03/12/2020
Wiilkii yaraa ee gurmadka ka helay baraha bulshada.
Wiilkan yer ayaa baraha bulshada qabsaday labadii maalin ee la soo dhaafay, waana wiil ku nool magaalada Boosaaso.
Magaciisa koowaad waa Cabdiqaadir waxa sawirkiisa soo geliyay barta Twitter-ka Saciid Fadhaye oo ah sawir qaade iyo filim sameeye caan ah.
Saciid ayaa wiilkan yer kula kulmay magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarrunta ganacsiga Puntland, waxaana wiilka yer xirnaa xilliga sawirka laga soo qaaday fanaanad astaanta Soomaaliya ay ku taallo oo ah kuwa cayaaraha, waxaana ka muuqatay diif iyo daal.
Wiilkan yer iyo waalidkiisa ayaa ka mid ah dad badan ooo ku nool xeryoo ay ku nool yihiin dadka soo barakacay oo ku taalla magaalada Boosaaso.
Sawirka wiilka ayaa markii la soo dhigay baraha bulshada, waxaa ka hadlay dad fara badan oo kuwaasoo ku farxay farxadda ka muuqata wiilkan yer ee diifta ka muuqato, waxaana sawirka uu muujiyay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu dul qaataan dhibaatada.
Sawirka waxa kale oo dadku ay ku tilmaameen mid rajo muujinaya waayo wiilka yer isagoo daruufeesan ayuu haddana faraxsan yahay, waa tuu yiri: Gabyaa inkastoon sabool ahay, hadana waa sariiktaa, oo sacabada mahoorsado.
Si kastaba, dad badan oo dalka iyo dibadda jooga ayaa taageero u fidiyay Cabdiqaadir yare, waxaa ka mid ah dhallinyaro ku nool Boosaaso oo markii ay sawirka wiilka baraha bulashada ku arkeen ay u soo iibiyeen dhar tintana ka soo jareen kana soo farxiyay sida ka muuqata sawirrada halkan ku jira.
Haddaba, Saciid Fadhiye ayaa sheegay in dad badan ay la soo xiriireen markii ay sawirka wiilka arkay ayna doonayaan in ay caawiyaan.
Haddaba, cid kasta oo rabta in ay caawiso wiilka yer ee baraha bulshada qabsaday,waxa ay kala xiriiri karaan taleefonkan+252906660629, oo ay sidato hooyadii Dudda Jamaal Cumar.
W/Q: Maxamedkaafi Cali Muumin