26/08/2025
Volodymyr Zelenskyy, waxaa la doortay 2019-kii, isaga oo siyaasadda ku cusub oo awal ahaa majaajilayste. Waxa uu ahaa qof ay rakibeen Maraykanku oo la doonayey in loo addeegsado wiiqidda Ruushka. Hawlahan waa ay ka horreeyeen oo ClA-da ayaa dalkaas ka samaysay kacdoon looga soo horjeedo xukunkii Madaxweyne Viktor Yanukovych oo u janjeeray Ruushka. Waa wixii loo yaqaanay kacaankii sharafta (Revolution of Dignity) oo aan ugu yeeri karno kacaankii gunnimada ee 2014.
Durbadiiba, Madaxweyne Putin waxa uu qaaday tallaabo lagu ilaalinayey danaha qarankiisa, ka dib markii uu la wareegay Crimea.
Sidoo kale, gobolka Donbas Oblast oo ay ku xooggan yihiin dadka ku hadla luuqadda Ruushka, ayaa waxaa ka bilaabmay halgan goonni-u-goosad oo ka dhan ah Ukraine.
Markii uu burburayey Midowga Sofeeti, waxaa jiray heshiis ku aaddan in aan loo soo fidi karin dhinaca Ruushka. Hase ahaatee, ballanqaadkaaa lama hirgelin oo NATO waxa ay samaysay dhawr is-fidin, oo waxaa sagaasameeyadii ku soo biiray dhawr dal oo bariga iyo bartamaha Yurub ah. Is-fidintii xigtay waxa ay dhacday 2004 oo ay ku biireen dalalka Baaltigga, xilligaas oo uu socday dagaalkii Maraykanka ee Bariga Dhexe. Putin waxa uu dareemay cabsi ku aaddaan khatarta ka soo socota Maraykanka iyo xulufadiisa, waxana uu sannadkii 2007 jeediyey khudbaddii caanka ahayd ee shirkii ammaanka ee Munich, halkaas oo uu digniin adag u gu diray reer galbeedka. Xilligaas, waxa ay NATO oggolaatay in Ukraine iyo Georgia ku soo biiraan NATO, taas oo diillin cas ka ahayd dhinaca Ruushka.
Sannadkii 2008, Ruushku waxa uu ku duulay Georgia oo ka qabsaday Koonfur Ossetia.
Dawladda Ruushku, waxa ay mar walba u sheegaysay Reer Galbeedka in aanay aqbalayn in Ukraine ku biirto NATO. lyagu waxa ay lahaayeen waa dal xor ah oo go'aamadiisa xaq u leh. Ma jiro dal xor ah adduunka oo xaq u leh go'aamadiis, haddii ay go'aamadaasi lid ku yihiin amniga dal kale. Maraykanku ma yeeleen in Shiinuhu saldhig ka samaysto Mexico. Tusaale wixii ka dhacay qalalaasihii Gantaallada Cuba (Cuba Missile Crisis).
Hadda, waxa ay wax walba u socdaan sidii uu doonayey Ruushku: oo ah in Ukraine noqoto dal dhexdhexaad ah oo aan xubin ka ahayn NATO.
Balse tani waxa ay timi xilli Ukraine lumisay qayb weyn oo ka mid ah dhulkeedii iyo khayraadkeedii.
Waxaa horay looga qabsaday Crimea, waxaa dagaalkan looga qabsaday baddi Azov iyo dhulkii hodank ahaa ee Donbas Oblast. Waa waxa laga dhaxlo hoggaamiye aragti gaaban, Hadii Hogggaamiye arragti dheer umaddu weydo waxay ku dhacdaa god dheer oo si looga baxo adkaan doonto.