Edeg Tv

Edeg Tv Edeg Tv

05/09/2026

“Waxaad ii wada fiirinaysaan shirarkii h**e sooma aanan kici jirin" Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray Tababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta W...
26/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray Tababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Wadajirka Bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta, ka hortagga khilaafaadka iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Munaasabadda soo xiritaanka waxaa ka qeyb galay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaalada Galmudug Abdinasir Hassan Ali & Xeer Ilaaliye Ku-xigeenka ahna Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug, Abdixakiin Maxamed Xirsi.

Mas’uuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada, si loo xoojiyo nabadda, caddaaladda iyo xal u helidda khilaafaadka.

QEYBTA 2AAD_Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Tababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoo...
24/08/2026

QEYBTA 2AAD_Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Tababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Wadajirka Bulshada.

Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MoIFAR), isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaab-dhismeedyada bulshada si looga hortago loona xalliyo khilaafaadka.

Tababarku wuxuu isu keenayaa daneeyayaal muhiim ah, iyadoo diiradda la saarayo nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada ee Galmudug.

24/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Dr. Mohamed Adam Alinor (Shaakir), ayaa maanta si rasmi ah u furay Tababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Wadajirka Bulshada.

24/08/2026

Hadal_Jeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Galmudug, Mudane Abdiaziz Mohamed Jama, EeTababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Wadajirka Bulshada.

24/08/2026

Hadal_Jeedinta Agaasiamaha maamulka iyo maaliyada Madaxtooyada Galmudug Abdikaafi Hassan EeTababarka Hababka Isku-dhafka ah (Hybrid) ee Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Wadajirka Bulshada.

Tababarka Danjirayaasha Nabadda ee Haweenka iyo Dhalinyarada oo lagu soo gabagabeeyay DhuusamareebWaxaa maanta magaalada...
18/08/2026

Tababarka Danjirayaasha Nabadda ee Haweenka iyo Dhalinyarada oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tababarka Danjirayaasha Nabadda ee Haweenka iyo Dhalinyarada, kaas oo diiradda lagu saaray nabad-dhisidda, xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay kororsadeen aqoon iyo xirfado la xiriira fududeynta wada-hadallada, ka hortagga khilaafaadka, dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.

Tababarku wuxuu sidoo kale fursad u siiyay haweenka iyo dhalinyarada inay isku xirmaan, wadaagaan waayo-aragnimadooda, isla markaana xoojiyaan doorkooda danjirayaal nabadeed ahaan.

Ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan nabadda, wada-hadalka iyo xalinta khilaafaadka si nabadeed.

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa si guul leh loogu qabtay maalintii koowaad ee tababarka “Haweenka iyo...
16/08/2026

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa si guul leh loogu qabtay maalintii koowaad ee tababarka “Haweenka iyo Dhalinyarada Safiirrada Nabadda.

14/08/2026

Dhalinyarada ciyaaraha Dhuusamareeb ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday dhismaha iyo dayactirka Garoonka Ciyaaraha Caasimadda Galmudug.

Sawirro: Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa mun...
06/08/2026

Sawirro: Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay Dhuusamareeb ku shaaciyey musharaxnimadiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Xildhibaano iyo Senatarro ka tirsan labada aqal ee BJFS iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda shaacinta musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug ee Xildhibaan Xuseen Dhegaweyne.

Sidoo kale, qeybaha kala duwan ee bulshada reer Dhuusamareeb ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda, iyadoo masuuliyiinta ka hadlay ay qireen in Musharax Xuseen uu mudan yahay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug.

Galmudug waxaa ka dhacday doorashadii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo qof iyo cod ku soo baxay, waxaana dhawaan lagu wadaa in loo gudbo doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Address

Somali
Mogadishu
1263

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Edeg Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category