Xidigaha tv

Xidigaha tv this page makes news and more options

HAMPLYO HAMPLYO MADAXWAYNE Ordugan oo markii 3aad talada dalka  Tukiye ku guulaystay .
29/05/2023

HAMPLYO HAMPLYO MADAXWAYNE Ordugan oo markii 3aad talada dalka Tukiye ku guulaystay .

naftiisii hibeeyay, markaas oo kaliya na may ahayn ee markale ayuu dagaalka soo galay ilaa faraskiisi dhaawac soo gaadha...
16/05/2023

naftiisii hibeeyay, markaas oo kaliya na may ahayn ee markale ayuu dagaalka soo galay ilaa faraskiisi dhaawac soo gaadhay oo uu xittaa mararka qaar istaagga ku dagaalamayay ilaa uu mid askarta kamid ahi markii danbe uga dagay faraskiisii.

Dagaalkaa k**a danbaysta ah ee muslimiintu ka qaadeen dhiiranaanta waxa lagu xaqiijiyay guulo waawayn oo ay ka mid tahay; in goobtaas lagu dilo hogaamiyihii ciidanka tataarka oo lagu magaacaabi jiray katbuqa. waa guul aad u wayn in halkaas lagu dilo hogaamiyaha ciidankii aad looga biqi jiray ee tataarka
Dagaalkaasi wuxu ka dhacay meel lagu magacaabo Caynu-jaaluut waxa uuna dhacay 25-kii ramadaan 658 hijriga. ciidamada muslimiintuna waxa ay socdeen ilaa iyo Dimishiq oo markii h**e tataar haystay oo ka arriminayay waxaa oo dhami na waxa ay yimaadeen markii dadku helay hogaamiye wanaagsan jidka toosan ku hogaamiyay.
Ugu danbaynna wiilkii yaraa{Sayfudiin-Qudus] ee kusoo koray guriga boqortooyada, kadibna noqday adoonka suuqyada iibsiga lagu baayaco, markale na noqday sarkaalka caanka ah, isla markale na noqday hogaamiyaha iyo suldaanka dawladdii Masar ee mamaaliikta, isla markaana ahaa hogaamiyihi jebiyay ciidankii awoodda badnaa ee tataarka; Waxa ladilay 16kii dulqicda 658 hijriga kuna beegan 22/10/1260 miilaadiga.
Waxa dilay oo shirqoolay sarkaalkii dabad meerka ahaa ee uu isagu u yeedhay ee Ruknu-diin biibaris iyo ciidan uu wato waxayna ku dileen deegaan loo yaqaanno Saalixiya oo ku yaalla falastiin guushii waynayd ee uu xaqiijiyay kulamuu soonoqon goobtii uu ka bilaabay ee qaahira alle ha u naxariisto naxariis waasac ah suldaan sayfu-diin qudus.

Mashaa hamplyo hamplyo degmada  aqooonta iyo hormarka ee putland ee gobalka Mudug
28/03/2023

Mashaa hamplyo hamplyo degmada aqooonta iyo hormarka ee putland ee gobalka Mudug

Hambalayada Bisha Ramadaan 1444 hijiriga.Waxaan Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan tan Muslimka ah ugu hanbalyeynayaa i...
22/03/2023

Hambalayada Bisha Ramadaan 1444 hijiriga.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan tan Muslimka ah ugu hanbalyeynayaa inay curatay bishii khayrka, danbi dhaafka iyo naxariista.

Waxaan naftayda iyo tiinna ku boorinayaa ku dadaalka cibaadada iyo is cafiska.

Ilaahay Bishaan Ramadaan 1444 hanoogu dhameeyo inuu na waafajiyo khayrkeeda, tan kalena nagu gaarsiiyo caafimaad iyo cibaado suuban.
تقبل الله منا ومنكم الطاعات وصالح العبادات. آمين.

11/03/2023

Dagaal | Buuq iyo gacan ka hadal Golaha wakiilada ee somalinad .

11/03/2023

Emotional damage

08/03/2023

"Si aynnu fasiraad lagu qanci karo ugu helno cadaawaddaas [ay reer-Galbeedku Islaamka u hayaan], waxa mahuraan ah in aynnu taariikhdii h**e u laabanno, si aynnu u fahanno hordhacii xidhiidhka guunka ah ee caalamka Galbeedka iyo caalamka Islaamka ka dhexeeyaa nafsad ahaan halka uu salka ku hayo.

Waxa uu Galbeedku waayeheennan Islaamka ka aaminsan yahay waxa uu salka ku hayaa, habfekerkii iyo fahankii ay bulshooyinka yurub [ka qaateen Islaamka] waayihii dagaalladii Macatableyda (saliibiyiinta).

