Iska Caabin

Iska Caabin waa bog kuu soo gudbindoona aragtiyo kala duban oo ku saabsan siyaasada , caafimaadka iyo arimaha bu

14/04/2025

Awoodihii dhaxlay gumeysigii h**e oo uu hada horboodaayo sheydanka ween, hadafkooda ugu ween waa iney masiirka ummadaha mandiqadeena ey gacantooda ku heeyaan, dhan walba, siyaasad ha ahaato, dhaqaale iyo xitaa dhaqdhaqaaqooda iyo dadka ey saxib ka dhiganaayaan iyo dadka ey la coloobaayaan.

Awoodahaan si ummadaha ey gacanta ugu dhigaan, waxa ey ka xayuubiyaan wax walba oo la xetiirta isku filnaasho heer ey xitaa ummadaha ka qaataan in ey ku fikiraan in ey isku filnaadaan, iyaga oo umaraaya farsamada ah in ummadahaan ey ku mashquuliyaan kaalmo boojo ah, oo hadafka ugu ween ey tahay in marna ummadaha eysan ku baraarugin muhiimada ey leedahay in iyaga gacmahooda ey wax ku qabsadaan oo ey raadiyaan xurriyada dhaqaale iyo xurriyada wax soo saar iyo xurriyad siyaaasad curin.

Qofka iyo dowladii larabaato ummadooda in ey si dhab ah u xuroobaan, waxa ey u jeestaan raadinta sidii ummadahooda ey ugu abuuri lahaayeen fursado ey ku gaari karaan isku filnaasho iyo wax soo saarasho ka madax banaan kaalmada iyo ku tiirsanaanta awoodahaas asalkooda gumeysi doonku yahay.

12/04/2025

Mushkilada jirto, dowladnimadeenii oo dhan sawiro iyo clipkaan iga qabo ayey kusoo koobantay, qiblada dowladnimada dhanka ey naga jirto ilaah hanagu duwo, igu sawirta socoto war ma ahanee.

10/04/2025

Sey dhahaan, qof hadaa rabto in aad ogaato mabaadi'diisa dhabta ah, ha fiirinin wax uu naftiisa larabo oo uu la jecelyahay, taas badalkeed waxa aad fiirisaa, wax uu larabo oo uu la jecelyahay dadka kale👊👍.

08/04/2025

Nadila oo nasii bahdila, natiijada waxa ey noqon doontaa un in dadkeena ey sii ogaadaan dulmiga baaxada ween ee nalagu heeyo.

Culees walba iyo cadaalad daro walba oo sidaas cad u dhaceyso, waxa ey ka dhigeysaa bulshadeena kuwa wax sii fahma oo wacyigooda uu usii kordho ilaa markii dambe ey abuuraan duruufo sidaan dhaanto👊.

Naxariista rabi G.sheegow, dhiiranaha dilkiisa laga sii dhaxli doono wacyi iyo aragti dheeri iyo xurriyad i.a 🖤🇸🇴.

Markii dhiirane ummadeena ka mid ah la dilo, waxaa larabaa in caruurtiisa iyo dhalinyaradiisa iyo qof walba oo cadaalad ...
07/04/2025

Markii dhiirane ummadeena ka mid ah la dilo, waxaa larabaa in caruurtiisa iyo dhalinyaradiisa iyo qof walba oo cadaalad u hiiliya ah uu sii xambaaro fahankii iyo aragti dheeridii hogaamiyahood oo ey ka shaqeeyaan dib usoo celinta heybadoodii iyo karaamadoodii iyo xurriyadoodii dhabta aheed.

Ilah ha unaxariisto jeneral sheegow 🖤🇸🇴

31/03/2025

Ummada isku keenideeda iyo ka shaqeenta wada socodkeeda iyo midnimadeeda, waxa ey kusuurto gashaa, wada hadal iyo in qolo walba ey waqti h**e qolada kale tixgaliso oo laraadiyo qaab la iskula wada shaqeen karo, si sawirka midnimada ummada uu u ilaalsamo.

Ciid wanaagsan walaalaha wadanka ee u arkay in saakay oo isniin ah ey u tahay maalinka 1aad ee ciida.

Sida uu dhahay imaam cali, meeshii caqli fiican uu yaalo waa la iskugu soo dhawaadaa, waxaan rajeeneenaa in foolxumada kala ciidista ey xal u halaan culumada madaahibta wadankeena qaab tixgalin iyo is ixtiraam iyo isu soo dhawaasho ey ku jirto, ciida mar-walba waxa ey astaan u tahay midnimada ummada, ma ahan in ciida ey inoo noqoto munaasabad aan kusoo bandhigno kala dubanaashaheena wajiyadiisa ugu sii foosha xun.

