02/02/2021
Madaxwayne Ahmad Abdi karie " QoorQoor", maanta waxaa halsano laga joogaa maalintii la doortay 02-feebraayo-2020 oo ay Galmudug lahayd laba madaxwayne, saddax caasimadood, labaatameeyo isbaaro, dagaal beelaydyo aan kala joogsi lahayn, qabaa'il kasta oo hubaysan, qasnada dowladda oo maran, Galmudug oo aan cidna hal doolar oo mushaar ah siin, laanta garsoorka oo aan jirin, Galmudug aan hal askari lahayn iyo dhibaatooyin kale oo badan. Maanta 02-feebraayo-2021, 365 maalin ka dib waliba iyadoo adduunyada kala xirxirnayd oo dalkuna kala xirxirnaa, iyadoo Galmudug aysan lahayn ilo dhaqaale oo haray u jiary, waxay maanta shacabka Galmudug leeyihiin, hal dowlad oo ku shaqysa caasimadii sharciga ahayd, hal qasanad oo aamin ah oo dhamaan canshuurahooda ay ku aroorsadaan, baarlamaan, gole wasiiro iyo shaqaale hela xuquuqdooda bil walba shacabkuna la xisaabtami karaan, ciidamo daraawiish ah oo Galmudug leedahay, Nabad la isku halayn karo oo gaarsiisay in soomaaliyu isgu tagto, sidoo kale waxaa hubkii laga aruuriyay oo gacanta maleeshiyo beelaydyadii awoodda badnaa, waxaa la daadajiyay maamulka dowladihii hoose ayaa shaqaynaya, Galmudug waxay joogta CAAD oo xarardheere 35km u jirta, waxaa Galmudug ka socda mashaariic hormarineed oo badan, maxaa intaas ka badan oo la qaban karay ?
Indhaha Caafimaadka qaba Galmudug dhismaysay arkaan.
W/Q:Abdiwali Dhagacade