Liban Abdi Ali

Liban Abdi Ali kusoo dhawoow Halkan.

17/09/2022
16/09/2022

Sawirkaan muxuu kuula muuqdaa, bal ka dheh weedh ku haboon.
Liban Abdi Ali

14/09/2022

Go'aan qaadashadu k**a dhigna fulin.
Liban Abdi Ali
Liban Abdi Ali

13/09/2022

Sheeko mudan ku Cibraqaadasho oo ku qottonta "Qofna ha ku abaal dhicin"

Sheekadaan waxaad ka heli doontaa inbadan oo ku cibraqaadasho leh.

Waxaa la sheegaa inuu jiray boqor kaa oo dalbaday in 10 Eeyood kuwooda arxan ka daran loo rabaayadeeyo si wasiir kasta oo khalad ku dhaca loogu tuuro Halka ey kujiraan Eeyahaasi, sidaana ay ku cunaan.

Maalin maalmaha kamid ah Waxaa gef ka dhacay wasiiradiisa mid kamid ah Kaa oo siiyey boqorka aragti khaldan oo boqorka uu arkay miduuna ka helin.

Waxa uu amray in lagu tuuro Halka Ey ku noolyihiin Eeyaha u diyaarsan iney cunaan cid kasta oo lagu Soo dhad tuuro, wasiirkii ayaa boqorka wuxuu ku yiri: waxaan kuu shaqeenayay 10 Sano sidan ayaadna iigu abaal gudeysaa.

Wasiirkii oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waxad isiisaa 10 maalmood inta la igu tuurin Eeyaha, boqorkii waa uu aqbalay.

Wasiirkii ayaa u tagay waardiyaha gacanta ku haya Eyaha waxa uuna u sheegay in kaliya 10 maalmood uu rabo inuu u adeego Eeyaha.

Waardiyihii ayaa yiri: Maxay tahay faa'iidada kuugu Jirta?, Wasiirkii ayaa ku jawaabay: dib ayaan kaaga sheegi doonaa.
Waardiyihii waa uu aqbalay codsiga.

Wasiirkii ayaa billaabay daryeel quudin iyo sidoo kale meyrid uu u sameenayay Eeyaha waxaana uu siiyey waqti uu kula qaatay jawi macaan isagoo la ciyaaraya.

10 maalmood kadib

Waxaa la gaaray xilligii fulinta amarka boqorka Kaa oo ah in wasiirka lagu tuuro Eeyaha si ay u dilaan, waxaana lagu dhex riday wasiirka Eeyihii meesha ku jiray ee loo carbiyey qofkii lagu rido iney cunaan.

Boqorka ayaa billaabay inuu eego sida loo cuni doono wasiirka, Eeyihii ayaa ku farxay
In lagu Soo rido wasiirkii waxay billaabeen durbadii inay la ciyaaraan laabtiisa ay Soo galaan ayaga oo ku faraxsan Nasiibka ay u heleen in markale ay arkaan naxariis badanihii waxbadan u qabtay.

Boqorkii ayaa yiri: maxay sameenayaan Eeyahani?
Wasiirkii ayaa ku jawaabay: waxaan u shaqeeyey Eeyahan 10 maalmood, meyna illoowbin wanaaggii iyo shaqadii aan u qabtay, adiga waxaan kuu shaqeeyey 10sanadood waxaase illowday muddadaas dhan ee aan kuu shaqeenayay.

Boqorkii waxa uu raariciyay madaxiisii wuxuuna dalbaday Cafis.

Dulucda sheekadaan:
1. Ha u tirtirin waxyaabihii quruxda badnaa xaalad isbedel ah ee aadan jeclaysan, si aydaan u waayin dadka ugu sharafta badan uguna xasuusaha macaan.

Liban Abdi Ali
Liban Abdi Ali

Khilaafka oo dheeraada wuxuu ka turjumaya in labada dhinac ba uu xaggiisa ka jiro khalad.Liban Abdi Ali
13/09/2022

Khilaafka oo dheeraada wuxuu ka turjumaya in labada dhinac ba uu xaggiisa ka jiro khalad.

