Cabdiqaadir Cawil

Cabdiqaadir Cawil Halakan waxaad ka helasaa warar sugan mararka qaar koodna beentu kama marna

20/08/2026

Welcome to Laasqoray

10/08/2026

Waxaan aamin sanahay gabar kasta oo Somaliyeed inay gesiyad tahay

06/08/2026

PSF bay baratay

03/08/2026

wa meesha kaliya oo Ciidan aan hubaysnayn magalada dhexmari karaan wa ilahay mahadii.

03/08/2026

Qofkii yiri 'ha rumaysan siyaasiyiinta' run ayuu sheegay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance:

2016: “Donald Trump waa musharrax aan ku habboonayn xilka madaxweynaha, waana qof aad u xun."

2022: "Trump waa madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee aan noloshayda arko."

Senatarka Lindsey Graham:

2015: "Trump u sheega inuu jahannamo aado."

2026: "Trump u sheega inuu dunida badbaadiyey. Ilaahay ha barakeeyo."

Senatarka Ted Cruz:

2016: "Trump, waxaad tahay fulay."

2026: "Trump waa geesi aan wax cabsi ah qabin."

Marco Rubio:

2016: "Trump waa khiyaanoole."

2026: "Ha isku dayin inaad la ciyaarto madaxweynahan."

Siyaasi meel uu joogaba wa munaafaq awalban Somalida la yabanayn.

27/07/2026

Gaalkacyo: Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa howlgal amni oo ay caawa ka sameeyeen magaalada ku qabtay gaari NOAH ah oo siday 250 tuute ciidan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay darawalkii watay. Boolisku waxay sheegeen in gaariga uu ka yimid dhanka Galmudug, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo cid kasta oo ku lug lahayd arrintan.

Sidoo kale, ciidanku waxay qabteen nin la sheegay inuu khamri cabsanayay, kaas oo gaari ku jiiray qof shacab ah kuna isku dayay inuu baxsado. Taliyaha Qaybta Booliska Mudug ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isagoo uga digay dadka amni-darrada wada inay la kulmi doonaan tallaabo sharci ah.

Dowladnimada puntland yaan gorgortan laga galin.

27/07/2026

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu

ayaa sheegay inuu weli qorsheynayo inuu ka qayb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly) ee ka dhacaya New York.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay duqa magaalada Zohran Mamdani inuu hurinayo nacayb, kaddib markii Mamdani uu ballanqaaday inuu fulin doono amarka qabashada ee Maxk**adda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee ka dhanka ah Netanyahu, kaas oo la xiriira eedeymo dambiyo dagaal.

27/07/2026

Xanuun badanaa. Yasmin waa gabar yar oo reer Qaza ah, gurigoodii kuyaalay Jabaaliya waalaga burburiyay, hadda waxay qoyskeeda ukeentaa biyaha ay cabaan balse culeeska biyaha ayay la dhaceysaa.

Yasmiin waxaa la weydiiyay waa maxay waxa aad kuriyooto ama aad dooneyso inaad noqoto, waxay tiri “Wax riyo ah malihi. Kaliya waxaan uxiisay gurigeena”

Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa maalin ka hor baahiyay Baxrayn iyo Kuwait inay qayb ka noqd...
26/07/2026

Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa maalin ka hor baahiyay Baxrayn iyo Kuwait inay qayb ka noqdeen weerar ka dhan ah Iiraan oo diyaaradaha dalalkaa ay fuliyeen weerar ka dhacay gudaha Iiraan.

Warkan waxaa khatar u aragtay Kuwait , iyadoo warsaxaafadeed uu maanta baahiyay safiirka Kuwait u fadhiya Mareykanka, Sheekh Al-Zain Al-Sabah uu ku sheegay inay been tahay warbixinta uu baahiyay wargeyska Wall Street Journal, isagoo sheegay in Kuwait aysan ka qeyb qaadan wax howlgal militari ah oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana aysan oggolaan in dhulkeeda, hawadeeda ama biyaha gobolka loo adeegsado weerar lagu qaado dal deris ah.

Danjiraddu waxay sidoo kale ka dalbatay wargeyska Wall Street Journal inuu saxo wararka uu daabacay.

25/07/2026

Somalida qaarka miduu ka turjumaya

Address

Xamarwayne
Mogadishu
WARA HA HUBO

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdiqaadir Cawil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share