
04/05/2025
Heesaha geela inta haatan madaxayga ku jirta ama xasuustayda dhaw aan ka qori karo oo aan waayadii ugu dambaysay geela ugu heesi jiray qaarkood. Waa kuwakane bal ila arka.
Heella tumihii
Habeenka aroor
Kaa horreyn jiray
Halla tari waa.
Abeer saxansaxo
Haddii saxar maro
Haraantida sayr.
Gus la gaaxshiyo
Gablankaa xune
Wadaan gurahaa
Guur kuma habbana.
Kii ka dhuuntoo
Markuu dhalo yimid
Kaasi dhimayoo
Dhuuni-raac noqonay.
Wiil magaalada
Maalmo taagnaa
Oo mijo-cas miray,
Maalintii ceel
Kaa maqnaayayo
Kuu mijirin waa.
Geedo balashaqay
Oo barbar u yaal
Baadi goobaay
Biciidkuba waa'.
Baarqab guuniyo
Gool ma wadatide
Ma gob baan hanan?
Mise geelaa
Gu' dhawaytiyo
Gadaal la askumay?
Abeerku carrada
Ciil uu qabo iyo
Caro isugu leged,
Anna calallada
Ciil aan qabo iyo
Caro isugu maray.
Nimaan wiil dhalin
Walaalna aan qabin
Walbahaar iyo
Walwal kugu maal.
Shubaal badawnimo
Waa nin labo baac
Bartankood galay
Oo biyaha qubay.
Maalintay Qaw
Qaawantahayoo
Qabqableedahay,
Raggu qooraha
Qarsan waayoo
Qayd isaga laab.
Rundudka Carwo
Baa run la moodoo
Raggu il-baqay
Anse ku il-furay.
Adoo ruun dagay
Oo ratiga raba
Rafan dhagaxliyo
Ragaad kuma mudo.
Awrku doobbida
Ka digsiiyayoo
Kaala dabo yimid,
Anna dabarkiyo
Doobi caano leh
Kaala dabo tagay.
Saabbuun cadartiyo
Saliidda udgoon
Waa na saaqdaye
Ma adigaa siday
Oo sibraha ku leh?
Adoo guga rimay
Oo gulgula wayn
Garoob wiilkeed
Gool aan dhaliniyo
Galoof kugu sheeg.
Gar madoobaha
Gugii maalaa
Gayracdii shuba.
Kaaga jeellani
Intuu jimirrico
Jeeniga i saar
Oo i jabin gaar.
Markuu darantiyo
Daacullaha cuno
Ayax dagay iyo
Daruur u egeey.
Adaa agab la'da
Abaarta u dhow
Ku ummulayoo
Ilmo seexsaday.
Muxuu odayaal
Meel abaariyo
Aaha uga tagay
Oo anna i sigay.
Shaluu maajiin
Aan madoobayn
Maraanmarayoo
Meelo ku ambaday.
Meeluu shalay tagay
Maantana u baxay
Madoow mooyee
Magool ka idlee.
Wiilal habar la'a
Oo hamuun qaba
Oo halaanhalay
Bay habtaayoo
Hooyadood tahay.
Afarta irdood
Oo Absame d**o
Ilaalada mari
Oo wax ku arkoo.
Goodeey galabtii
Gabayruhu dhacay
Gurmogo'an iyo
Geed ma loo koray
Oo ma la is galay.
Nimaan hooyadi
Hadba wiil dhalin
Kaasi hoogyoo
Howl u joog noqoy.
Jedda Boocame
Jeexa dhuurta leh
Joogi mayside
Jaawooy ololkiyo
Jimiimica daa
Oo biyaha jamo
Oo jannada nuug.
Mayran gabadhii
Maryo xiratoo
Magaalada beri
Soo mardaadiday
Maanku iga raac,
Adna Mayrooy
Madoobaha roob
Mayga soo baxay
Maanku kaa raac.
Hillaac bilig yiri
Ha u bukoonoo
Beer-ku-taashiyo
Bogga ha u lulin.
Goodir curatiyo
Haddan garab wayn
Guga kaa dhalin
Waa la go'ayoo
Waa la gubanyahay.
Hadduu doog da'o
Oo durbaanadu
Dig dig leeyaan
Kuu dad maahiye
Bisha D**o iyo
Goortay dirirradu
Soo duleedshaan
Diraacda i dhowr.
Adoo Qararrada
Qaarka sare iyo
Qoorta kula jira
Quble kugu yimid
Oo kuwada qoo.
Alloow sadaqada
Saacad iyo Layl
Lagaa sii sido
Kaaga saxal tiroo
Kuugu samo yeel.
Saan u taagnayn
Baan togtogannoo
Tayarax dheeriyo
Timaa naga haray.
Qumman quruxdii
Kaama qubanine
Awrka qoorkiyo
Qaalmahaa sida.
Jiilaalkii dheer
Jaawooy adigiyo
Carmal jeeb luu
Jiirku ku haraa
Oo la jecelyahay.
Doobigii guga
Lagaa dowdabay
Daaman dheeriyo
Dalbo kuu yeel.
Geelu galabtii
Galoof iyo guran
Ma isu kala guray,
Anna galabtaas
Gaajo iyo oon
Geed ma kula haray.
Qumman gabariyo
Naaska Qaawaba
Laygu qaadyoo
Layga qabam waa.
Dowliga hummaag
Oo hubkayga ah
Maan hagoogtoo
Maan anba huwado.
Sabaannada dhacay
Saxalka is maray
Adba sigatoo
Siigeey oloshaye,
Sac nin maaliyo
Sabool ari lihi
See u noolyahay?
Teebaa ku cajabisay Murti ahaan iyo Miro ahaan?
Aniga:
*Adoo guga rimay
*Oo gulgula wayn
*Garoob wiilkeed
*Gool aan dhaliniyo
*Galoof kugu sheeg.
Muxuu ilmo xunoo uus buuran geel ka yaqaan.😂
Suulka ku xajiya, dhuuxa, siina faafiya.
WQ: Goodirkii Hawd, Nairobi.