Ilbaxnimada Yurub oo markaas uun iyada lafteedu xog'ogaal isu noqotay oo is'heshay, ayay dagaalladaas Macatableydu saamayntii ugu xoogganayd ee bulsheed ku yeesheen.

Taariikh ahaan, dagaalladaas Macatableydu waxa ay ahaayeen iskudayadii ugu horreeyay ee Yurub ay isu arkootay in ay ku dhaqaaqi karto, ayna sida ugu wanaagsan ugu guuleysatay.

Waxa ay ku midawday hal fekrad oo ay ka sinnayd markaas oo han iyo hilinba ay ka dhigatay. Waxa ay ahaayeen dagaalladaasi tijaabo aanay iyada mid la mid ahi h**e Yurub u soo marin, dibna aanay u soo marin, oo ummadaha Yurub waxa ay dagaalkaas galeen iyaga oo markoodii ugu horraysay isku waafaqsan hal hadaf oo ay ka midaysan yihiin.

Waxa xilligaas dadkii Yurubiyaanka ahaa ee dagaalladaas qaybta ka ahaa ee waliba xagjirka ku ahaa ay u beddeleen magaca nebi Maxamed ﷺ [iyaga oo ku jeesjeesaya] Mahound.

Ilaa intii ay daragadda saarnayd (dhallaanka ay ahayd) ayaa lagu soo habayay, oo waa lagu soo barbaariyay ilbaxnimada Yurub, nacaybka ay Islaamka u hayso iyo la-collaytankiisa.

الطريق إلى مكة: ليوبولد فايس (محمد أسد). ص ١١، ١٣، ١٤، ١٥.
XG: Aadan Sahan .

08/03/2023

Waraysi xasaasi ah | waqtigii madaxwayne farmajo heshiish la qarshay , oo madaxwayne muse biixi Abdi(Somalinad) uu noqon lahaa madax waynaha somalia .

07/03/2023

Roger Bacon (1220 - 1292), waxa loo aqoonsan yahay Yurubiyaankii ugu horreeyay ee dejiya xeerarka sayniska ee tijaabinta la xidhiidha ee Manhajka Tijaabineed (Experimental method). Yacnii; in aragti aqooneed oo saynis la xidhiidha iyada oo aan la tijaabin oo saxnimadeeda si i tus oo i taabsii ah looga gun gaadhin, aan aqoon iyo saynis in ay tahay loo aqoonsan ee aragtinimadeedaas loo daayo. Waxa uu ahaa faylasoof Ingiriis ah oo Yurubiyaanku ay qodobkaas ku tix geliyaan.

Balse waa marka dhanka Yurubiyaanka aan cid kale wanaaggeeda in ay sheegaan doonayn wax laga eegayo, ee dhanka kale aynnu iska taagno.

Waxa uu Robert Briffault ku xusayaa buuggiisa "The Making of Humanity" bogga 202 sidan:

"Roger Bacon waxa uu ka bartay afka Carabiga, sayniskii iyo aqoontii kale ee Muslimiinta dugsiga Oxford, waxana baray macallimiin wax ka soo baratay macallimiin Muslimiin reer-Andalusa ahaa.

Xaq uma laha Roger Bacon iyo ninka kale ee la magaca ah ee Francis Bacon (1561 - 1626) midkoodna, in loo tiiriyo in ay iyagu hal'abuureen Manhajka Tijaabineed (Experimental method) ee sayniska.

Roger Bacon waxa uu ahaa keliya mid ka mid ah dhambaalsidayaashii iyo aqoonyahannadii sayniska iyo Manhajka Tijaabineed ee sayniska ee ay Muslimiintii Andalus Yurubtii Kiristanka ahayd u soo direen.

Roger Bacon laftarkiisu marnaba afka k**a aanu dhigin in uu si cad oo badheedh ah u sheego, in dadkii xilligaas la jiilka ahaa ay bartaan afka Carabiga iyo aqoonta kala geddisan ee Muslimiintu, ay tahay qaabka keliya ee ay cilmiga dhabta ah Yurub ku yeelanayso.

Doodaha daarran cidda dejisay manhajka tijaabineed (Experimental method) waa marinhabaabin iyo musuqid aan dhayal ahayn oo lagu sameeyay asalka ay seeska ku hayso ilbaxnimada Yurub.

Manhajkii tijaabineed ee Muslimiinta ayaa waayahaas Bacon si aad ah ugu dhex faafay Yurub, dadkuna ay si aad u weyn ugaga faa'ideysteen daafaha Yurub oo dhanba!"

الإسلام ومشكلات الحضارة: سيد قطب. ص ٥٨.

XG: Adan sahan

07/03/2023

Jasiirad ka midh ah jasiiradaha caalamka ugu quruxda badan oo somalia laga dhacay .

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xidigaha tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share