Said Ateeno

Said Ateeno Halkani waa pagekayga Rasmika ah Soodhawoow mahadsanid ❤

Ninka ugu caansan barta Tiktok ee Khaby Lame oo laga musaafuriyay Mareykanka kadib markii uu ku xadguby sharciga socdaal...
08/06/2025

Ninka ugu caansan barta Tiktok ee Khaby Lame oo laga musaafuriyay Mareykanka kadib markii uu ku xadguby sharciga socdaalka dalkaasi.

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka (ICE) ayaa Jimcihii xirtay Khaby Lame, oo 25 jir heysta dhalashada Talyaaniga, kaasoo ah ninka ugu taageerada badan (Followers) badanTiktok.

Waxaa laga qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Harry Reid ee ku yaalla Las Vegas, Nevada, xarigiisa waxaa lala xiriiriyay ku xadgudubka sharciga socdaalka.

Sida AFP ay baahisay, Abriil 30, ayuu galay dalkaasi, isagoo kusii nagaaday muddo ka badan intii fiisihiisu loo oggolaa. Waxaa la xusay in la xidhay maalintii Jimcaha balse isla maalintaas la sii daayay.

Mareykanka ayaa ninkan dalkooda ka musaafuriyay, isagoon wali ka hadal dhacdadan, Lame wuxuu heystaa in ka badan 162 milyan oo raacsan TikTok.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu fulinayay ballanqaadyadii ololihiisa ee ku saabsanaa adkeynta xuduudaha iyo dhoofinta dad badan oo sharci darro ku jooga dalkaasi, inkasta oo arrimo badan laga hor istaagay maxkamadaha Maraykanka, hadana wali fulinta go’aamadiisa ayuu ku adkeysnaayaa.

Intii u dhexeysay Juun 2022 ilaa Sebtembar 2023 wuxuu bartiisa Tiktok ka sameeyay lacag ka badan $16.5 milyan (dolar), wuxuuna caan ku noqday muuqaalada gaaban ee aamusan oo uu kaga faaloodo casharrada iyo tabaha adag ee laga helo internetka, isagoo soo bandhigaya xalal sahlan oo qosol badan, waana taa mida dad badan ay ugu xirmeen.

Said Ateeno

Mayd Haraantiye.Wuxuu kasoo muuqday Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia, Waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa kamid a...
01/06/2025

Mayd Haraantiye.

Wuxuu kasoo muuqday Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia, Waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa kamid ah in uu haraantiyey ama Laad ku dhuftay nin la dilay oo mayd ah waxaana qabtay CC TV da xilligii uu Maydka haraantinayey.

sababta uu waxaas usameeyey markii la weydiiyey wuxuu yiri: "weligey qof wax igu sameeyey ma cafin ilaa aan ka aarsado"..

David Bus oo ah qoraaga buugga Evolutionary Psychology, ayaa wuxuu leeyahay:Waa khalad in la yiraahdo jacaylku indho mal...
24/04/2025

David Bus oo ah qoraaga buugga Evolutionary Psychology, ayaa wuxuu leeyahay:

Waa khalad in la yiraahdo jacaylku indho malahan. Runtii, jacaylku wax wuu arkaa—wuxuu arkaa xaaladdaada dhaqaale, yacni inaa ilkaha ku socoto iyo inkale, sidoo kale kartidaada oo inaad tahay qof nolosha lala wadaagi karo. Ma aha in qalbiga gabar lagu hanan karo kaliya 'hadal macaan' iyo niyad wanaagsan, gaar ahaan adigoo shiid ah.

Waad jeclaan kartaa gabar, laakiin yaa bixinaya Uber-ka, shaaha, ama hadii guur yimaado nolosha reerka?

Arintaas maxey kula tahay?

Aniga sawirka hoose ban ku cabiray arinta uu qoraaga ka hadlay! 😄

Said Ateeno

Fadeexad! Faa’idada kasoo baxda Shidaalka la qodayo 90% waxaa qaadaneeysa Turkida. 5% Somaliya ayaa lasiinayaaNuqul kami...
23/04/2025

Fadeexad!

Faa’idada kasoo baxda Shidaalka la qodayo 90% waxaa qaadaneeysa Turkida. 5% Somaliya ayaa lasiinayaa

Nuqul kamid ah Hashiiska Somaliya iyo Turkey ayaa la helay. Waxaana warkaan baahisay Warbaahinta dalkaas

Somaliya 5% ayaa laga siiyay faa’idada kasoo baxda shidaalka laga qodayo dhulkeeda. Hashiiskaan ayaana laga qariyay dadka Somaliyed iyo Barlamaanka.

Sidee u aragtaa.

