25/10/2025
GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO CASHO SHARAF U SAMEEYAY XILDHIBAANNO KA TIRSAN LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
Muqdisho, Oktoobar 25, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku metela beesha Hawiye.
Kulankan oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka muuqda ee maamulka gobolka ee ku aaddan horumarinta caasimadda Muqdisho.
Xildhibaannadii iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa si wadajir ah u amaanay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu taageeray hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka dhacaya, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah xoojinta hannaanka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee si toos ah u metela shacabka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa kaloo la isla qaatay in la xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed, lana sii joogteeyo wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka, si dalka loogu hoggaamiyo nabad, cadaalad, iyo horumar waara.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada iyo mas'uuliyiinta ka soo qaybgalay kulanka, isagoo ku boorriyay dhammaan mas'uuliyiinta dowladda in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wadashaqeynta ku dhisan danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.