Xiddig Media

Xiddig Media القرآن يملأ القلب بالسكينة والراحة النفسية، ويبعد عنه القلق والخوف، تلاوته دواء للقلوب وسكينة للنفوس. welcom.

26/06/2025

Mashaakilka Dhallinyarada
Sh. Xamse

Xiddig Media

Qoraalada darbiyada carabtaKee ku xiise galiyay?
22/06/2025

Qoraalada darbiyada carabta

Kee ku xiise galiyay?

18/06/2025

Falalka gurracan ee lagula kaco da'yartu waa mahadho aan tirmin oo aan ka harin xitaa hadday koraan da' ahaan kaliifi kartana in ay naftooda galaafato.

Muuqaalkan kaga boqo dhib wiil yara gaaray ooba galaaftay naftiisii.

Follow Xiddig Media
Lawadaag asxaabtaada
Mahadsanid

18/06/2025

Falalka tacadiga ee lagula kaco dhallinyarada waxay ka dhaxlaan mahadhooyin daran oo mararka qaarkood keeni kara in a galaafato naftooda.

Muuqaalkan kaga bogo dhib wiil yara gaaray ooba galaaftay naftiisii.

Follow and share asxaabta

16/06/2025

Geeridii Habeenkii Arooska!

Kawarran haddii adoo saacadihii u dambeeyay isu diyaarinaya arooskaaga aad la kulantid wadkaagii waliba lagugu dilo si dhagaraysan?

https://youtube.com/?si=FGqk_zysrAoU4kdN

15/06/2025

Noloshu ma aha tartan loogu jiro figta sare, balse waa safar loo galayo dhisidda nafta, horumarinta xiriirada iyo ka tagidda raad wanaagsan.

Yeelo yoolal, balse ha ilaawin inaad u fuliso yoolalkaaga si dheelitiran adoo shay walba xaqiisa siinaya

Asxaabta qaaliga ah, arooryo suubban!Ilaahay ha idiin barakeeyo maalintiina, ha idiin ka yeelo mid kheyr iyo farxad leh....
15/06/2025

Asxaabta qaaliga ah, arooryo suubban!
Ilaahay ha idiin barakeeyo maalintiina, ha idiin ka yeelo mid kheyr iyo farxad leh. Mahadsanidiin dhammaan taageeradiinna iyo kalgacalka aad mar walba muujisaan. 💙

Maalin wanaagsan dhammaantiin!"

Xiddig Media

𝐀𝐲𝐚𝐚𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐧𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚!Waxa ay dhakhaatiirtu u sheegeen in uu sii noolaan karo muddo 3 bilood ah kaddib marki...
14/06/2025

𝐀𝐲𝐚𝐚𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐧𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚!

Waxa ay dhakhaatiirtu u sheegeen in uu sii noolaan karo muddo 3 bilood ah kaddib markii isagoo 45 jir ah ku dhacay xanuunka kansarku, waa Xaaji Cali oo ah u dhashay dalka Suuriya waana ninka qisadeenu ay maanta ku saabsan tahay

Dhacdadani waxay ka dhacday dalka suuriya dhammaadkii 70neeyadii, waana dhacdo caan ka ah dalkaas

Waxa uu Xaaji Cali kasoo jeeday qoys caan ka ah magaalada Dimishaq, waxa ay ahaayeen qoys hantiilayaal ah oo heersare ka jooga bulshadooda, waxa uuna dhaxlay hanti badan oo isugu jirta guryo, beero iyo dhulalba. Xaaji Cali waxa uu ahaa qof dun ahaan wanaagsan, dhaqan fiican oo u naxariista dadka, sidoo kale waxa uu ahaa nin aamin ah, sidaa darteed Alle waxa uu barakeeyay ganacsigiisii.

Markii uu jiray 25 sano ayuu guursaday, balse ku dhawaad 20 sano oo uu reer lahaa Alle kuma arsaaqin caruur illaa uu ka gaaray da'da 40meeyada. Saasoo ay tahay waxa uu ahaa mid ku qanacsan qadarka Alle oo kuma uu fakarin in uu xaas kale guursado sisa dadka qaar ay sameeyaan, ama uu dhakhaatiirta baaritaan ugu tago si loo ogaado sababta ka dambaysa dhalma la'aantooda.

Markii uu gaaray 40 sano ayaa waxaa bilowday in uu dareemay xanuun, waxa uu u tagay dhakhtar, kaddib baaritaanno lagu sameeyay waxaa la ogaaday in uu ku dhacay xanuunka Kansarka, waliba uu gaaray heersare, gaar ahaanna uu ka asiibay xubanaha gudaha sida beerka, sambabada iyo kalyaha.

Waxa uu kula taliyay dhakhtarkii inuu aado wadanka Maraykanka, maadaama ay ku wanaagsanyihiin la tacaalidda iyo dawaynta xaaladahan oo kale, waa safray xaaji Cali waxa uuna ka tagay xaaskiisii iyo ganacsigisiiba.

Sidii h**e si lamid ah ayaa isbitaal kamida kuwa ugu fiican u sheegay inuu qabo xanuunka kansarka, waxa uuna si cad ugu sheegay in fursadda badbaadintiisu ay aad u hoosayso, kaliyana uu haysto 2 illaa 3 bilood si uu usii noolaado, waxayna kula taliyeen inta cimrigiisa ka dhiman in uu qoyskiisa la qaato.