“ 10-mar ayaan ka bad-baaday shirqool la igu dili lahaa laakiin anigu ma sheeg sheego mana rabo in aan xayaysiis u samee...
22/04/2025

“ 10-mar ayaan ka bad-baaday shirqool la igu dili lahaa laakiin anigu ma sheeg sheego mana rabo in aan xayaysiis u sameeyo cadowgayga” Madaxweynaha Burkina Faso.

Said Ateeno

Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa si mucjiso leh uga badbaaday isku day dil si weyn loo qorsheeyay, ...
22/04/2025

Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa si mucjiso leh uga badbaaday isku day dil si weyn loo qorsheeyay, kadib markii mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah la siiyay $5 milyan oo dollar si uu madaxweynaha meel gaar ah ugu keeno.

Goobtaasi waxay ahayd meel si gaar ah loo diyaariyay, waxaana sugayay rag snipers ah oo loo xilsaaray in ay toogtaan Madaxweynaha marka uu yimaado. Laakiin askarigii lacagta la siiyay ayaa si geesinimo leh u go’aansaday inuu daacad noqdo, wuxuuna lacagtii ula tagay Madaxweynaha isagoo uga digay shirqoolka.

Markii xogta la helay, isla markiiba waxaa la abaabulay hawlgal gaar ah oo lagu qabtay ragii snipers-ka ahaa ee dilka u diyaarsanaa. Ficilkan wuxuu muujiyay heerka khatarta ah ee Traoré wajahayo iyo sida daacadnimada hal askari u badbaadisay nolosha hoggaamiyaha qaranka.

W/q Said Ateeno

XOG) Ciidan ka socda Dowlada Turkey ayaa soo gaaray magalada muqdisho iyada oo lafilayo in ciidanka ay Argagixisada ka x...
21/04/2025

XOG) Ciidan ka socda Dowlada Turkey ayaa soo gaaray magalada muqdisho iyada oo lafilayo in ciidanka ay Argagixisada ka xoreeyan Degaano iyo degmoyin katirsan Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose oo kooxdu maalmihii lasoo dhaafay ay la waregtay deegano iyo degmoyin badan. Si kastaba Ciidanka Turkish ah ayaa la filayaa in ay waxwayn ku Soo kordhiyan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda somalia.

Said Ateeno

Wararka ku aadan in uu warqad iscadilaad ah gudbistay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ah kuwa aan sal lahayn sida a...
20/04/2025

Wararka ku aadan in uu warqad iscadilaad ah gudbistay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ah kuwa aan sal lahayn sida ay xaqiijinayaan xubno ku dhaw Taliyaha Military-ga Soomaaliya.

Taliye Odawaa Yuusuf Raagge ayaa la filayaa in uu dib ugu laabto furimaha dagaalka uuna hogaamiyo duulaamo culus oo dib loogu qabsanayo Aadan Yahaal iyo Masaajid Cali-gaduud oo mihiim u ah dagaalka Shebeelooyinka looga ciribtirayo Argagixisada.

Said Ateeno

WAR DEG DEG AH: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa warqad is casalaad u gudbiya mw xas...
20/04/2025

WAR DEG DEG AH: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa warqad is casalaad u gudbiya mw xasan shiiqa maxamuud..

Sidee u aragtaa is casilaada.. odawaa

Said Ateeno

Xogo hoose oo la helay ayaa tibaaxaya in MW xasan shiikh uu doonayo in uu mahad salaad markale u magacaabo Taliyah Nisa ...
20/04/2025

Xogo hoose oo la helay ayaa tibaaxaya in MW xasan shiikh uu doonayo in uu mahad salaad markale u magacaabo Taliyah Nisa kadib markii Sanbaloolshe uu ku fashilamay in uu ka hortago Weerarada Kooxaha Argagixiso ay ku Sooqadan Xeryaha Ciidanka military Somalia.

Sidee u aragtaa. Said Ateeno

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah lagu kala tagay, kaddib ...
19/04/2025

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah lagu kala tagay, kaddib markii ay xildhibaanadu ku kala aragti duwanaadeen mooshin la xiriiray xayuubinta xasaanadda xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa dalbanayay in xasaanadda laga qaado xildhibaanka, halka kuwa kalena ay si adag uga hor yimaadeen arrintaas, iyagoo ku dooday in hanaanka loo marayo mooshinka aanu waafaqsanayn dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Khilaafkaasi ayaa sababay buuq iyo muran xooggan oo ka dhex dhacay mudaneyaasha, taasoo ugu dambeyn keentay in fadhigii uu burburo, iyadoo guddoonka Golaha aanu gaarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan mooshinka.

Arrintan ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha baarlamaanka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu markale Golaha dib ugu laabto arrintaas si xal waara loogu helo.

Said Ateeno

19/04/2025

(Xog) Sidee loo dilay Taliye Tuur-Yare, Shirqool Mise... Said Ateeno

Address

28R3+P7W, Wadada Rajab Tayyib Erdogan
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Said Ateeno posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share