Dheeh Media

Dheeh Media kalasoco wararka

WAR-SAXAAFADEED.05 JULY 2026
05/07/2026

WAR-SAXAAFADEED.
05 JULY 2026

Abtirka Soomaalida ilaa aadan iyo xaaawa Sab iyo Samaale *Abroone * Hiil Haweeve * Haweeve Waarid * Waarid Damar * Damar...
19/06/2026

Abtirka Soomaalida ilaa aadan iyo xaaawa
Sab iyo Samaale
*Abroone
* Hiil Haweeve
* Haweeve Waarid
* Waarid Damar
* Damar
* Gabal
* Samurre
* Kullan
* Omeetle
* Koraadle
* Kawshi
* Kaynaan
* Xaam
* Nuux
* Laamak
* Matuushalakhi
* Khanuukh (Idriis)
* Yaruud
* Mahyaaliil
* Qaynaan
* Anuush
* Shayth
* Aadan

DAWLADDA HOOSE EE MAGALADA BOSASO  OO BILOWDAY GAWAARIDA SOCONAYSA IN AY SAWIRO KA QAADAAN SI LOOGA QAADO LACAG GANAAXKA...
16/06/2026

DAWLADDA HOOSE EE MAGALADA BOSASO OO BILOWDAY GAWAARIDA SOCONAYSA IN AY SAWIRO KA QAADAAN SI LOOGA QAADO LACAG GANAAX
KANI WAA GAARIGAYGA OO MARAYA WADADA HALBOW LAHA AH EE MAGALADA BOSASO
16.6.2026 OO AHAYD ISNIINTI SHAKAY
SAAKA AYAA CIIDAMO IGU QABSADEEN AARGADA GAACA WAXA AYNA IISHEEGEEB IN LAYGU LEEYAHAY LACAG GANAAX KADIBNA WAXAAN TEGEY DAWLADDA HOOSE EE MAGALADA BOSASO
WAXAANA LAY SHEEGAY INAN BIXIYO $10
WAXAAN U SHEEGAY INANAN WADADAAS IS TAAGIN
3 QODON MID KOODNA WAAN USOO BAN DHIGAY
1= IN LAY DHAARIYO QOFKA SAWIRAY GAARIGA UUNA CADDEEYO INAN WADADA XIRTAY
2= INAN ANUU UDHAARTO CADDEEYONA INANA WADADA ISTAAGIN
3=IN BAARITAAN LAGU SAMEEYO CAMERADAHA KU XIRAN AAGA

3 DAAS QODOBNA WAA DIIDEEN WARKOODUNA WAXA UU YAHAY IN AY QAATAAN LACAGTAAS GANAAXA AH

WAXAAN AHAY MID KAMID AH DHALIN YARADA AQOON YAHAN KA AH EE REER BOSASO WAANA AQAN WAXA DHIBAYA DADKAYGA IYO BILICDA MAGALADAYDA

WAXAAN ARAGNAT MARAR BADAN DAWLADDA HOOSE OO TACADIYO KULA KACAYSA QAYBO KAMIDA BULSHADA

MUHIIMADA UGU WAYNI WAA IN MEESHAAS AYSAN CADAALAD OOL
SIDOO KALE LOOLA DHAQMO DADKA SIDII INAY YIHIIN SOO GALOOTI

Warqaddani maaha cabasho lkin waxaan cadaynaynaa in Dawladda Hoose degmada bosaso
Ay si aan wanaagsanayn u shaqaynayso bulshadii la rabay in si wanaagsan loogu shaqeeyana ay iyadu dhibteeda ka shaqaynayso

QORAA MOHAMED ABDI ASIS

Itoobiya Oo Ansixisay Miisaaniyada Dalka Una Qaybisay 12-ka Deegaanka iyo 2-da Ismaamul Magaalo.Dowlada dhexe ee Itoobiy...
11/06/2026

Itoobiya Oo Ansixisay Miisaaniyada Dalka Una Qaybisay 12-ka Deegaanka iyo 2-da Ismaamul Magaalo.

Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa dhawaan ansixiyay miisaaniyada guud ee Itoobiya ee sanadka 2026. T.I taasoo dhan 2.34 tirilyan oo birr, 520.5 bilyan oo birr oo miisaaniyada kamid ah waxaa loo qoondeeyay in loo qaybiyo 12-ka Deegaanka iyo 2-da Ismaamul magaalo ee Itoobiya.

Sidan hoose ayaana loo kala helayaa qoondada miisaaniyadaas.

1) Deegaanka Oromada. 179.3 bilyan birr.

2) Deegaanka Amxaarada. 112.4 bilyan birr.

3) Deegaanka Soomaalida. 51.9 bilyan birr.

4) Deegaanka Dhabuubka. 36.5 bilyan birr.

5) Deegaanka Tigreega. 31.3 bilyan birr.

6) Deegaanka Badhtamaha Itoobiya. 30.9 bilyan birr.

7) Deegaanka Siidamada. 20.9 bilyan birr.

😎 Deegaanka K/Galbeed Itoobiya. 16.2 bilyan birr.

9) Deegaanka Canfarta. 15.7 bilyan birr.

10) Deegaanka Benishangul. 9.5 bilyan birr.

11) Deegaanka Gambela. 6.9 bilyan birr.

12) Ismaamulka Diridhaba. 4.5 bilyan birr.

13) Deegaanka Hararida. 3.9 bilyan birr.

