Baalasha Ganacsiga

Baalasha Ganacsiga Rag waxaa is dhaafshay xaas wanaagsan, Ganacsina xayeesiin wanaagsan.

13/09/2025

Waa fursad ka banaan suuqa ka ganacsiga doolshaha,

Gaari gacan celis ah waa goysaa $100 šŸ˜‚
11/09/2025

Gaari gacan celis ah waa goysaa $100 šŸ˜‚

Halki joog oo ah kabaha Angel Reese $1000 in lagu iibiyo ayay rabta gabadhaan, shirkada Reebok oo kabaha u sameysana wax...
10/09/2025

Halki joog oo ah kabaha Angel Reese $1000 in lagu iibiyo ayay rabta gabadhaan, shirkada Reebok oo kabaha u sameysana waxeey rabaan in ay ku iibiyaan $140.

Gabadhaan waxeey ku doodeysaa in ay heysato taageerayaal badan oo daacad u ah social media una quuro lacagtaas, waxeey leedahay, ā€œWaan ogahay lacagtaas qiimaheyga lacagtaas waa u qalmaaā€.

Adiga ma og tahay qiimahaada imisa lacag ah ayaadna u qalantaa?.

Maqaayada sameeyo Pizza-da ma ku qasban yihiin in ay kuli 8 slices (8 cad) gadaan?Marki aad ganacsi sameyneysid waxaa ji...
09/09/2025

Maqaayada sameeyo Pizza-da ma ku qasban yihiin in ay kuli 8 slices (8 cad) gadaan?

Marki aad ganacsi sameyneysid waxaa jiro wax la dhaho domestic business, (Ganacsi gudaha ah) wuxuuna la falgalaa local market-ka,

Marki aad Soomaali joogto waa in ay jirtaa waxa la dhaho business belonging, dadka aad u adeegeysid waa in ay ganacsigaas ka dhex arkaan daruuftooda ama dhaqankooda.

Tusaale marki aad Soomaaliya joogtid maaha in aad ku jimeyso wadamada dadkooda ay badi dhalaan 2 ama canug iwm,

8 slice waxaa loogu talo galay hal famil oo ka kooban hooyo, aabe, 2 ama 2 cunug, halka Soomaalida ay dhalaan 5 iyo ka badan.

Xitaa hadii aad soo qaadatid maqaayad franchise ah waa laguu ogol yahay in aad ka dhigto multinational, si ay ula falgasho dadka aad suuqa ka rabto.

Waxaa la yaab ah Soomaalida ganacsiyada ayagoo leh local kaliyana wax ka iibiyo hadana ma awoodaan in ay ganacsi local ah ka dhigaan,

Sida da caadiga ah ilaa 14 cad waa la gaarsiin karaa xitaa 20 cad, ma sheegin hadeey isla isticmaalaan hal roller blade.

Dhalinyrada ganacsatada ah waxaan usoo jeedinaayaa suuqa pizza-da fursad weyn ayaa ka banaan ka faa’iideysta, midna ogaada suuqaas qasaaro malaha marki loo fiiriyo qiimaha oizza-da la iibiyo iyo waxa laga sameeyo qiimahooda.

Hadii aad wax ka taqaan qof ka fikiraayo in uu sameesto ganacsi mention ku dheh ama luuqa ugu dir

Mahadsanid

Online-ka shirkadaha wax ku iibiyo, ma waxeey haayaan kaliya. Daawadi bahalka dheereyneysay, daawadi bahalka weyneyneysa...
08/09/2025

Online-ka shirkadaha wax ku iibiyo,

ma waxeey haayaan kaliya. Daawadi bahalka dheereyneysay, daawadi bahalka weyneyneysay, daawadi bahalka xoojineysay, daawadi bahal…..?

Waliba waxaa lagu leeyahay DAAWADA AAD WADA SUGEYSEEN WAA IDIIN KEENAY, shimee idin dirsadayna?

Nacalaa weyneyskiina iyo Xoojiskiina ku yaale, bahalkaan falaad iyo tijaabo ma galee wax kale oo aan idinka iibsano noo soo saara meesha ama naga deysta.

Mise da’da aan yareestaa 25 jir ma ku qortaa?

Qofki shaqo wanaagsan qabto Alle ma dayaco! Ninkan oo lagu magacaabo Kevin Ford ayaa muddo 27 sano ah ka shaqeynayay Bur...
07/09/2025

Qofki shaqo wanaagsan qabto Alle ma dayaco!

Ninkan oo lagu magacaabo Kevin Ford ayaa muddo 27 sano ah ka shaqeynayay Burger King farac ay ku leedahay garoonka Los Angles, shaqadiisa maalin k**a maqnaan, sooma daahin xataa wax cabasho ah sooma gudbin, howshiisa si kal iyo laab ah ayuu u gudanayay.

Iska qiyaas qof noloshiisa oo dhan u huray inuu dadka kale u shaqeeyo, inta u cudurdaar ee xaalado caafimaad ama arrimo reerkiisa ku saabsan uu heli karay haddana doortay inuu maalin walba soo shaqo galo!!

Shirkaddi uu u shaqeynayay ayaa go'aansatay iney karaameyso balse karaameyn uma ekeyne, garasho la'aan ayaa dhacday, arrintina bahdil ayey isku bedeshay oo waxaa loo haddiyeeyay koobka biyaha heer kulkiisa ku ilaaliyo iyo ticket shaneemo!

Sida iska cad shirkadda wey garan weysay qiimaha naf hurnimada uu u sameeyay, dareenka niyad jabka iyo xanaaqa leh ee uu ka qaaday abaal marintan beenta ah ayaa baraha bulshada qabsaday, dadki daawadayna layaab ayey ku noqotay. karaameyn yeelkadeede howshi bahdil iney isku bedeshay ayaa la isku raacay!

Sabraa ayaa sedkiis helee gabadhiisa ayaa arrinti ka fal celisay waxayna u furtay xisaab tabarucaad ah (Go Fund Me) iyadoo dalbatay in aabbaheed kaliya laba boqol oo doolar lagu abaal mariyo, xeelad fiican ayey ahayd, kumanaan qof oo muuqaalki daawaday ayaa gurmad sameeyay waxaana loo aruuriyay lacag gaareyso $400,000 (afar boqol kun oo doolar)

Lacagtaas loo aruuriyay, Kevin waxaa u suuro gashay inuu riyadiisa rumeeyo, reerkiisana u iibiyo guri u qalmo, sidoo kale wuxuu furtay mashruuc ganacsi oo yar oo gabadhiisa ay kala shaqeyso. Qisadi bahdilka noqotayna waxay isku bedeshay cashiro nololeed oo ay ka mid yihiin: Daacadi ma hungowdo, dadaalkana meel cidlo ah kuma dhamaado, dadka qiimaha lehna iney dareemaan wanaagga loo sameeyo!

- Nasri Juka

03/04/2025

Gabadhaas ka faa’iideysta una faa’iideeya gabdhoow

27/02/2025

1click

Address

Waabari
Mogadishu
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baalasha Ganacsiga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baalasha Ganacsiga:

Share