Ciid mubaarak all🫂🇸🇴.

Horjoogayaasha qaar ee ummada dullinimada heesato iyo aragti xummadooda, wexey hantida ummada iyo awoodeheeda usii balaq...
29/03/2025

Horjoogayaasha qaar ee ummada dullinimada heesato iyo aragti xummadooda, wexey hantida ummada iyo awoodeheeda usii balaqaayaan oo ey gacanta u galinaayaan, dad dhuxulo ah oo qiic ah oo la tacaamulkooda aan laga dhaxleynin waxaan ka aheen waji madoobaad iyo qiic.

28/03/2025

Sey dhahaan, kuwa caadeystay in ey ummadaha tabarta daran duleestaan, marna ma joojinaayaan in ey sii wadaan dulmigooda, ama isku dhiib oo awoodahaaga oo dhan uga tanaasul ama iska caabi oo iska reeb.

Ummadaha iyaga ayey u taalaa labada daran midkii ey dooranaayaan.

🇵🇸🇾🇪🇮🇷🇱🇧🇸🇴👊✌️💛

24/03/2025

Culimada wanaagsan waxa ey dhahaan, qofkii raba in uu kamid noqdo owliyada ilaahey iyo dadka alle u dhaw, ha noqdo qof dadka cadiban boogyadooda dhayo, qof difaaca oo garab u noqda dadka la dulmiyo oo aan wax garab ah heesanin, dadka sidaas sameeya ayaa aad ugu dhaw in ey ka mid noqdaan kuwo alle u dhaw🥀.

🌹🥀🫂🇵🇸 المناضل ابو حمزة الف مبروك ع السعادة 💛🌹🥀
18/03/2025

🌹🥀🫂🇵🇸 المناضل ابو حمزة الف مبروك ع السعادة 💛🌹🥀

18/03/2025

Culeesyada dulliga iyo foolxumooyinka naheesto soomaali ahaan iyo si guud muslim ahaan tabar xumo kaliya ma ahan, waxaa kaloo jirto in aan la dhibaateesanahay duqunnimo iyo goofnimo iyo lo' nimo iyo dabaalnimo heer aan ka ag dhawnahay dameerada.

In aan diin fiican lanahay, ama quraan aan heesano ama uu nabi muxamed csws nabigeena yahay ama buugaag iyo wadaado hadhadlo ey noo joogaan, wax k**a badaleyso xaqiiqada ah in ugu dambeen aan nahay lo'yaal iyo dameero aan waxba ka fahansaneena waxa ey xambaarsanyihiin, maxaa yeelay waxaan meel iska dhignay caqligii oo dhan.

Marar badan dameerka ayaaba fiican, maxaa yeelay dameerka hooshii ilahey uu ugu talagalay ayuuba gudanooyaa, lakiin kawaran dadka markey dadnimadooda ka tagaan oo ey iska dhigdhigaayaan dameeryaal.

Dadka markey umaleeyaan iney muslim yihiin ama sunna yihiin ama quraanka ey heestaan kaliya uu ka dhigaayo iney yihiin aqoonyahano iyo waxwalba daadiyayaal, oona ey caqliga iyo mandiqa iyo dadnimada iyo aragti dheerida ey ka fogaadaan, wax ma dhaamaayaan kuwii quraanka uu ku tusaaleeyay ee uu dhahay, waxa ey xambaarsanaayeen aqoonyahannimada dameerada maadaama ey ku qanceen kaliya in ey heesteen kutubo balse eysan caqligooda iyo indhohooda eysan kala furin.

Sidaas darteed ciladaha naheesto aqoon yari ma ahan ee waa fahanyari aqooneed iyo ka shaqeensiin la'aanta caqliga oo marar badan aan isla anagii ka qeeb qaadaneeno in caqliyadeena ey damaan oo dameero oo kale aan u dhaqano👎.

17/03/2025

Diyaarado ajnabi ah ayaa wexey duqeenaayaa shacab xoog lagu heesto, markaasaa kuwa naceybka ey u qabaan argagixisad ka indho tirtay shacabkaas dulman waxa ey xadgudubkaas dhacay u sameenaayaan marmarsiinyada ah, shacabba meeshaas ma dagana, sida in ey iyaga tageen oo ey kasoo ambabixiyeen shacabkaas meesha oo kale.

Shacabka dhankey rabaan ha joogaan waa barmageydo, masuuliyad xumo ween waaye iyo fudeed in iyada oo dhiiga shacabka sidaas uu u daadanaayo hadana la dhaho dadkaas shacab ma aheen.

Address


Telephone

+252615074960

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iska Caabin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share