02/12/2025
Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si weyn u dhaliilay arrimaha ka socda gudaha Somaliland isaga oo sheegay in Somaliland wajahayso xaalad aad u adag oo ka dhalatay jihayn la'aanta bulshada wakhtigan haysta.
Maareeye wuxuu xusay suurtagalnimada in uu Somaliland yimaado si uu qayb uga noqdo dib u sixida Somaliland sida uu aaminsan yahay.
Hadalka Maareeye oo qoraal ahaa waxa ka mid ahaa "Ogaada, hadaan si degdega rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!”
Hadalka wasiir Maareeye ayaa loo fasirikaraa laba mid uun in uu yahay kaftan iyo hadal tire aan dhaafsiisnayn qoraalka Face Book iyo in uu jiro qorshe uu xilka kaga degayo kadibna uu cafis soo waydiisto xukuumadda Somaliland sidaasna uu ula jaanqaado siyaasadda Somaliland.
Hadalka wasiir Maareeye ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya sheegay in uu quus joogo qaranimo Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa Afartan wax ku dhaliilay arrimaha ka socda Somaliland.
1. Talo xumo time dhaaftay oo aan cid dib u qiimeynaysa lahayn.
2. Qof masuuliyad sheegana oo iskaga hadlaya af-xumo aan loo meel dejin, badiil siyaasadeed lahayn, oo dadkii nabadna ka kaxaysay, colaad wax ugu tarin.
3. Odayaal Koofiyado xunxun oo jifo qabiil sheeganaya oo saf ku jira oo isu jiibinaya colaad iyo caay ku wajahan dawladda iyo jufi kale oo ay Hargeysa wada degaan oo cid wax ka qabanaysaa oo xidhxidhaysa lahayn.
4. Siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn.
Dheeh Media