Xidiga Somalia

  • Home
  • Xidiga Somalia

Xidiga Somalia This Page are Meeting All Somali Youtubers And Other Youtubers So if you see this Page "Somali Youtuber Page" Please and Plz Like & Share ���!!!!

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY XUBNAHA SOOMAALIYA KU MATALAYA BAARLAMAANKA URUR GOBALEEDKA ISKAASHIGA DHAQA...
15/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY XUBNAHA SOOMAALIYA KU MATALAYA BAARLAMAANKA URUR GOBALEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA

Muqdisho, Oktoobar 15, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxaa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Wiilkaan aad aragtaan wuxuu u dhashay dalka Brazil, asigoo ku sugan xafladii qalin jabintiisa jaamacadeed ayuu wuxuu sar...
15/10/2025

Wiilkaan aad aragtaan wuxuu u dhashay dalka Brazil, asigoo ku sugan xafladii qalin jabintiisa jaamacadeed ayuu wuxuu sare u qaaday haanta gaaska cuntada.
Wiilka aabihiis ayaana mudo 26 sano ka shaqeynayay Delevery-ga haamaha gaaska, habkaas ayuuna wiilkiisa kusoo koriyay waxna kusoo baray, maalintii qalin jabinta markii la gaaray wiilkii si uu aabihiis ugu mahadceliyo wuxuu garabka kusoo qaatay haan gaas ah, kadibna sare ayuu u taagay.

Deymaha qaar waligood lama gudi karo balse abaalkooda lama iloobo.

05/10/2025
05/10/2025
03/10/2025

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah horjoogayaashii sar sare ee Khawaarijta, kaasi oo hoggaaminayay weerarkii ay fashiliyeen qeesiyaasha Qaranka.

Dhammaan maleeshiyaadkii uu hoggaaminayay Horjoogahaan waxaa lagu laayay banaanka magaalada Ceeldheer.

03/10/2025

War-Saxaafadeedka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland,Puntland iyo Madasha samatabixinta Soomaaliyeed.

01/10/2025
30/09/2025
30/09/2025
30/09/2025

Address

Wadada Wadnaha

BR

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xidiga Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share