Mahad News tv

Mahad News tv Mahad news TV Kala soco warar cusub

31/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Hassan Cabdiqaadir, ayaa maanta tababar u soo xira...
12/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Hassan Cabdiqaadir, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Halyeeyadan cusub ayaa qaatay tababar socday muddo lix bilood ah, waxaana si gaar ah loo xoojiyey tayadooda, loona dhammaystiray aqoontooda iyo agabkooda ciidan.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa Wasiirka ku wehliyey Xildhibaan Ibraahim Xaaji, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.
Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey halyeeyadan cusub dadaalka ay muujiyeen intii uu socday tababarka, iyagoo ku booriyey inay si hufan uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Address

Baidoa
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad News tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share