaa todobaadkan gashay xaalad cakiran oo cirka isku shareertay ka dib markii ay soo baxday talo-soo-jeedin lagu sifeeyay in ay ka timid dawlada dhexe taas oo dhigeysa in magaalada Addis Ababa loo aqoonsado caasimadda rasmiga ah ee Deegaanka Oromada.Tani waxay dhalisay cadho weyn oo ka timid xagga ergooyinka maadaama aan heerarkii hoose ee wada-tashiga lagaga soo doodin, iyadoo inta badan ergooyinku taageersanaayeen in magaaladu noqoto mid Federaal ah oo madax-bannaan.

Arrintan waxay keentay in xisbiyada mucaaradka ah sida NAMA iyo Enat Party ay dowladda ku eedeeyaan in ay wada-tashiga u adeegsanayso meel-marinta ajandeyasheedii siyaasadeed, waxayna ku baaqeen in ajandaha Addis Ababa si degdeg ah loo hakiyo.

​Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Guddiga Wada-tashiga Qaranka, Prof. Mesfin Araya, ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay in guddigu uu yahay mid madax-bannaan oo aan wax go'aan ah oo final ah walii la gaarin. Wuxuu adkeeyay in dhammaan doodaha iyo talo-soo-jeedinta laga soo ururiyo kooxaha loo gudbin doono Shirweynaha Guud ee 4,000 xubnood, halkaas oo ka-qaybgalayaashu ay ku gaari doonaan go'aanka ugu dambeeya.

Si kooban, xaaladda shirkan waxay hadda maraysaa meel xasaasi ah, maadaama natiijada ka soo baxda wada-tashigan ay si toos ah u xaddidi doonto mustaqbalka siyaasadeed iyo xasiloonida dalkaas.

Adde show

Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safi...
13/08/2026

Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Dr. Axmed Jaamac Cumar, oo loo aqoonsaday safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan.

01/08/2026

Hadal jeediintii madaxweyne Hassan sheekh mohamud.

31/07/2026

Waa gabar gal-dacwaaded loo keenay maxk**ada, ka dib markii uu kiiskeedi dhamaaday oo la fasaxay ayeey si kaftan leh garsoorihii maxk**ada ugu tiri "idiot"(doqon). Waa loo yeeray waxaana lagu xukumay 10k$.
Mar kale ayeey si asluupta ka baxsan u tiri f''c''kyou.
Waa loo yeeray waxaana lagu xukumay 30 cisho oo xarig ah.

Adiga kaftankaaga badan ma ku mutaysan lahayd xarig

🇶🇦 Qadar iyo Urdun oo ka wada hadlay amniga gobolkaRa’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Ma...
28/07/2026

🇶🇦 Qadar iyo Urdun oo ka wada hadlay amniga gobolka

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Aal Thaani, ayaa telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Urdun, Ayman Safadi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, yareynta xiisadaha gobolka, iyo taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed.
Qadar ayaa sidoo kale ku baaqday in la fuliyo is-afgaradkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, isla markaana la ilaaliyo xorriyadda maraakiibta ee Marinka Hormuz.

Madaxweynihii Bangladesh Mohammed Shahabuddin ayaa xilkii iska casilay, kaddib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad
24/07/2026

Madaxweynihii Bangladesh Mohammed Shahabuddin ayaa xilkii iska casilay, kaddib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad

Golaha Wasiirrada DFS ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud, iyadoo xilk...
23/07/2026

Golaha Wasiirrada DFS ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Maxamuud Axmed Jimcaale.

19/07/2026

🇪🇸🏆 Spain oo mar kale taariikh qortay!

Xulka qaranka Spain ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka markii 2-aad, iyagoo dunida tusay awooddooda, tayada ciyaartoydooda iyo kubadda quruxda badan ee lagu yaqaan.

Guushan ma aha oo kaliya koob kale, balse waa bog cusub oo dahabi ah oo lagu daray taariikhda La Roja. Hambalyo dhammaan taageerayaasha Spain! ❤️💛

🏆 World Champions ×2
¡Viva España! 🇪🇸🔥

Argentina ayaa u gudubtay finalka Koobka Adduunka!Argentina waxay guul muhiim ah oo 2–1 ah ka gaartay xulka England kula...
15/07/2026

Argentina ayaa u gudubtay finalka Koobka Adduunka!
Argentina waxay guul muhiim ah oo 2–1 ah ka gaartay xulka England kulan adag oo xiiso badan lahaa. Inkastoo England ay dhalisay goolka furitaanka, haddana Argentina k**a quusan, waxayna ciyaarta ku rogtay laba gool oo ay ku xaqiijisay guusha iyo u gudubka finalka.
Kooxda Albiceleste ayaa hadda wajihi doonta xulka Spain ciyaarta k**a dambaysta ah, iyadoo rajaynaysa inay ku guuleysato koobka adduunka.
Hambalyo taageerayaasha Argentina! 🇦🇷🏆🔥

Address

Muqdisho
Mogadishu
N/A

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Adde show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share