26/05/2026
Kuwa difaacaya taliska Xasan Sheekh ee waqtigiisu dhammaaday waa qolo ka helay fursado aysan ku gaari lahayn nidaam ku dhisan karti, tartan caddaalad ah, iyo hay’ado dowladeed oo si hufan u shaqeynaya. Waa koox si degdeg ah ku heshay awood, xilal, hanti, iyo saameyn aysan ku kasban aqoon, xirfad, dadaal, iyo waaya-aragnimo, balse ku helay galaangal, sadbursi, eex iyo daacadnimo kiraysan.
Kooxdan waxay aaminsan yihiin in taliska ay ka faa’iideen lagu difaaci karo cabsi gelin, awood ciidan, dacaayad iyo aflagaado. Waxay waardiye ka hayaan xaaladdii soo saartay, sababtoo ah haddii talisku dhaco k**a harayaan. Taas ayaana keenaysa inay isbeddelka u arkaan mid halis ku ah danahooda, saameyntooda, iyo faa’iidooyinka ay ka heleen Xasan Sheekh.
Dhanka kale, dadka diidan taliska ma wada aha mucaarad siyaasadeed oo keliya. Waxaa ku jira dhalinyaro aaminsan in aan dadaalkooda, aqoontooda, iyo xirfaddooda lagu qiimeynin; ganacsato dareemaya cadaadis iyo caddaalad darro ay kula tartamayaan rag si degdeg ah awood dowladeed ugu taajiray ama adeegsanaya; aqoonyahanno, waaya-arag dawladeed iyo indheergarad rumaysan in qaran lagu dhisi karo caddaalad, xaqsoor, iyo karti, iyo muwaadiniin ka niyad jabay eexda, musuqmaasuqa, dhulboobka, iyo ku takri-falka awoodda.
Khilaafka dhabta ah ee maanta jira ma aha oo keliya loollan siyaasadeed ee waa isku dhac u dhexeeya laba aragtiyood oo kala duwan:
Qolo dowladnimada u aragta waddo lagu qabsado hanti, awood, iyo saameyn, iyo kuwo rumaysan in qaran lagu dhisi karo caddaalad, xaqsoor, sinaan, sarreynta sharciga, mutaysi, iyo hay’ado ka sarreeya shaqsiyaad.
Adiga safkee tahay?