Amiin Yuusuf Khasaaro

Amiin Yuusuf Khasaaro Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Amiin Yuusuf Khasaaro, Media/News Company, Makka Almukarama Street, Hodan District, Mogadishu.

MURTI TALYAANI AH AYAA ORANEYSA "Due Che litigano, il Terzo Gode" waa Murti Talyaani ah waxayna leedahay "Laba qof  Daga...
07/01/2026

MURTI TALYAANI AH AYAA ORANEYSA

"Due Che litigano,
il Terzo Gode" waa
Murti Talyaani ah waxayna leedahay "Laba qof Dagaalkooda ama Laba Wadan dagaalkooda , mid Saddexaad ayaa ka Faaideysta" "
murtidaan waxaa u soo qaatey

1- Somaaliya iyo Itoobiya Dagaal ayaa na dhex marey gaar ahaa arrimaha Badda, Dagaalkaas waxaa ka faaideystey Turkiga oo maanta raba in uu keligiis iska dhuuqo Shidaalkeenna

2- Waxaa Colaad aan dhamaan lahayn isku qaadey Soomaaliya iyo Soomaaliland, Waxaana Colaadaas ka faaideystey Israaiil oo rabta in ay Shidaalka Gobolada Waqooyi ku jira qaadato iyo in ay ganacsi ka sameyso Dekedda Berber Saldhig Milatarina ka sameysto, waxayna Saldhigaas dooneysaa in ay kala dagaasho Wadamada Carabta maadaama Soomaaliland ku taal meel Istaraatiiji ah oo ay ka go'doomin karto wadamada Carabta

Qoraalka  hoose waxaa Qorey Wasiir Abshir BukhaariIlaalinta Midnimada ma aha mid Cid gaar leedahayMidnimada Jamhuuriyadd...
01/01/2026

Qoraalka hoose waxaa Qorey Wasiir Abshir Bukhaari

Ilaalinta Midnimada ma aha mid Cid gaar leedahay

Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa tiir-dhexaadka jiritaanka Qarankeena, waana masuuliyad sharci, qiyam iyo taariikheed oo ka sarraysa dan gaar ah, aragti kooxeed iyo mid qabiil(o) gaar ah.

Ilaalinteedu ma aha hawl cid gaar ahi leedahay balse waa waajib saaran muwaadin kasta, hay’ad kasta, iyo masuul kasta oo xil u haya ummadda. Waa waajib taariikheed iyo mas’uuliyad jiilba jiil u gudbiyo.

Taariikh ahaan, xildhibaannada Reer Woqooyi waxay door muuqda oo aan la dafiri karin ka qaateen geeddi-socodkii dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed tan iyo burburkii dawladii dhexe ee kelitaliska ahayd. Muddo dheer waxay u taagnaayeen astaan midnimo iyo sharciyadda dawladnimo Soomaaliyeed xilli ay adkayd in la helo aragtidaas iyo hannaan dawladeed oo la wada leeyahay.

Joogitaankooda iyo doorkooda dawlad-dhis waxa uu xoojinayaa mabda’a ah in Qaranku yahay mid lagu mideysan yahay, la wada leeyahay. Sidaa awgeed, waa in la fahmaa gar-dhigashadooda iyo biyodhaca war-murtiyeedka ay soo saareen ee ah in arrinta Somaliland ay tahay mid wadahadal oo kaliya lagu xallin karo.

Hase ahaatee, waxaa iftiimin mudan in kala-duwanaanshaha aragtiyeed ee mararka qaarkood soo ifbaxa uu yahay mid muujinaya astaanta dimuqraadiyadeed ee xorriyadda fikirka iyo hadalka. Balse, qaabka loo muujiyo fikirkaas ayaa go’aamiya in uu noqdo mid dhisa ama dhaawaca wadajirka ummada. Waana marka hadalka laga leexiyo majarihiisa.

Sidaa daraaddeed, si ay iska caabbinteena ku aaddan duulaanka qaawan ee Isreal ku soo qaaday midnimadeena dhuleed iyo wadajirkeena ummadeed u noqdo mid lagu guulaysto, waxaa lama huraan ah in farriinteenu ay noqoto mid isku duuban, midaysan, isla markaana ka tarjumaysa wadajirkeena ummadeed iyo hay’adeedba. Sidoo kale waxaa waajb ah in laga fogaado hadallo ama ficillo keeni kara is-faham-waa, kala-qaybsanaan muuqata ama mid qarsoon si aan u ilaalino midnimada, sharafka, iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, midnimada Soomaaliya waa waajib taariikheed, iyo mas’uuliyad jiilba jiil u gudbiyo. Kalintaada maanta aad ka qaadato ilaalinta midnimada dalka waa taariikhdaada beri iyo dhaxalka aad uga tageyso jiilka kaa dambeeya.