Xaaji Cali waxa uu kusoo noqday magaaladiisii Dimishaq isaga oo murugaysan oo niyadjabsan, kana fakaraya ciribdambeedkiisa, waxa ugu wayn ee xanuunka ku hayayna waa in uusan dhallin caruur, xaaskiisiina ay da' noqotay. Waxa ay isu dayi jireen qoyskiisu inay dajiyaan oo niyada u dhisaan lkn waxa uu ahaa mid noloshaba u arkayay in ay bilaa qiime tahay, wuu kasii daray xaalkiisu, waa uu tabar gabay waxa uuna noqday mid aan waxba cunin aannana seexan, waxa uu bilaabay inuu isaga soo wareego suuqyada magaalada si uu u daawado dadka iyo dhaqdhaqaaqa nolosha isla jeerkaas wuxuu arki jiray dad masaakiina waxa uuna isku canaanan jiray Alla haddii aan xoolahayga dhan caafimaad ku badalan lahaa.

Maalin maalmaha kamid ayuu arkay haweenay maskiin ah oo baryaysa wiil lacag leh oo uu garanayo, balse wiilku uu isku dayayo in uu duruufta kaga faa'idaysto; waa ay u calaacakaysay waxa ayna lahayd: caruurtaydu waaa gaajoonayaan, ninkayhiina waa xiranyahay mana jirto cid na caawinaysa.

Waa uu soo dhexgalay xaajigii waxa uuna canaantay wiilkii, markaa ayuu ka waraystay haweenaydii xaalkeeda, iyaduna waa ay u warantay, waxana uu soo xaqiijiyay in arrinkeedu dhab yahay, kaddib waxa uu go'aansaday in uu damaanad qaado kharashaadka nolosheeda iyo caruurteeda, waxa uuna u qoray mushahar joogto ah, xitaa waxa uu qoray dardaaran uu ku cadeeyay xitaa markii uu dhinto in aan laga joojin lacagtaas.

Waa uu raacay waxa uuna ka qadimay kiradii guriga sannad dhan, sidoo kale waxa uu siiyay kharashkii ku bixi lahaa sannadka dhan,.

Waxa uuna ka hagaajiyay gurigii ay daganaayeen, waxa uuna sidaa u samaynayay muddo 20 sano ah, HAA oo ma uu dhiman sidii ay qiyaasayeen dhakhaatiirtu balse wuxuu sii noolaaday 20 sa o oo kale, waxa uuna ahaa mid bil walba fisha geeridiisaa.

Sanadkii 1aad ee uu caawiyay haweenayda ayaa ayay xaaskiisii uur qaaday waxay dhashay ilmahoodii u horreeyay, illaa Alle ku arsaaqay 5 caruura, 3 wiil iyo 2 gabar, waxa dhacay waxa ay ahaayeen filan waa.

Waxa uu ku barbaariyay caruurtii dhaqan wnaaagsan, waxa uuna ahaa mid ku dadaala ilbiriqsi walba oo noloshiisa kamida khayrka iyo camalka wanaagsan, waxa uu gaaray 65 sano ugu dambayn waxa uu dhibtay isaga oo hurda.

Asbuuc kaddib geeridiisii ayay fureen sanduuqiisii sirta ahaa, markaas ayay ka heleen waraaqdii dardaaranka, markaa ayay aadeen gurigii haweenayda, way isu sheegeen, waxayna ubsheegeen in ay u wadaan lacagteedii billaha ahayd waxayna ogaysiiyeen geeridii Xaajiga, haweenaydii way mirugootay oo oyday, iyana waxay uga warrantay sheekadeeda oo dhammaystiran

Waxay tiri "20 sano ayuu I siinayay lacag wax badal ahna ima uusan waydiin oo Alle dartii ayuu ii caawin jiray, waxaan leeyahay caruur waxaana u barbaariyay si fiican fadliga Alle dartii, kaddibna kan Xaajiga dartii, waxayna u sheegtay in wiilkeedu u qaatay mushaharkii u horreeyay asbuuc kahor" waana isla xilliga uu dhintay Xaaji Cali.

Markaa ayay fahmeen caruurtii in Alle u dheereeyay aabahood da'diisa si uu u caawiyo haweenaydan iyo caruurteeda.

Dulucda/ujeedka/cibrada sheekadu

Waxa laga yaabaa in Alle kuu arsaaqo ama cimrigaaga kuugu dheerayo dad kugu tiirsan dartood sida shaqaale, darawal, qoys masaakiina ama qaraabo baahan, marka ku dadaal inaa dadka caawiso, laga yaabee in Alle kuu barakeeyo da'daada iyo maalkaagabee, waayo geeridu ma taqaan da' oo waxaa dhinta dhallinyaro waxaana noolaan kara duqay iyagoo caafimaad qaba.

11/06/2025

Kawarran haddii ilmo aa dhashay lagaa xado, 7 sano kaddib markaa heshayna lagugu qabsado?

10/06/2025

Ayaamihii u dambeeyay noloshayda!

09/06/2025

Falkii foosha xumaa ee ka dhacay dalka Kuwayt

Xiddig Media

Nagu soo biir, follow, like and share

عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير، تقبّل الله طاعتكم، وجعل عيدكم سعادة وفرحة لا تنتهي.بمناسبة عيد الأضحى، أسأل الله أن يتقب...
06/06/2025

عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير، تقبّل الله طاعتكم، وجعل عيدكم سعادة وفرحة لا تنتهي.
بمناسبة عيد الأضحى، أسأل الله أن يتقبل منا ومنكم صالح الأعمال، ويجعل أيامكم كلها أعياد.
عيد أضحى مبارك، أعاده الله علينا وعليكم بالخير واليمن والبركات.

Address

Mogadishu

Telephone

+252613803331

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xiddig Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xiddig Media:

Share