Liban Abdi Ali

Rabitaankaaga Marka uu lumo,  ma sameyn doontid isku day ah inaad ka faa'iideysatid fursadaha Xitaa haddii rabitaankaaga...
13/09/2022

Rabitaankaaga Marka uu lumo, ma sameyn doontid isku day ah inaad ka faa'iideysatid fursadaha Xitaa haddii rabitaankaaga jilbahaaga uu yimaado.

Liban Abdi Ali

Ku dadaal Raalli ahaanshahaaga, ogow hadii 10 kaaga farood aad shumac ka dul shiddo xittaa ayna raalli galin kareyn dadk...
13/09/2022

Ku dadaal Raalli ahaanshahaaga, ogow hadii 10 kaaga farood aad shumac ka dul shiddo xittaa ayna raalli galin kareyn dadka.
Liban Abdi Ali

Marka Enigineerka uu yahay Fanaan🤣🤣🤣.Liban Abdi Ali
12/09/2022

Marka Enigineerka uu yahay Fanaan🤣🤣🤣.

Liban Abdi Ali

Waxa uu u dadaalaa si xaaskiisa ay u noqoto   qurux badan, ragga  noocaas ayaa laga Hela, duca qabta ayaana heli karta.L...
12/09/2022

Waxa uu u dadaalaa si xaaskiisa ay u noqoto qurux badan, ragga noocaas ayaa laga Hela, duca qabta ayaana heli karta.

Liban Abdi Ali, Like hadii aadan saarin page kan fadlan hadda ii saar ilana soco

11/09/2022

kasta k**a dhigna in qofku uusan jawaabi karin.

Abwaan-Taatiko
Liban Abdi Ali

Ma arki kartid culayska qofka kale heysta, isagana  ma dareemi karo xanuunka aad ku jirto.  Tani waa nolosha dhabta ah ,...
04/09/2022

Ma arki kartid culayska qofka kale heysta, isagana ma dareemi karo xanuunka aad ku jirto. Tani waa nolosha dhabta ah , hadday tahay shaqada, qoyska, dareenka ama asxaabta, waa inaan isku daynaa inaan is fahanno.

Baro inaad si ka duwan u fikirto, waxaana laga yaabaa inay sii caddaan doonaan wax waliba oo aad ogaan doontid xaaladda dhabta ah ee qofkaa uu ku suganyahay.

Liban Abdi Ali

TALOOYIN KU ANFICI KARA HADDII AAD AKHIRSATO.1. Haku dhihin Ubadkaaga: istaag oo tuko haddii kale waxaad Galeysaa jahann...
04/09/2022

TALOOYIN KU ANFICI KARA HADDII AAD AKHIRSATO.

1. Haku dhihin Ubadkaaga: istaag oo tuko haddii kale waxaad Galeysaa jahannamo, laakiin waxaa tiraahdaa kaalay oo ila tuko si aan jannada ugu wada sugnaanno.

2. Ha ku oran dhallaankaagu: kac oo hagaaji qolkaaga kaas oo aan habeysneyn, taa badalkeeda waxaad ku tiraahdaa: ma u baahantahay in lagaa caawiyo habeynta qolkaaga sababta oo ah adiga had iyo jeer waxaad jeceshahay nadaafadda e?

3. Ha ku dhihin Canugaaga: kubadda ha ku cayaarin guriga xittaa wadada, laakiin waxaad dhahdaa: kubaddu waxay leedaha meel ku haboon oo lagu cayaaro (Garoon ka).

4. Ha ku odhan waladkaaga: kac oo waxbaro iskana jooji cayaarta waxbarashada ayaa muhiimsan, taa badalkeeda waxaad ku dhahdaa haddii aad dhammeyso waajibaadka cashir ee kuu yaalla waad cayaari kartaa waxa aad doontid.