Wixii Soomaali lahayd oo dhan Xasan Shiikh reerkiisaa qaatey1- Xilalkii Hoose oo dhan reerkiisaa ayaa wada qaatey 2- Gan...
28/12/2025

Wixii Soomaali lahayd oo dhan Xasan Shiikh reerkiisaa qaatey

1- Xilalkii Hoose oo dhan reerkiisaa ayaa wada qaatey

2- Ganacsigii Reerkiis ayuu u xiran yahay

3- Safiiradii Reerkiisaa ayaa Wada qaatey

4- Ilihii Dhaqaalaha reerkiisuu u dhiibtey

5- Wixii Darajada Ciidanka lahaa reerkiisaa wada qaatey

6- Dhulkii Ummada ka wada dhaxeeyey reerkiisaa qaatey

7- Wixii Caawinaad ahaa dalkaa loogu deeqey reerkiisaa qaatey

8- Reerkiisaa loo xirey wixii Shirkada ahaa ee Dowlada lahayd

9- reerkiisa maanta waa Hantiilayaal waxay dhaqaale ka sameeyeen dhulkii danta guud, waxay guryo ka dhisteen Istanbuul, Daarasalaam iyo Nairobi

Cismaan Dubbe

E - Visa Dhibaatada uu Keeney1- Busaarada iyo Dhaqaale Xumida Dalka ka jirta waxaa Qayb ka ah E-Visa Maalinkii Muqdisho ...
27/12/2025

E - Visa Dhibaatada uu Keeney

1- Busaarada iyo Dhaqaale Xumida Dalka ka jirta waxaa Qayb ka ah E-Visa Maalinkii Muqdisho ama Dalka waxaa imaan jirtey 400 Qurbo Joog ah maanta waxaan yimaada waxaa 60 dhameyn

2- Qurbo Joogta dalka Imaan jirtey waxay dalka soo gelin jireen Dhaqaale badan maanta lama hayo

3- Shirkadihii Diyaaradaha waxay qarka u saaran yihiin in gebi ahaan joojiyaanv ka Shaqeeynta Soomaaliya

4- Shirkadaha Tikidhada Jara waxaa saameeyey E- Visa ma jiro wax dalka Imaanaya ama dhoofaya waa iska fadhfadhiyaan

5- Shaqaalihii Garoomada ee Lufalufan jirey Dadka Dibadda ka imaanaya waxaa soo wajahay dhaqaale Xumo

6- Dadkii Ajaaniibta ahaa ee Dalka Imaan jirey Dhaqaale Badana dalka soo gelin jirey iyadana meesha ayey ka baxdey

7- Soomaliland in Israaiil u Xarooto waxaa qayb ka ahaa E- Visa

XASAN SHIIKH  AYAA U SABAB AH IN AY YUHUUD U GALAAN Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hadda ka hor yiri " Haddaa aragto Ruux ...
27/12/2025

XASAN SHIIKH AYAA U SABAB AH IN AY YUHUUD U GALAAN

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hadda ka hor yiri " Haddaa aragto Ruux Soomaali ah oo Caddow Magansadey, hadde ogow ruux kale oo Soomaali ah ayuu ka Cararey"

1- E- Visa ayaa ku dhibaateysey kuna cadaadisey
2- Maamul Waqooyi Bari la tiraahdo ayaa ku dul dhistey
3- Dhaqaalihii ay xaqa u lahaayeen ayaa u diidey
4- Diyaaradiha qaarkood ayaa xayiraad ka saartey

Somali oo Heshiis ah iyo Dunida oo Heshiis la ah Xagee ku dambeysey

Xasanow inta uu Axmed Fiqi iyo Kooxdiisa kuula talinayeen waa u maleynayey in dadka Soomaaliyeed aad af Libaax gelisaan ka Xaab Xaabi

Labadaan Calan Heshiis ma noqon karaanWaxaa arkayey Magaalada Hargeysa oo Labadaan Calan inta la isku soo dhejiyey ay ko...
26/12/2025

Labadaan Calan Heshiis ma noqon karaan

Waxaa arkayey Magaalada Hargeysa oo Labadaan Calan inta la isku soo dhejiyey ay kor u lulayaan Shacabka qaarkii

Israaiil Aqoosigeeda Hargeysa  Ujeedkiisu waa in ay Carqaladeyso Heshiiska Shidaal Qodista ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo ...
26/12/2025

Israaiil Aqoosigeeda Hargeysa Ujeedkiisu waa in ay Carqaladeyso Heshiiska Shidaal Qodista ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga

Yarkii Xasan Shiikh Caaga Ku tuurey muxuu Caan u noqon waayey, kii Bush Kabta ku tuurey caan ayuu noqdey, welibana dhowr...
24/12/2025

Yarkii Xasan Shiikh Caaga Ku tuurey muxuu Caan u noqon waayey, kii Bush Kabta ku tuurey caan ayuu noqdey, welibana dhowr Milyan oo Doolar ayuu heley

DEGMADA OOWEYNE EE GOBOLKA BANAADIRBeesha reer Xaaji Saleymaan oo dadaal ugu jirta sidii Degmo u Noqon lahayd OODWEYNEKu...
23/12/2025

DEGMADA OOWEYNE EE GOBOLKA BANAADIR

Beesha reer Xaaji Saleymaan oo dadaal ugu jirta sidii Degmo u Noqon lahayd OODWEYNE

Ku soo dhawaada Aargada Degmada Ooweyne ee Muqdisho

Sida Xubnaha 13-ka Aqalka sare u mateli doona Gobolka Banaadir loo qaybsadey1- Abgaal 4 Xubbood2- Habargidir 3 Xubnood3-...
23/12/2025

Sida Xubnaha 13-ka Aqalka sare u mateli doona Gobolka Banaadir loo qaybsadey

1- Abgaal 4 Xubbood
2- Habargidir 3 Xubnood
3- Murusade 1 Xubin
4- Xawaadle 1 Xubin
5- Banaadiri 1 Xubin
6- Dir 1 Xubin
7- Daarood 1 Xubin
8- Raxanweyn 1- Xubin

Address

Makka Almukarama Street, Hodan District
Mogadishu
252

Telephone

+252615532494

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amiin Yuusuf Khasaaro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Amiin Yuusuf Khasaaro:

Share