Rayid Tv

Rayid Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Rayid Tv, TV Channel, Mugadishu, Mogadishu.

RAYID TV waa Telefishinka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxa uu diiradda saaraya arrimaha bulshada, siyaasadda gudaha, Dibadda, xogaha caalamiga ah, iyo warar xiiso leh kana mid ah wacyigelin iyo madal dood iyo isdhaafsi fikrad ah."

27/05/2026

Shilin Somali Waa Ladiiday Ciid Mobaarakii Luuq Uu Naga Gallay Buskud Iyo Xalwaa Nalla Siinaa | Eid Wanaagasan

27/05/2026

Malin Ciid Ah Oo Abahey Illa Socdo Bistolo Caag Askari Ku Qabtay Ani Iyo Abahey Malin Dhan Lamiga Nalla Fadhisiyay....ISCO
Eid Wanaagsan....

27/05/2026

Dharkeyga Ciida Inta An Ciid La Garin Hadii La Iga Arko Waa On Jiray Dhar Kalle Halla II Soo Gadaa Dhihi Jiray.............Eid Wanagsan

27/05/2026

Eid Wanagsan Sidee Logu Ciiday Magaallada Mogadisho Ee Dagmada Dharkenley.......................

WAR SAXAAFADEEDMuqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa w...
26/05/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan.

Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Dhammaad

26/05/2026

Banaanbax Waa Xaq Dasturi Oo Muwadinku Leeyahay Oo Sharuucda Dallka Ay Ogoshahay Cid Sharciga Kaso Hormari Karta Ama Diidi Karta Majirto......

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo tan H...
26/05/2026

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo tan Hoggaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed.

2da Juun ayaa la qaban doonaa doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada, halka 10ka bisha juun la qabanayo doorashada Hoggaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed.

25/05/2026

Madasha Samata Bixinta Somaliyed Dadka La Baxay Waxa Kalliye U Hartay Inee Dad Dilaan Iyo Inee Caataman Kaliye

Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka...
25/05/2026

Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Mudane Osman Moallim Shatax ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuri...
25/05/2026

Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Mudane Osman Moallim Shatax ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii bulshada rayidka ee horaantii bishan lagu qabtay magaalada Mogadishu.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii wado talooyinkii iyo qodobadii kasoo baxay shirkaas.

Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla garanay kaalinta muhiimka ah ee bulshada rayidka kaga aaddan raadinta xal waara oo laga gaaro khilaafka siyaasadeed, xoojinta wada hadalka, iyo ilaalinta midnimada iyo xasilloonida dalka.

Address

Mugadishu
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rayid Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Rayid Tv:

Share

Category