5. Haku dhihin ubadkaaga: ha illoobin inaad gacmahaaga dhaqdo kadib markaad wax cuntid taa badalkeeda ku dheh waxaan jeclahay udugga Gacmahaaga kadib marka aad wax cunto.

6. Ka ilaali dhallaankaaga inaad tiraahdo: ha ku sawirin wax gidaarka oo ha halleyn darbiga bal waxaa tiraahdaa ku sawir warqad waxaad jeceshahay ka dib waxaan ka soo laaladin doonaa dusha sare ee gidaarka.

7. Ha ku dhihin ubadkaaga : waa maxay farshaxankan aadka u xun ee aad sawirtay taa badalkeeda ku dheh waan ka helay midabada kala duwan ee aad isticmaashay iyo sidoo kale xariijimaha sida aad u toosisay taa ayaa u noqoneysa dhiiragalin uu markale ku sameyn doono kan mid ka sii wanaagsan.

8. Ha ku oran ubadkaaga dhanka bidix ha u seexan taa badaklkeeda ku dheh nabigeena ayaa ina baray inaan u seexanno dhanka midig.

9. Ha ku dhihin : doqonyahow maxaad uga jawaabi weyday su’aasha taa badalkeeda ku dheh waa saxantahay balse waxaad ubaahantahay caawimaad waxaana hubaa su’aasha labaad inaad sixi doontid adiga sababta oo ah waxaa tahay qof caqli badan.

Ka fogow soo jeedin ta xun ee adeegso talo bixin togan, markaad ilmahaaga ka ilaaliso shey, isku day inaad siiso bedel kale haddii ay suuragal tahay.

Waan hubaa inaad soo gaartay dhammaadka qoraalkan, waxaase kaa codsanayaa inaad ii reebto falcelintaada adiga oo comment ga iigu reebaya, lana wadaagaya saaxiibadaada.

Liban Abdi Ali

26/08/2022

Qaar ka mid ah ereybixinta lacagaha la xiriira. Fadlan wax ku dara, wax ka saxa, saaxiibbayaal.

Blood money = diyo
Dowry = mahar
Fine = ganaax
Tip = baqshiish
Ransom = madaxfurasho
Blackmail = baad
Interest = dulsaar
Expense = kharash
Price = qiime
Rent = kiro
Salary = mushaar
Compensation = magdhow
Tax = canshuur
Termination pay = xaq
Allowance = gunno
Bonus = korsocod
Bus fare = baabuur raac
Per diem = habeen dhax
Contribution = qaaraan
Alms = saddaqo
Donation = tabaruc
Debt = deyn
Loan = amaah
Aid = deeq
Budget = miisaaniyad
Income = dakhli
Capital = raasamaal/ lafo
Profit = faa’iido
Loss = khasaaro
Subsidy = kabid
Bribe = laaluush
Kickback = dhacdhac
Incentive = niyad dhis
Reward = abaal marin
Pocket money = jid mar/ nooli/ shaah cabaal

W/Q- Ibrahim Osmaan

   Way ka tagi kartaa ninka Hodanka ah iyo  ninka quruxda badan, Laakiin marna k**a tagi karto ninka   leh! Ninki ay ku ...
25/08/2022

Way ka tagi kartaa ninka Hodanka ah iyo ninka quruxda badan, Laakiin marna k**a tagi karto ninka leh! Ninki ay ku dareentay iyo in uu ka maarmi waayay, ninkii u oo ilmada ka masaxay daqiiqado ay daciiftay, ninkii ka ilaalin jiray qoyskiisa iyo qoyskeeda ku hayaan noloshiisa iyo nolosheeda.

Qalbiyada laguma iibsado lacag, xoog, iyo qurux toona, Qalbiga waxaa lagu gataa naxariis.

Liban Abdi Ali

Welcome.
24/08/2022

Welcome.

24/08/2022

Welcome🤘🤘🤘

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252619989851

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Liban Abdi Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share