Xog-side

Xog-side Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xog-side, Media/News Company, 30 Street near labo dhagh, Mogadishu.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xabsi ciidan oo muddadiisu tahay 5- sano ku riday taliyihii Booliska degmada Howl...
18/05/2021

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xabsi ciidan oo muddadiisu tahay 5- sano ku riday taliyihii Booliska degmada Howl-wadaag kaas oo ku eedaysanaa ku lug lahaanshaha dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo maxkamaddu ay tilmaantay inuu ahaa mid aan ku talagal aheyn.

Sidee u aragtaa Go'aanka Maxkamadda ?

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taalada SYL, kaas oo lagu maamuusayo 78-sanno guura...
15/05/2021

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taalada SYL, kaas oo lagu maamuusayo 78-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ururkii Gobbonnimo-doonka ahaa ee Dhallinyarada SYL.

14/05/2021

WAR DEG DEG AH

Banaanbaxyo looga soo hor-jeedo Xasuuqa ay Israa'iiliyiintu ka wadaan dhulka Falastiin ayaa ka bilowday qeybo kamid ah Muqdisho.

Masaajidada qaar ee Muqdisho ayaa laga iclaamiyay dibadbaxyadan kadhanka ah Yahuuda.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa Hambalyo ku aadan ciiddul Fidriga u diray Umadda Sooma...
13/05/2021

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa Hambalyo ku aadan ciiddul Fidriga u diray Umadda Soomaaliyeed.

13/05/2021

Digniinta caawa lahelay ee halista badan mala socotaa?

Alshabaab waxay galabta kasoo diray tuulada Kuntuwaarey ilaa 100 Qof oo xiran jaakadaha ismiidaaminta ah kuwaas oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaana loo soo diray magaalada Muqdisho.

Goobaha la bartilmaameedsan karo ayaa ah dhammaan meelaha ay dadku ku badan yahihiin gaar ahaan meelaha ay ku kulmi karaan saraakiisha iyo ciidamada dowlada si loogu tukado.

Goobaha la bartilmaameedsan karo waxaa sidoo kale ka mid ah hoteelada, maqaaxiyadaha, masaajidada waddooyinka, xeebta liido iyo meel kasta oo suuragal ah oo ku taal Mogdisho oo ay dadku isugu imaan karaan.

Taxadarka Badiya

Xogside Media

12/05/2021

madax weynaha maamulka hirshabelle mudane cali guud lawe aya ku mashquulsana malmahan danve kala xulashada xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa sida ay no xaqiijiyeen saraakil ku dhaw xafiiiska madaxweyna
waxa la filayaa malmahan so socda in lagu dhawaaqo xubnaha golaha wasiirada madaama waqti badan la sugaayay in la shaaciyo xubnaha kamid mid noqonaya golaha fulinta hirshabelle
waxi so kordho halkan igu sug

MWFarmaajo oo amray in xabsiga laga daayo 179 maxbuusXilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee E...
12/05/2021

MWFarmaajo oo amray in xabsiga laga daayo 179 maxbuus

Xilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye ka sii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo, kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda Awgeed

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ka yimid codsiga ah in maxabiista daruufaha fudud u xiran qiimeeyn gaar ah loo sameeyo, isla markaana munaasabadda ciidda awgeed laga cafiyo dambiyada yaryar oo ay ku jiraan xukunada.

Gaashaanle Sarre Cabdiqani Maxamed Qalaf Afhayeenka Ciidanka asluubta ayaa uga mahadaceliyay xafiiska xeer ilaalinta dadaalka ay ku bixiyeen siideynta maxaabiista daruufaha fudud u xiran.

Qaar ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu siidaayay ayaa tilmaamay inay aad ugu farxeen inay dib u heleen xoriyaddooda ay la midoobayaan eheladooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maxabiista kula dar daarmay in ay bulshada kula laabtaan macaamil wanaagsan, cafiska la siiyayna kaga faa’iideystaan in aysan dib ugu laaban waxkasta oo keeni kara xabsi.

Albaabada xabsiyada MBC iyo Xabsiga dhaxe ayey ka baxeen iyaga oo wajiyadooda ay farxad ka muuqato, waxaana farxada ciidda ay la qaadanayaan eheladooda, ayada oo laga cafiyay dambiyadii fududaa oo ay xabsiga ugu jireen.

12/05/2021

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka maamulka Israel uu ku hayo masjidka Al-Aqsaa iyo muslimiinta reer Falastiin.

12/05/2021

Ciid Wanaagsan dhamman muslimiinta meel walbo oo ay jogan sanadkan kisa kale samo ku gaara

Address

30 Street Near Labo Dhagh
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xog-side posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share