Wariye Afrax

Website

Wariye Afrax Wariye / Falanqeeye Arrimaha Geeska Afrika
Ka faaloonaya Siyaasadda, Dhaqaalaha, Isbeddelada goblka

01/06/2026
27/05/2026

Subax wngsn ciid adxaa

26/05/2026

Cambaareynta Safaaradda Qudus: Waxaa weli saaka aad loo hadal-hayyaa bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Ururka Isbahaysiga Islaamka iyo dalal dhowr ah oo Carbeed, kuwaas oo si adag u cambaareeyay qorshaha Somaliland ay kaga furanayso xafiis/safaarad magaalada Qudus

26/05/2026

Heeganka Caafimaadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole qaran oo heegan sare lagu gelinayo caafimaadka dalka si looga hortago cudurka Ebola, kadib markii kiisas caalami ah laga soo sheegay qaybo ka mid ah Afrika. Isbitaalka Martiini ee Muqdisho ayaa loo asteeyay xarunta ugu weyn ee baaritaanka iyo wejiga h**e ee ka-hortagga

26/05/2026

Khatarta Burcad-badeedda: Waxaa soo baxay warbixinno sheegaya in burcad-badeedda Soomaalidu ay hadda bilaabeen isticmaalka tignoolajiyada casriga ah sida Drones-ka iyo GPS-ka si ay u ugaarsadaan maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed

26/05/2026

Isbeddelada Amniga iyo Dhaqdhaqaaqyada Ciidanka
​Howlgallada NISA iyo Ciidanka Qaranka: Idaacadaha waxay baahinayaan guulo laga sheegtay howlgallo laga sameeyay gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa xubno sare oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Banaanbaxyadii Taleex: Dhanka kale, waxaa la hadal-hayyaa banaanbaxyo kooban oo dhalinyaro ah oo xalay ka dhacay isgoysk...
26/05/2026

Banaanbaxyadii Taleex: Dhanka kale, waxaa la hadal-hayyaa banaanbaxyo kooban oo dhalinyaro ah oo xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kuwaas oo loogu magac daray "Codka Caasimadda", kuwaas oo cabasho ka muujinayay hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka

25/05/2026

Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa sheegtey in ay xidhiidh-diblumaasiyadeed la samaynayso Israa|l, marka Dowlad madax-banaan oo caasimaddeedu tahay Quddus loo wada aqoonsado Falastiin, sida ay werisey CNN.

Tani waxa ay imanaysaa ka dib dalabkii Trump ee dalalka Carabta oo ahaa in ay ka dib dagaalka Iiraan ay galaan Heshiiska Ibraahimiyada oo cadiyeynaya xidhiidhka Israa|l

25/05/2026

Sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters in ka badan 1.5 milyan oo xaaji ayaa hadda u soo jiheystay dhanka teendhooyinka Mina si ay u guda galaan maalinta Yawm al-Tarwiyah (Maalinta kowaad ee Xajka), ayadoo berri oo Talaado ahna ay u gudbi doonaan Banka carfo.
​Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga ayaa dhankeeda ku baaqday in aad loo daryeelo caafimaadka xujeyda maadaama cimiladu ay tahay mid aad u kulul

Wariye Afrax

Address

Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wariye Afrax posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share