14) Ismaamulka Addis Ababa. 74 milyan birr. Se

Puntland tirada guud ee ardayda fasalka 8aad iyo 12aad oo wasaaradda waxbarasha Puntland  Imtixaanka ka qaadayso ayaa ga...
29/05/2026

Puntland tirada guud ee ardayda fasalka 8aad iyo 12aad oo wasaaradda waxbarasha Puntland Imtixaanka ka qaadayso ayaa gaaraysa 25,179 (Shan iyo labaatan kun boqol todobaatan iyo Sagaal Arday) gobalka mudug ayaa ah gobalka ugu badan ee Ardayda Imtixaanka galayso

Gobalka Bari 6546 Arday
Gobalka Nugaal 6381 Arday
Gobalka Karkaar 2378 Arday
Gobalka Sanaag 1544 Arday
Gobalka Raas-casayr 356 Arday
Gobalka Haylaan 657 Arday
Gobalka mudug 7317 Arday

Maxay tahay sababta Mudug oo marna gobal barkiis ah marna Lagu tiriyo gobalada ugu Amniga xun Puntland ay uga arday badantahay gobalada Puntland oo dhan? Sidoo kale diwaan galintii Doorasha qof iyo cod ee Puntland Mudug iyo Bari ayaa ugu badnaa ayadoo Mudug waqti yar la siiyay Diwaan galintii Waxay sidoo kale ka badnayd gobalka Nugaal oo ah gobalka kaliya oo aan Puntland la kala jarin.

Dheeh Media

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAAL GOBOL. Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray...
31/03/2026

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAAL GOBOL.

Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer - Madaxweyne Lr. 003 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyeyaasha Gobol.

Gobolka Bari :-

1. Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Bari.

2. Faarax Maxamed Cabdullaahi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Bari

3. Faarax Salaad Cubayd waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Bari.

Gobolka Karkaar : -

1. Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Karkaar

Gobolka Sanaag: -

1. Cali Xusseen Maxamuud Soomaali waxa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Gobolka Haylaan: -

1. Maxamed Faarax Ciise waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Haylaan.

Raasi-Casayr:-

1. Muuse Saalax Guulleed waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Raasi-Casayr.

Gobolka Nugaal:-

1. Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Gobolka Mudug:-

1. Cabdiweli jibriil Bayle waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug.

2. Cabdulqaadir Warsame Kooshin waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug.

3. Mukhtaar Cabdikariim Cilmi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Mudug.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

- XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA EE DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha ...
31/03/2026

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA EE DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Wasiirada :-

1. Abdirashiid Barkhadle Warsame
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .

2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

4. Barre Yuusuf Faatax
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin .
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

6. Hodon Siciid Xasan
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska .

7. Farxaan Cali Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .

8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel .
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa

9. Caydaruus Axmed Faarax
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .

11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka .

12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

13. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska .

Wasiir Ku-xigeennada: -

1. Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .

2. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud .
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta .

4. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

5. Maxamed Xasan Ibraahim
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

6. Musadaq Maxamed Musadaq
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.

7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase)
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha.

9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsade
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .

10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabdi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

11. Xasan Jaamac Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.

12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .

13. Maxamed Siciid Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

14. Axmed Siciid Qoloombi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

15. Riyaad Axmed Cali
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka.

16. Maxamuud Maxamed Daad
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

Wasiiru Dowleyaasha:

1. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Gobolka iyo Federaaleynta.

2. Faarax Maxamuud Aw-cismaan
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.

3. Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta .

4. Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

5. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

6. Cali Maxamed Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka .

7. Eng Maxamed Ciise Lacle
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada .

8. Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deero-dile.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .

9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa .

10. Siciid Maxamed Awaare
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

11. Amb Maxamed Axmed Cawil
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta , Macdanta iyo Biyaha .

12. Najiib Barkhad Warsame
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

13. Mukhtaar Axmed Odey
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

14. Axmed Ibraahim Cawaale (Biid)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga .

* Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waana uu saxiixay.

Guddoomiyaha Baanka Dowladda Puntland, waxa noqday Aqoonyahan oo ah dhaqaaleyahan leh khibrad ballaadhan oo ku saabsan h...
31/03/2026

Guddoomiyaha Baanka Dowladda Puntland, waxa noqday Aqoonyahan oo ah dhaqaaleyahan leh khibrad ballaadhan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maaliyadda. Waxa uu soo hoggaaminayey kulliyadda dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Jamacadda Bariga Africa.

Waxa uu sidoo kale khibrad dheer u leeyahay mashariicda horumarinta iyo dhaqaalaha isagoo la soo shaqeeyey hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin One Earth Future (Shuraako), VNG International, United Nations, iyo USAID.

Amiin waxa uu bartay cilmiga dhaqaalaha, horumarinta, iyo maaliyadda, wuxuuna haystaa saddex shahaado oo heer jaamacadeed sare ah (Master’s), kuwaas oo uu ka kala qaatay dalalka Uganda, UK iyo Switzerland.

Dheeh Media

Saamiga siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa kordhay: 4 wasiir, 3 wasiir ku xigeen, 1 wasiir dowlaha, xisaab...
31/03/2026

Saamiga siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa kordhay: 4 wasiir, 3 wasiir ku xigeen, 1 wasiir dowlaha, xisaabiyaha guud, iyo guddoomiyaha bangiga Puntland ayey heleen.

Dheeh Media

Hambalyo Caaqil Faarax Maxamuud Cabdullaahi, Hambalyo Ader Xilka ALLA ha kugu asturo.Dheeh Media
31/03/2026

Hambalyo Caaqil Faarax Maxamuud Cabdullaahi,
Hambalyo Ader Xilka ALLA ha kugu asturo.

Dheeh Media

Address

Maka Al Mukarama Road
Bosaso
BR99999

Telephone

+252905724841

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dheeh Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dheeh Media:

Shortcuts

Share