warka TV

warka TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from warka TV, TV Channel, Mogadishu, Mogadishu.

DAGMADA XARAR-DHEERE,Magaalada magaceeda waxaa la sheegaa in uu ka yimid labo magac oo isku tagtay oo kala ah Xarar iyo ...
16/01/2023

DAGMADA XARAR-DHEERE,

Magaalada magaceeda waxaa la sheegaa in uu ka yimid labo magac oo isku tagtay oo kala ah Xarar iyo dheere Xarardheere oo ah geed dheer oo xarar ah oo magaalada ka bixi jiray.

waxey dagmo noqotay 1972, waxaana ka noqday guddoomiyihii uhu horeeyay Abdi dheere, magaaladan waa magaalada kaliyah ee waxyaabihii danta guud wali ey yihiin dan guud, sidii Isbitaalka, wakaalada biyaha, iskuulka degmada, saldhiga booliska, gurigii martida iyo wax kasta oo dan guud ahaa.

Magaaladan waxa ay ka midtahay magaalooyinka gobolka Mudug uu ka kooban yahay, isla markaana ku taalla dhinaca deexda.waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.

Dhaqaalaha.

Degmadaan waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo dhinaca dalagyada beeraha kasoo baxa, xoolaha iyo weliba kalluumeysiga oo ah qeybta ugu weyn ee lacagta adagi kasoo,gasho dadka degaanka.

DHAMMAADKA SHABAABKA XAMAR KU DHUUMAALEYSANAYA!Ciidanka NISA iyo Booliiska Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa qabtay ...
19/12/2022

DHAMMAADKA SHABAABKA XAMAR KU DHUUMAALEYSANAYA!

Ciidanka NISA iyo Booliiska Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa qabtay Mooto Bajaaj iyo Qori SABAN ah. Hal nin oo shabaab ah ayaa howlgalka lagu dilay, halka mid kalena nolosha lagu qabtay.

Hoggaanka Ciidanka iskaashaday ayaa sheegay in baaris toos loogu diray Mootadda, Hubka iyo Ninka la qabtay intaba.

19/12/2022

DEGDEG: Qarax ay rabeen Xamar iney gudaha u galiyaan ayaa ku Qarxay, Naftood halligayaal katirsan Shabaabka Muqdisho ku dhuumanaya.

3 nin oo la aaminsan yahay inuu yahay iney katirsan yihiin Khawaariij Shabaabka ayaa Mooto Bajaaj ay wateen oo Qarax uu u saarnaa waxay kula Qaraxday meel aan ka fogeyn xarunta Degmadda Kaaraan ee Muqdisho.

Mid kamid ah kooxdan ayaa dhaawac halis ah uusoo gaaray, wuxuuna ku qeylinayey ibadbaadiya, markii Ciidanku u yimaadeen ayuu bastoolad lasoo baxay isla goobtii ayaana lagu dilay.

Labadii kale ayaa la sheegay in Qaraxa Mootadda kadib ay carareen oo goobta ay ka baxsadeen.

40 xubnood oo ka tirsan khawaarijta Alshabaab ayaa lagu dilay  hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka  ay ka fuliye...
17/12/2022

40 xubnood oo ka tirsan khawaarijta Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Daaru naciim oo ahayd saldhig ay isku abaabulayeen khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidanka ayaa baabi’iyay fariisimihii khawaarijtu isku uruursanayeen waxaana Daaru naciim iyo dadkeeda harsanayaan niicowda xorriyadda.

17/12/2022

Degmada Aadan Yabaal
Muqaalka guud ee Degmada, ,suuqa, hospitalka guud, saldhiga, iyo xaruunta Maxkamada beenadka u eheed kooxda argagixisada oo 3dii bishaan laga saray degmada.

14/12/2022

Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa isku kaadiyay isagoo meel fagaare ah jooga.

13/12/2022

Ninkii Sheikh Aweys ahaa waxaa laga codsaday in uusan maaliyadda Morocco isku soo xiran, waa intaas oo qumaynimaddiisa ku dhacdaa, Jaa Faransiiska la sii balansaday

Address

Mogadishu
Mogadishu

Telephone

+252611000182

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when warka TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to warka TV:

Share

Category